W/Q. Cabdiramaan Aadan Ducaale (Dhakaawe)

Bulshada ku dhaqan Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag ee ku kala sugan gudaha dalka Somaliland iyo qurbo-jooga ku nool dalalka dibadda, ayaa isku hawlay sidii ay u dhisan lahaayeen Jaamacad loogu talogalay in sare loogu qaado aqoonta iyo waxbarashada heerka sare ah, taasoo dhismaheeda laga bilaabay bishii August ee sannadkan 2019 magaalada Gar-adag.

Hasa yeeshee, waxa la yaab leh in jaaliyadaha ka soo jeeda deegaanka Ceel-afweyn ay u tafo-xaydan yihiin, kuna mashquulsan yihiin sidii ay dhaqaale ugu soo ururin lahaayeen rasaas iyo hub ay jeedadiisu tahay inay isku dilaan bulshada walaalaha ah ee ku wada dhaqan isla Degaanka Ceel-afweyn, isla markaana ay dibadaha ka soo hurinayaan colaadda muddada dheer ka taagnayd degaankaas, taasoo saamayn togan ku yeelatay nolosha iyo heerka waxbarashadu ee da’yarta ku dhaqan Ceel-afweyn.

Haddaba, waxa aan hambalyo iyo bogaadin dheeraad ah u dirayaa jaaliyadaha degmada Gar-adag oo uu hormuud ugu yahay Prof. Ibraahim Barre Nuur (Hurre) ay hadh iyo habeenka ku hawlan yihiin sidii ay ugu fikiri lahaayeen dhismaha goobo ay ubadkoodu wax ku bartaan oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Jaamacadda Gar-adag ee hadda dhismaheedu socdo.

Waxayna Reer Gar-adag la yimaadeen qorshe iyo siyaasad lagu abuuro dhaqaale ay dadkooda ugu faa’iidaynayaan, sarena ugu qaadayaan adeegyada waxbarashada, halka ay Jaaliyadaha Reer Ceel-afweyn ku hawlan yihiin arrimo waxyeelo ku ah noloshada bulshada degmadooda, kuna soo ururinayaan dhaqaale ay ku soo iibsadaan rasaas ay isku dilaan, taasoo macnaheedu yahay in shaqadoodu tahay in wax la dilo oo qudha, arrintaasoo if iyo aakhiro aan midna anfac u lahayd dadka jaaliyadaha ah iyo dadka kale ee u nool gudaha degmada Ceel-afweyn.

Haddaba, waxa aan ugu baaqayaa bulshada Reer Ceel-afweyn, gaar ahaan qurbo-joogooda inay ku daydaan walaalahooda qurbo-joogta Degmada Gar-adag ee iyaguna ku hawlan dhismaha nolosha iyo horumarka degmadooda, taasoo ay laf-dhabar u tahay hirgelinta Jaamacadda Gar-adag oo ay tahay in Reer Ceel-afweyn ay kaga daydaan, waxaanan Reer Ceel-afweyn ugu ducaynayaa in Ilaahay tuso wanaaga iyo horumarka, kana badbaadiyo dhibaatooyinka iyo geerida ay u horseedayaan dadkooda.

W/Q. Cabdiraxmaan Aadan Ducaale (Dhakaawe)

Hargeysa/Somaliland

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.