TelesomDahabshiil
Published On: Wed, Apr 29th, 2015

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Wuxuu Fahmay Halka Laga Dareewalinayay Dhibaatadii Reer Awdal Fahmi Waayeen: By. Maadhiin Tayuub

maadhiin TayuubMadaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, wuxuu beryahan safar ku marayay Dalalka Maraykanka iyo Canada, safarka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxay ujeedadiisu ahayd inuu dadka halkaa jooga ka dhadhiciyo horumarka iyo nabada dalkooda ka jirta iyo sida loogu bahanyahay in lacagta jeebkooda ka baxaysa ee loo adeegsanayo si qaldan ay ugu bixiyin lahaayeen dhismaha horumarka dalka, sida Waddooyinka, jamacaddaha, iskuulada, caafimadka iyo wixii la hal maala.
Waxa kale oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, wuxuu fahmay in halka wax laga wadaa tahay qurbaha, in halka dadka laga kiciyaa tahay qurbaha, waxaana odhan karaa wuu kusoo guulaystay qorshaha ujeedada booqashadiisii Maraykanka iyo Canada.
Qaar baddan oo ka mid ah qurabajooga kasoo jeeda gobolka Awdal oo ku sugan Maraykanka iyo Canada iyo meelo kale oo dunida ah, ayaa sawiro khaldan ka haystay dalka, balse waxa hadda aan odhan karaa waxa iska bedelay wax baddan markii ay kulmeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo xaalada dhabta ah ee dalka uga waramay oo ay is fahmeen, waxaana halkaa kusoo afjarmay dhibtii ay dadka Reer Awdal garan la’aayeen halkay salka ku hayso iyo meesha ay kaga imanaysay.

Markaa waxaan leeyahay Mudane Cabdiraxaan Saylici Madaxweyne ku xigeenka Somaliland hawl weyn oo waajibaadkaaga qaranka ah ayaad soo qabatay, waadna ku mahad santahay gudahsda waajibaadkaaga iyo hawshaa aad soo qabatay oo guul u ah qaranka Somaliland oo dhan.

By. Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub)
madhin77@gmail.com

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Human Rights

Businesses

Pin It