W/Q. Cabdraxmaan Aadan Madar (Abdirahman Joco)

Soomaalilayn oo hada Sodon jirsanaysa ayaa ladaalaa dhacaysa jahwareer siyaasadeed iyo hogaamin aan lamahadin oo ay reebtay doorashadii uu ku yimid madax-waynaha hada talada dalka haya Muuse Biixi Cabdi, iyadoo muranbadani kataaganyahay qaabkii loo qabanlahaa doorashada baarlamaanka iyo ta golayaasha deegaanka iyo qaabkii loo xulihaaa gudidii qabanlahayd doorashooyin ka ayaa waxaa hada ismarinwaa adag ka taaganyahay gudida uu Madax-wayne Biixi u magacaabay inay doorasho qabtaan oo ay ku kala aragti duwanyihiin axsaabta mucaaradka .

Soomalilayn mudadaa ay jirtay midawga afrika iyo beesha caalamka ka may helin aqoonsi caalamiya oo loo aqoonsado qaran ka madax banana Dawlada Soomaliaya, iyadoo soomaalilayn buuxisay shuruudihii dawladnimo ee lagu aqoonsanlahaa.

Marka lagayimaado labadii madax-wayne ee u horeeyay ee soomaalilayn AHUN Cabdirahmaan Axmad Cali (Tuur) iyo Maxamad X.Ibraahin Cigaal oo soomaalilayn ka soo samatabixiyay burburkii iyo baabi’ii kuyimid dadka iyo dalka

Cabdiraxmaan Tuur oo ahaa gudoomiyihii SNM waxa uu noqday madax-waynihii koowaad wuxuu dalka hogaaminaayay mudo seex sano iyadoo ay markaas jireen maleeshiyo beeleedyo iyo jabhadii oo is ku badashay dayday ayaa waxaa uu dalka ku xukumijiray nidaam nabadgalyo oo ay beeluhu ku kala nabad galaan waxaana uu sinabad galyo ah ugu wareejiyay xukunka bulshada waxaanay doorteen madax-wayne Cigaal waana jabhadii koowaad ee xukunka kuwareejisa dad rayida.

Madax-wayne Cigaal oo noqday madaxwaynihii labaad ee soomaalilayn waxaa uu dalka hogaaminaayay mudo 9 sano isaga oo ahaa aas aasihii dhisitaanka qaran jamhuuriyada soomaalilayn,waxaana uu hub ka dhigis ku sameeyay jabhadii iyo maleeshiyo beeleedyadii waxaana uu dhisay qaran ku dhisan nidaam dastuuriya.

Maxamad X.Ibraahim Cigaal AHUN,waxa uu ahaa rugcadaa siyaasiya aqoonyahan aragtidheer ku sifoobay hogaamin wanaagsan hawlkarnimo waana ta u suura glisay in uu dhiso dawlada leh hanaan iyo nidaam dastuuriya.waxaana uu is ku duubay oo uu walaalo is ku aragtiya ka dhigay dhamaan beelaha wadadaga somalaailayn Bari ilaa Galbeed ,Woqooyi ilaa Koonfur.

Waxaa ku xigay Aabihii dimuquraadiyada Soomaalilayn Daahir Rayaale Kaahin oo noqday Madax-waynihii sedexaad ee talada dalka qabta waxaana uu noqday madax waynihii ugu horeeyay ee qabta doorasho ka dhaxcada dalka ee ay axsaabta mucaaradka iyo xukumadu ku tartamaan bishii afraad 2003, doorashadaasi oo uu kaga adkaaday xisbiyada UCID iyo Kuliye oo ay kala hogaainayeen Faysal Cali Waraabe iyo Axmad Siilaanyo.waxaa ku xigtay doorashadii baarlamaaka soomaalilayn ee qabsoontay 29 -09- 2005. Waxa kale oo uu qabtay doorasho sedexaad oo ay xisbiyo ku loolamaan hanashada hogaaminta dalka Bishii lixaad 2010. Oo uu ku guulaystay Axmad Maxamad Maxamuud Siilaanyo waxaana uu Madax-wayne Rayaale sinabgalyo ah ugu wareeyiyay xilka Madax-wayne Siilaanyo qaran dad ahaan iyo dal,ahaanba midaysan,oo meel uga soo wada jeeda midnimada iyo madaxbanaanida soomaalilayn, waxaana kareebanaa nidaamka qabiiliga ah ee hada kajira wadanka.

Madax-wayne Daahir Rayaale Kaahin sideedii sano ee uu xilka hayay,waxa uu qabtay doorashooyin madaxtinimo kuwo baarlmaan iyo kuwo gola deegaan ku waas oo u qabsoomay nidaam dimuquraadiya. Doorashooyinkaasi oo sinabad galya ah uga dhacay guud ahaan gobalada iyo dagmooyinka soomaalilayn.

Mudadaa sideeda sano ahayd ee uu Madax-wayne Rayaale hogaaminta dalka hayay, waxay soomaalilayn ahayd Dal iyo Dad midaysan oo is ku mawqif iyo aragtiya, manay jirin siyaasad qabiilaysan oo kala qaybisa beelaha soomalilayn iyo shacab waynahooda iyadoo dadka walaalaha ah ee hooyo iyo aabe wada dhaleen ay kala taageerijireen xisbayada qaranka ee watigaa dhisnaa.

Bishii 07-01 -2010 ayaa Axmad Maxamad Maxamuud Siilaanyo  loodortay Madax-waynaha Soomaalilayn,isagoo halgan adag u soo galay ku fadhiisaka kursiga madaxtooyada, waxaana uu ka dhabeyay balan qaadyadii olalaha uu balan qaaday, waxaana uu dhisay xukumada tayoleh oo aad looladhacay qaabkii uu u soo macagaabay Golihiisa wasiirada, waxa uu furray inay tartamaan ururo siyaasadeed oo baahi looqabay ,waxaana uu qabtay doorashadii golayaasha deegaanka soomaalilayn Bishii 12-2012. Sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo waxa uu qabtay doorashada Madax-tooyada oo ay xisbiyo ku tartamaan isaga oo aan isagu tartamayn oo uu tartanka kujiro Madax waynaha hada dalka hogaamiya Muuse Biixi Cabdi.

Madax-wayne Siilaanyo Labadii sano ee u horeeyay waxa uu dalka ka qabtay horumar lataabankaro oo bulshada reer soomaalilayn aad ugu riyaaqeen,waxaana wax-qabadkiisa ka mid ahaa dhisida dhismayaasha wasaarada ,Darajada ciidamada qaran ka oo ay madaxwaynayaashii isaga ka horeeyay ka gaabiyeen,furtitaanka wada hadalada Soomaalilayn iyo Soomaaliya.

Wax-qabadkaa iyo labadaa sane ee hore waxaa badalay in ay Soomaalyn ay noqoto beelo beelo iyo inay dalka ka abuurmaan jabhado ku salaysan qabiilo iyo handidii umadu wada lahayd oo laboobo oo cidgaari ku takrifasho oo aan ahayn beelo balse cidii markaa katirsanayd xukumada Madxwayne Siilaayo iy intii ka agdhawayd ay madhsadeen wixii qaranku lahaa oo aanay dadku mahadin.

Olalihii doorashadii dabayaaqadii 2017 ka bilaabmay Soomaalilayn waxa ay ku reebay bar madaw iyada oo ay tartamayeen sedexda xisbi qaran Kulmiye,Wadani, Ucid,oo ay kala hogaaminayee Madax-wayne Biixi,Faysal iyo Ciro. Tartankaa dhexmaray Axsaabta mucaaradka iyo xisbul xaakimka kulmiyeayaa ahaa mid qabiilaysan oo aan ku salaysnayn dimuquraadiyadii lagu yaqaanay doorashooyin kii ka horeeyay doorashadan.

Doorashadii uu Madax-wayne Muuse Biixi Cabdi uu kaga guulaystay Cbadiraxmaan Ciro Iyo Faysal Cali Waraabe ayaa ahayd mid lagu tartamayo qabiil iyo is xulafaysi aan loo aabo yeelin oo kala fogeeyay beelaha walaalaha ahaa ee wada daga Soomaalilayn ee ood wadaagta qoor kood ahaayeen.

Markii uu Madax-wayne Biixi ku guulaystay kursiga madaxtinimada ee beelaysnaa muu bogsiinin xanaftii iyo hagardaamadii ay reebtay tartankii olalihii qadhaadhaa ee dhex-maray Xisbiga Wadani iyo Kulmiye oo loolan aad u adagi u dhexeeyay taanisa waxay keentay in is la sidii maxadwayne siilaanyo laba sano gudoohood ay jabhado qabiilaysani u dalka uga abuurmaan ku waas oo aan Soomaalilayn madaxtinimadeeda mucaarid ku ahay balse diidan nimaadka maa mul ee ka Jira dalka.

Jahwareerka siyaasadeed iyo hogaaminta aan lamahadin ee ka jirta dalka ayaa ah mid aan wali xal loo helin iyada oo Xukumada iyo Mucaaridku ay is ku marilaayihii sidii doorasho uga qabsoomilahayd Soomilahayd, iyadoo uu khilaaf baahsani kataaganyahay gudida doorashooyin ka uu Madax-wayne Biixi dhawaanta  soomagacaaacay oo muran badan dhaliyay iyo mudo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Golaha wakiilada mudo dhaaf badan ku jooga.

Khilaafkaa adag ee ka dhex aloosan Xukumada iyo Mucaradka ayaa ah mid qadiyada iyo jiritaanka Soomaalilayn aad uwiiqay iyadoo beesha caalamka iyo wadamada kataageera dhinaca dhaqaalaha doorashooyinka ay walaac ka muujiyeen xalinla,aan muranka badan dhalisay ee aan tanaasulka lahayn.iyada oo aanu murankani ahayn mid uguba balse islamarkaaba xalwaara looga gaadhijiray aanay ku amaanayeen madaxda iyo shacabkuba.

Balse Madax-waynaha iyo Labada hogaamiye ee mucaaradka ayaan la mahadin siyaasadooda iyo qaabka murankooda foosha xun ee aan garawshiyaha lahayn,halka madax-waynaha lagu eedeeyo inuuyahay canaad aan ogalayn tala soojeedinta,iyo mucaarad jilicsan ee aan u bislaan nidaamka mucaaradnimo,ee toosinta xukumada.

Murankaa siyaasadeed ee ay is ku mariwaayen Xukumada iyo Mucaaridku waxaa dhexda u xidhay gudi iyadu is keed is ku magacawday oo is kugu jira Samotalis, Culimo,Ganacsato iyo aqoonyahan,ayaa mu dooyinkii udambeeyay ku hawlanaa sidii ay is kugu soodhawaynlahaayeen Madax-waynaha iyo Labada Gudoomiye ee mucaaradka ah.

Gudidaa iskeed is ku xilqaamtay aya kulamo kala gaar-gaara layeelanaayay mudooyinkii udambeeyay Xukumada iyo Xisbiyada Mucaaradka,kulamadaas oo ay layeelanayee maalmihii la soodhaafay Xukumada iyo Mucaarad ayaa waxay shalay shaaciyeen qodobadii labada dhanba ay ogolaadeen oo ahaa in lakaladiro Gudidii uu dhawaanta Madax-waynuhu magacaabay ee muranka badan dhaliyay lana soociliyo Kominshankii hore ee ay hore udiideen Mucaaradku.

Labada dhinac oo bayaankaa gudida is keed is ku xilqaantay ka hadlay ayaa waxay dhinacyada is hayaa sheegeen inay qaateen go,aamadaa gudidu soosaareen.Halka hadalada xukumada ka muuqatay in sharciyada dalka loo eegidoona sida bayaanka gudida kucadayd, la arki doonaa qaabka way wax udhicidoonaan.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Cabdraxmaan Aadan Madar (Abdirahman Joco)

Cabdirahman7up@gmail.com