By; Maxamuud Hindi Aadan

Marxuum Jaamac Yuusuf

Alle ha u naxariisto
Ha u nuuro xabaasha
Iilka neecow udgoon iyo
ha ku siiyo naruuro
Allaah ha u naxariistee, waxa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku geeriyooday Ambassador Yuusuf Jaamac Buraale, iyadoo maydkiisa loo soo qaaday dhinaca Somaliland, laguna aasaay xabaalaha Naasa-hablood ee bariga caasimadda Hargeysa markii ay taariikhdu ahayd 03/02/2018.
Haddaba, haddii aynu wax yar ka sheegno taariikhda Ambassador Yuusuf Jaamac Buraale waxa uu dhashay markii ay taariikhdu ahayd sannadkii 1940, waxaannu ku dhashay tuulada Xaaxi oo ka tirsan gobolka Daadmadheedh ee xaruntiidu tahay magaalada Oodweyne, hooyadii waxa la odhan jiray Cosob Xaaji Nuur.
Malcaamad Qur’aantii iyo dugsigii hooseba waxa uu ka bilaabay magaalada Hargaysa dugsigii dhexe iyo sare, waxa uu ku qaatay magaalada Sheekh, markaa uu ku jiray dugsiga sare ee Sheekh waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii ka qaybqaadatay halgankii lagaga soo hor jeeday gumaysiga marmararka ka mid ah waxa lagaga eryay dugsiga waxbarashada halgankaa daraadii, maadaama uu ka soo horjeeda maamulkii Ingiriiska.
Intaa ka dib waxa uu u anbabaxay dalka Ruushka, halkaa ayuu ka galay jaamacad, isagoo digreegii kowaad ku qaaday sharciga, shahaadadii Mastertiina waxa uu ku qaatay barashada sharciga caalamiga ah (International law), waana qofkii Soomaali ahaa ee ugu horeeyay ee qaata master International law ah, ka dib 1966 waxa uu ku soo noqday dalka, waxaannu shaqadii ugu horaysay ka bilaabay madaxtooyada Soomaaliya oo uu markaa madaxweyne ka ahaa Aadan Cabdule Cismaan (Adan Cadde) iyo Golaha Baarlamaanka ayuu labadaba La-taliye arrimaha sharciga ah u noqday, golaha baarlamaankana markaa waxa haystay Allaah ha u naxariistee Ina Diir-qadhaadh.
Inqilaabkii millatari ee ka dhascay Soomaaliya sannadkii 1969 wax yar ka hor ayaa uu dalka ka baxay, waxaana uu aaday dhinaca dalka Denmark ee qaaradda Yurub, isaga oo Denmark jooga ayaa uu inqilaabkii dhacay ka dib waxa uu u soo anbabaxay dalkii, waxa uu soo maray Ethiopia oo ay safaaradda joogaan Cumar Carte Qaalib iyo Yuusuf Dirir, alle ha u naxariistee.
Taariikhdu markii ay ahayd 25/10/1969, waxa loo magacaabay safaaraddii Soomaaliya ee Ethiopia, waxaana uu Ku-sime safiir ahaa laba sanno haddana waxa laga dhigay safiir ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha, haddana waxa loo wareejiyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Al-jeeriya. Waxa kaloo uu ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaaliya ay ku lahayd Ruushka, intaa ka dib waxa uu safiir buuxa noqday.
Waxa kaloo sannadkii 1973 loo magacaabay safaaraddii Sooamaliya ee Suuriya ilaa iyo 1987, halkaana waxa uu ku qaatay DIRECT GENERAL AMBASSADOR 1987 ayaa uu ka goostay dawladdii Soomaaliya, waxaana uu yimid dhinaca waddanka Ethiopia iyo SNM waxaana uu ka mid noqday Golihii Dhexe ee SNM.
Markii dib loogu soo noqday dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ka mid noqday dawladdii Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal, iyadoo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib-dejinta, halka xilligii ay jirtay dawladdii Daahir Rayaale Kaahin loo magacaabay inuu noqdo safiirka Somaliland ee Ethiopia, isagoo sidoo kale dawladdii Axmed Siilaanyo, haddana mar kale noqday Safiirka Somaliland ee Ethiopia iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada. Markan uu geeriyooday wax xil ah muu hayn.
Allaah ha u naxariistee marxuumku waxa uu ifka kaga tagay hal xaas oo ah Raxma Axmed Cilmi, afar wiil iyo gabadh, waxa ay sii dhaleena waa shan carruur ah.