Araweelo News Network.

Baro_Dhirta

W/Q. Abdiziz Idris

Magaca soomaaliga: #Berde
Magaca carabiga:     #رقع/#رقاع
Magaca sayniska:    #Ficus_vasta
Qoyska geedka:        #Moraceae

Berde wuxuu ku jiraa dhirta kuwa aadka u waaweynaada ee dherer iyo baaxadba eebbe ku mannaystay. dhererkiisu wuxuu gaadhaa ilaa 25 mitir, halka qarada jirridiisuna noqoto ugu badnaan ilaa 3 mitir. Jirrida ooggadeeda sare waa yar sabiibax, hase ahaatee ma wada sinna oo waxay yeelataa god god muuqda. haddii jirrida ama laan laga jabiyo meel waxaa ka soo baxa dheecaan cad. laamaha yar yar ee aan qaan gaadhin uma adka sida kuwa waaweyn, midab ahaana waa bunni.

geedkan wuxuu leeyahay caleemo balballaadhan oo xiga wareeg, baaxaddeeduna waa 25x22cm. waxaana yara dheer oo muuqata caleenta iyo laanta qaybta isku haysa(petiole), waxayna gaadhaa 2 ilaa 8cm. hareeraha/girgirada caleentu waa kuwo siman oo ma kala dheera, dusha sare ee caleentana waxaa si cad u muuqata qaybta dhaxda(#midrib). waxaana ku hareereysan kuwa yaryar oo kale (#lateral_viens) oo tiro ahaan gaadha 6 ilaa 8 xabo. caleenta hoosteeda waxaa gu yaalla unugyo soo daaya dareere(#glandular_tissue).

Ubaxayada barduhu waxay ka kooban yihiin labo qaybood oo kala ah lab iyo dhedig. qaabkani waa wax ay wadaagaan dhirta ay isku bahda yihiin. ubaxyada lab iyo kuwa dhedig waxaa isku tallaala noocyo cayayaanka ka mid ah. iyada oo nooc kasta ee dhir ah ee ku jira bahdan bardaha ay u khaas tahay nooc gaar u ah oo cayayaan ah (#Host_plant_specific) oo qabata howshaas isku tallaalidda ubaxyada. guud ahaana waxaa lagu naanaysaa cayayaannadaas (#Wasps).

shaqada isku tallaalidda ubaxyada lab iyo kuwa dhedig maaha howsha keliya ee uu cayayaankani (wasps) gudanayo. balse waxaa is garab socda meertada nololeed ee cayayaankaas iyo isku tallaalidda ubaxa. oo cayayaankii wuxuu ku dhex rimaa ubaxyada, ugxantiisana dhigaa, kuna dillaacaan meeshaas, yadoo ay socoto isku tallalida ubaxyadu.

Si uu ubuxuna isugu tallaalmo, isla markaasna cayayaanku u dhamaystirto meertadiisa nololeed ayaa waxaa la maraa ilaa 8 tallaabo oo hoos ku xusan. tallaabooyinkan markay dhamaadaan waxaa dhacda in cayayaankiina dhamaystay heerarkii noloshiisa, miruhuna ay u dhamaystiranto shaqadii laga hayay.

1.Midhaha cusub ee cayriin (#Syconium) gudahooda waxaa ku jira labadii nooc ee ubaxa. waxaa gudaha u soo gala midhahaas cayayaankii dhedig yadoo ka soo galaysa dalool loo yaqaano(ostiole).
2.cayayaankii markuu guddaha galo wuxuu ugxantiisii ku dhalaa ubaxyada ku guda jira midhaha aan dhamayska tirnayn.
3.ubaxyadii guddaha ee ay ku dhex dillaacday ugxantu waxay yeeshaan qaab kuusan(gul_like_structure). ubixii la bacrimiyayna ee ay ugxantu ka dillacdayna wuxuu isu baddalaa iniinta uu geedku ku tarmayo hadhow.
4.dabcan midhihii wey weynaadaan intay howshani socoto. waxaana hor dillaacay ugxantii cayaanka lab oo markuu yara koray dhex wareega midhaha gudahooda si uu u raadsado cayayaan dhedig. wuxuuna rimiyaa kuwii dhedig oo yagu aan wali soo dhaafin godkii ay ku dillaaceen markay beedka ahaayeen.
5.ubaxyadii lab ee guduhu weyba qaan gaadheen marka marxaladdan la marayo, yadoo isla markaas uun ay cayayaanadii dheddig ee la rimiyay ka soo baxaan godkoodii ay  awal ku dillaaceen.
6.mar hadduu cayayaankii lab ee bilaa baalasha ahaa waynaaaday waxna rimiyay, howsha kaliya ee u hartay waa inuu god qodaa ama dalool sagoo ku jira gudaha miraha si ay uga baxdo tii dhedig ee rintay ee la joogtay. wixii intaas ka danbeeyana halkaas buu ku dhintaa cayayaankii lab.
7.kaddib yadoo cayayaankii dhedig sidda qaybaha lab ee ubax yadii qaan gaaray(pollen), ee ku yaallay mirihii ay ku dhex rintay ee bislaaday, ayay waxay dabadda uga soo baxdaa mirahaas yadoo ka soo baxaysa daloolkii uu sameeyay cayayaanka labku.
8.hadaba markan cayayaankii dhedig dibedda ayay u soo baxday waxayna siddaa ubaxa lab qaybihiisa taranka, yadoona xaamilo ah oo rabta inay dhasho ugaxan. waxayna saas ku radsataa geed kale oo leh miro aan qaangaarin si ay ugu dhasho gudahooda. wayna dhimataa wax yar ka dib markay dhasho beedkii ay sidday. halkaasna waxaa dib mar labaad uga bilowda meertadii cayayaanka yadoo mar labaad 8 daas  tallaabo dib loo marayo.

Sida caadiga ah midhaha berduhu waxay ka soo baxaan xagasha ay ku dhegen tahay caleentu iyaga oo hal ama dhowr xabbo ah. waxayna qarada miruhu le, egtahay ilaa 2 cm. waxaana gudaha kaga jira miro yar yar oo farabadan. waana kuwa uu ku tarmi karo geedku. sidoo kale wuxuu ku tarmaa haddii dib loo beero qaybo laamihiisa ka mid ah oo la soo gooyay.

Deegaan ahaan wuxuu ka baxaa dhulka biyo mareenada ah ama togoga dhinacyadooda. waxaana joogga dhulka laga helaa 300ilaa 1170 mitir. berdaha wuxuu si dabiici ah ugu gaar yahay geeska bari ee afrika iyo qaar ka mid ah wadama gacanka carbeed. wadamada laga helo waa Djabuuti, somaaliya, eretariya, itoobiya, kiinya, cumaan, sacuudiga, suudaan, yugaandha, iyo yemen.

Magacyo dhowr ah oo saynis ah oo gaadhaya ila 6 magac ayuu leeyahay. wuxuuna ku jiraa berduhu bahda (Ficus) oo ka kooban noocyo badan. dhirta la walaalka ahna waxaa ka mid ah darayga, dhicirka, iyo kuwo kale oo badan.

Adeegsigiisa waxaa ka mid ah:
» In midhihiisa la cuno oo ay dad, xoolo, dugaag, shinbiro, intuba cunaan. waxaana la cunaa markay bislaadaan, iyaga oo geedka ku dhagan iyo iyaga oo soo daatayba. xitaa markay qallalaan cuntada waa lagu karsan karaa. waxaa kaloo laga dhigtaa inta la qasto ama la shiido sharaab la cabo.
» qorigiisa waxaa looga faaiidaystaa in la shito iyo in alaabo laga qorto ama weel.
» Kala duwanaanshaha midabka midhaha berdeha noocyadooda waxaa sababta heerarka maadooyika (#Anthocyanins) iyo (#Cyanidin_3_0_rutinoside) ee ku jira midhaha.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W/Q. Abdiziz Idris

awidriis@gmail.com