Telesom Dahabshiil
Published On: Fri, Jan 29th, 2021

 Hantida Umadda Oo La Xalaashado Xisaabta Aakhiro Ee Ka danbeysa !!!

Araweelo News Network.

 Hantida Umadda Oo La Xalaashado Xisaabta Aakhiro Ee Ka danbeysa !!!

W/Q.  Eng. Mohamed Ali Muse

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba. Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba,idinku salaamaya salaanta islaamka ee qiimaha badan,asalaamu calaykum waraxmatu laaahi wabarakaatu.


Waxaan  Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,dulmiga ka dheeraada,Qabyaalada iyo urteedana ka fogaada.

Rabbigeen (TWC),isagaa kownkan abuuray,wax ka qarsoonina haba yaraate ma jiraan,maamulidiisana cidna kama tala galiyo,waxaanu soo raaciyey Kitaabka Kariimka ah,oo uu ku cadeeyey dariiqa loo maro liibaanta adduunyo,dariiqa loo maro liibaanta aakhiro,wixii inoo xalaala,wixii innaga xaaraana iyo ciqaabt iisa darran.Waxaa biyo kama dhibcaana,in maanta Xilkii noqday dariiq loo maro in lagu taajiro ,laguna boobo Hantida umada,oo aynu aragnay tiro aad u badan,oo intaan xilka loo dhiibin shaxaad ku noolayd,muddo yar ka dibna, Guryo,Fooqaq,Dhul boob,Hudheelo,Warshado,Baayac mushtar,iwm,ka binaystay. Balse ma  moog yihiin,in Rabigeen (TWT),aanay waxba ka qarsoonayn,oo Xilka oo aan Allah dartii loo gudan,Hantida Umadda oo la xalaashado,ay geeri ka danbayso iyo xisaabtii aakhiro !!!.

Bal aan hal qiso idinla wadaago,kuna sahabsan khatarta ku sugan Hantida Umada oo la xalaashado,oo la xado.Waxaa Abu Huraira laga warinayaa inuu yidhi, Nabigeena Maxamed (CSW),ayaan la soconay,Khaybar ayaan furanay,kana helnay xoolo mood iyo noolba leh.Nabigu (CSW),waa ka tagay waxaanu u wareega y meel la yidhaa Waadil Quraa,oo uu duulaan u aaday.Waxaa dadkii Nabiga (CSW),la socday ka mid ahaa,Wiil addoon ah,oo uu Nabiga uu u soo hadyeeyey nin la yidhaa, Rifaacat Binuzayd.

 

Wiilkaasi, Nabiga (CSW),wuxuu u ahaa gacantiisa midig,waxaanu ahaa saxaabi,muumin ah.Isagoo rarkii Nabiga dejinaya,oo furaya,ayaa waxaa ku dhacay Leeb,aan la garanayn meel uu ka yimid,waanu u geeriyooday.Asxaabtii kale markay arkeen,waxay isku yidhaadeen, Wiilkaasi waa ehlu Janno,maadaama uu ahaa addoon mumina,Nabigana (CSW) u adeegi jiray.
 
Nabigeenii Maxamed (CSW),markuu maqlay hadalkoodii wuxuu yidhi,sidaad moodeen maaha,ee Ilaahayga Naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee,

Marradii uu xada maalintii Khaybar la furtay,intaan Qaniimada la qaybin,ayaa korkiisa ku dul hurraysa,oo ku dul gubanaysa !!!!.
Qisada Abu Huraira laga warinayaa,waxay inno cadaynaysaa,in Xaaraantu tahay mid Rabbi inooga digay,cidii u badheedhaana,ciqaabteeda mudan doonto.
Waxaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland u soo jeedinayaa, in cida ay u soo xulayaan doorashada Golaha Wakiilada & Golaha Degaanka,ay aad uga fiirsadaan,kuna qiimeeyaan:

 

1- Allah ka cabsigiisa
2- Inuu Xalaal miirad yahay

3- Shaqsiyadiisa
4- Aqoontiisa
5- Waayo aragnimadiisa
6- Kartidiisa
7- Daacadnimadiisa
8- Jecel inuu dadkiisa & dalkiisa si daacad ah ugu shaqeeyo
9- Run sheeg inuu yahay,ogna in Beentu xaaraan tahay

Balse ha dooran:

1- Kii horeba xilka ugu fashilmay
2- Kii Hantidii umada ka taajiray
3- Ha ku dooran Qabyaalad,waa tolkay,waa ina dha-dhaar,ogowna aakhiro waxba ku tari maayo.

 

Hadaadse,kii intaaba ku sifoobay,aad maantana dib u soo doorato,berri ka maalin ha ka caban,ee dulqaad u yeelo…..Eesh qiyaasak,maanagaa waalan ,mise Cadan baa laga heesayaa!!!!. Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadaydan kooban,cid kasta oo kursi umadeed u hanqal taagaysaa,waa inay ogaadaan cawaaqibka laga dhaxlo,Xilka oon Allah dartii loo gudan,Hantida umadda oo la xalaashado,Geerida iyo xisaabta aakhiro oo danbeysa !!!

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

 Eng. Mohamed Ali Muse
Senior Certified Network Specialist
| CNA | CCNA | FCNSA | MCP | A+ |
29 January,2021

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jaama, a Freelance Journalist and Human Rights Activist and over 20 year experience as a Career Journalism and human rights activist, as well as a writer and investigation journalism on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics, security, economics, democracy, good governance, and events in the region and around the world and Worked for the Somaliland Newspapers, in 2008 established website #Araweelo #News #Network, which based in Somaliland he is a currently runs, #Arraale is a Specializes in the investigation and reporting on issues to human rights, democracy, and good governance. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp