“Uf Qabiilka Anaa Leh
Wuxuun baa ku Adeegta
Nin iskii Kartidiisa
Isagoon cid ku Tiirsan
Isku Taagi Kareynin
Una Haysta Ateero
Ayaantuu Dambi Geystana
Laga Hoos Galo Eeda”
Abwaan Gaariye
Diblomaasi iyo taariikhyahankii Faransiiska ahaa ee la odhan jiray Alexis de Tocqueville oo noolaa 1805-1859, ayaa mar uu faaqidayay axsaabta Maraykanka, wuxuu yidhi; “Waxa jira rag badan oo Mabda’ leh oo ku jira xisbiyada Maraykanka, laakiin ma jiro xisbi mabda’ lihi” (“There are many men of principle in parties in America, but there is no party of principle”)

Dunidda reer galbeedka ee aynu ka soo ergisannay nidaam dawladeedkooda axsaabta badan, waxay xisbi siyaasadeed ku sharraxeen “Waa ururka koox dad ah oo ku middeysan aragti, iskuna bahaystay inay saameyn ku yeeshaan ray’ul-caamka bulshada kuwaas oo u tartamaya doorashooyinka si ay u qabtaan xukunka dawladda.”
Dadka xisbi ku wada jiraa, waxay wadaagaan ujeeddooyin iyo hadaf, baadi-sooc u ah oo ay kaga duwan yihiin xisbiyada kale ee siyaasadda ee tartanku ka dhaxeeyo. Xisbiga siyaasiga ah, waxa horyaalla imtixaan ah inuu maskaxda dadweynaha ku kasbado aragtidiisa, hiraalkiisa siyaasadeed iyo ujeeddooyinka uu u taagan yahay inuu wax kaga qabto mustaqbalka.
Haddaba, waxa jira shan waajibaad oo ay tahay inay xisbiyada siyaasiga ahi qabtaan, kuwaas oo kala noqonaya sidan:-
1-Waxay dejiyaan siyaasadda guud ee waddanka: xisbi waliba waxa uu ugu xusul-duubayaa inuu talada waddanka u qabto inuu ka gun-gaadho oo uu hirgaliyo ujeeddooyinkiisa siyaasadeed ee uu aaminsan yahay ee ku jiray barnaamij siyaasadeedkii xisbiga (political manifesto) iyo qodobbadii kale ee ay ummadda u ballanqaadeen intii lagu jiray ololaha doorashada. Xisbiyadu waa inay maskaxda ku hayaan inay sameeyaan wixii u wanaagsan danta guud ee waddanka.
Hadafka laga leeyahay siyaasadaha cusub ee xisbigu dejinayo, waxa looga gol leeyahay in wax lagaga qabto sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha iyo duruufaha guud ee markaas taagan. Waana inuu xisbi waliba gaarkiisa u yeeshaa afkaar uu kaga duwan yahay kuwa la tartamaya.
2-Xisbiyadu waxay koriyaan garaadka siyaasiga ah ee bulshada: xisbiyada qaran ee dalalka waxay masuuliyadi ka saaran tahay waxbarista, kor-u qaadista iyo abaabulka afkaarta dadweynaha, waana inay sare u qaadaan heerka fahamka siyaasadda ee muwaadiniinta dalkooda oo dhan.
Xisbiyadu waa inay si dhow ugu xidhnaadaan dadweynaha oo ay u abaabulaan isku soo baxyo ay shacabku badheedhahooda ka dhiibanayaan mowduucyada waaweyn ee dalka ka taagan. Marka dadweynaha la dhiso fikirkooda siyaasiga ah, waxay noqonayaan qaar si bisayl ku jiro codkooda ugu soo dooran kara dawladda ay doonayaan.
3- Axsaabtu waa inay ka shaqeeyaan xasiloonida siyaasadda waddanka: xisbiyadda tartamaya waxa looga baahan yahay inay u midoobaan in dalkoodu ahaado mid siyaasad ahaan xasilloon oo aanay xiisado iyo kala qaybsanaan gudaha ahi ka jirin. Waa in afkaarta xisbigu aaminsan yahay ay mudnaanta koowaad siisaa in siyaasadda waddanku noqoto mid xididdo adag ku taagan oo aanay gilgilaynin wax qulqulatooyin ah oo saaxada dhabqin kara.
4-Xisbiyada iyo Wakiilladooda Baarlamaanka: Golaha Baarlamaanku waa Wakiilladii dadweynaha. Xisbiyada siyaasadduna waxay xubnaha xisbigoodu ku leeyahay ay u dhiibaan qorsheyaasha siyaasadeed ee ay aaminsan yihiin xisbi ahaan si ay u gole geeyaan baarlamaanka hortiisa. Dawladaha Baarlamaaniga ahina xisbiga kuraasida ugu badan ee sharcigu jideeyay ku guulaysta ayaa soo dhisa dawladda cusub.
5-Xisbiyadu waa wershadda soo saarta Hoggaamiyeyaasha: shaqada ugu muhiimsan ee xisbi kastaa waa inuu helo jiil hoggaamiyeyaal ah oo loo diyaariyo, loona carbiyo inay ka qaybgalaan doorashooyinka guud iyagoo xambaarsan himilooyinkii xisbigoodu higsanayay oo haddii ay doorashada ku guulaystaan-na soo dhisa dawladda waddanka maamulaysa muddo-xileedkaas.
Inkasta oo dadka reer Somaliland ay lafta kaga jirto dimuqraadiyaddu, haddana waxa jira in hab-dhaqanka bulshada ee ku dhisan ardaayeysigu uu carqalad ku yahay inay tamariso nidaamkeenna dimuqraadiyaddu. Waxa siyaasiyiinta hormuudka u ah xisbiyada qaranka ee u baratamaya doorashada madaxtinimada looga fadhiyaa inta aan la gaadhin bulshada in ay iyagu ka xoroobaan cunfiga reernimada. Ka hor inta aanay dadweynaha ka dabiibin in dimuqraadiyadeennu noqoto mid beelaysan.
Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa 28-kii bishii hore soo saaray natiijadii uga soo baxday diiwaangelintii codbixiyeyaasha doorashooyinka ee dalka laga fuliyay, waxaanay daboolka ka qaadeen in wadarta dhammaan dadka isu diiwaangeliyay doorashooyinku ay noqdeen 873,331 (Siddeed Boqol iyo saddex iyo toddobaadkan kun, saddex boqol iyo saddex iyo kow iyo sodon qof) gobollada Somaliland oo dhan. Liiskaasi waxay guddidu sheegtay inay sii kala haadinayso oo ay ka saarayaan dadkii mar wax ka badan is diiwaangeliyay iyo kuwa hadhow kaadhka qaadan waaya.
Dhawaaqaas komishanku wuxuu horseeday in taageereyaasha jibbaysan ee xisbiyadeenna qaarkood in ay iskugu faanaan baraha saxaafadda bulshada, iyagoo natiijada ka eegaya xaga beelaha. Qoraaladii taageereyaashu waxay dibedda u soo saartay in doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto daboyaaqada sannadkan la sii saadaalin karo inay noqon karto mid xamaasaddeedu sarrayso.
Ugu dambayn, xisbiyadeenna siyaasaddu ma u dhaqmaan oo codka ummada ma u raadsadaan sida xisbiyada adduunka ka jira, mise waa qaar u dhisan uun in ashkhaas koobani kursiga ku gaadhaan? Ma habboon tahay inay hal-ku-dhig u qaataan tudducan aan ka soo dheegtay kaydkii suugaantii Abwaan Gaariye ee ahayd:
“Sidaan Aaminsanahayna
Abkuu Doono ha Sheegtee
Wuxuun baa ehel ii ah
Dadka kaan af Aqaano
Ee si wax iila Arkaaya
ee ina Midayso ujeedo”

Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com