Caddami

Caddami

Wasaarada maaliyadu in muddo ah waxay la kulmaysay madaxda wasaaradaha, hay’adaha kale ee dawlada iyo talisyada ciidamada kala duwan si qolo kasta loo la eego miisaniyada ay wasaarada maaliyada u soo gudbiyeen si loo diyaariyo Miisaniyada qaranka ee 2016, in kasta oo shaqaalaha iyo ciidamadu rajo ka qabeen in sanadkan mushaharka loo kordhiyo waxa la xaqiijinayaa in aan waxba loogu darin miisaniyada xataa lama soo hadal qaadin in wax la kordhiyo.

 

Bal dib u xusuuso balanqaadkii Kulmiye ee ahaa in mushaharka loo kordhin doonan 300%, balanqaadkas oo qof kasta hunguri galiyey xata ilaaladii gaarka ahayd ee madaxweynihii hore waxay codkoodii siiyen Kulmiye doorashadii Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa 2010, maantase waxay u arkaan in uu ahaa balanqaad been ah oo lagu khiyaameyey.

 

Si kasta ahaate macalamiintu nolol ahaan waxay ka sii liitan shaqaalaha kale, korodhsiimadii mushaharka ee ahayd 100% macalinka waxba uma ay kordhin sababta oo ah boqolna waa laga jaray, boqolna waa loo kordhiyey. Shaqada ama wax soosarka (out-put) macalinka niyad jabsan waxay ka muuqata tayada waxbarashada dugsiyada dawladu maamusho oo maraysa heerkii ugu hooseysay ee soo mara waxbarashada Somaliland, waxay ka liidataa wakhtigii ardayda wax ku baran jirtay fasalo saqafku ka maqan yahay ama kuraasidu ahayd daasadaha madhan ee caanaha. Dugsiyadii dumay waa la dayac tiray kuwo kalena waa la dhisay laakiin ardayada dugsiyada dawladu ma helaan sacado ku filan oo ay wax ku bartaan, maalamaha qaar waxa la waaya macalinkii xiisadaha lahaa sababta oo ah wuxuu ka dhexeyaa dugsiga dawlada iyo kuwa private-ka ah sidaa awgeed surto gal ma ah in ardayda loo dhameystiro manhajkii sannad dugsiyeedka loogu talo galay. Hadaba wasaarada waxbarashadu dhaliisha tayo xumada waxbarashada, cabashada ardayda iyo waalidka waxay ku dambabastaa in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sarre imtixaanka ay wada gudbaan oo aan qofna ka dhicin, natiijadaasi oo isla marka saameyn ku yeelata tayada Jaamacadaha Somaliland, waana khalad weyn ama dambi ay wasaaradu ka gashay nidaamka waxbarashada dalka. Xukumada madaxweyne Siilaanyo dan kama laha tayada waxbarashada, waxay ka doorbidaa tirada badan oo waliba la sii buunbuuniyo si ay ugu faanto. Si kasta ha ahaate macalinka Somaliland ma helo mushaharkii iyo xuquuqdii uu ku lahaa dalkiisa, inkasta oo dhaqaalaha dalku yar yahay hadana macalimiinta looma waayeen mushahar ka dabooli kara baahiyaha asaasiga ah ee nolosha haddii miisaniyada si haboon loo qorsheyn lahaa ama loo maamuli lahaa, laakiin xukumada madaxweyne Siilaanyo waxay mudnaanta siisa meelo aan mudnayn, sida labatan hay’adood iyo ‘Commission’ oo wax shaqo ah oo muhiim ah dalka u qaban marka laga reebo shanta hay’adood ee distoriga ah hase ahaate mid kasta waxa loo qoondeyaa miisaniyad la mid ah ama ka baddan inta loo ogolaado wasaarado waaweyn oo shaqo muhiim ah u haya dalka. Ujeedada hay’adahan loo aasaasay waxay ahayd in rag mansabyo loogu sameeyo iyo mushahar baddan oo fadhiga lagu qaato, hawlwadeenada hay’adaha iyo Commission-nada bishii waxay qaataan gunno, mushahar iyo xuquuqo kale oo marka laysku geeyo 10 jibaar ka badan mushaharka macalinka sidaasi darteed waxa lagu tilmaami kara in ay yihiin cayayaan ku nool dusha (parasite) macalinka cawlan, hawlwadeenada daalay ee wasaarada Caafimadka iyo askari wakhti kasta heegan ku jira. Dadka cilmiga dhaqaalaha wax ka yaqaana waxay is waydiiyaan aqoonta, ujeedada, iyo doorka gudiga wasiirada ah ee u xilsaaran siyaasada iyo isu-dheelitirka dhaqaalaha dalka, waayo waxay meesha ka saari la hayeen hay’adahan la degay dhaqaalihii dalka ama waxa lagu kala dari lahaa wasaaradaha. Si kastaba ha ahaate macalin haddii lagu hagraday waa in aad hadasha oo codkaaga la maqalaa, sootii hore loo yidhi : ”Nin aan hadal hooyadii qadisay”. Runtii macalimiintu waa xoog aan idhaha laga lalin Karin ama dhawaaqooda dhegeha laga fureysan Karin, laakiin waxaan u maleynayaa in aanay awoodooda garan oo aanay isba ogeyn sidaasi daradeed waxaan ku baraarujin lahaa bal in ay is tijaabiyaan si ay quwadooda u arkaan ama loo tix-galiyo.

 

Cabdiraxman Cadami abdirahmanadami@yahoo.com