Araweelo News Network.

 

#Buubaa Wuxuu Raadinayaa #Somaliweyn Laga Helo Xiddiga Mariikh (Mars)

Mr. Ismaaciil Buubaa wuxuu midnimada Somaliweyn u yaqaan Somaliland iyo Somalia oo isku noqda. Somaliweyn waa 5ta Somaliyeed oo wada xor ah oo ay ka dhaxayso hal dawlad iyo hal calan. Jabuuti waa dal gaar ah oo uma soo socoto

Somaliweyn, Somali Galbeed iyo NFD waxay ka kala tirsanyihiin Itoobiya iyo Kenya oo xataa haddii ay xoroobaan lama yaqaan inay aaminsanyihiin Somaliweyn oo ku soo biiri inta xorta ah.

Haddaba, muxuu Ismaaciil Buubaa ula jeedaa Somali ma kala maarmikarto, xagay ayuu ku arkayaa midnimada Somaliweyn ee uu raadinayo maanta? Soomaali oo qabyaaladu kaga xoogweyn caqiidada Diinta Islaamka,

labadii is-raacay 1960 (Somaliland iyo Somalia) waxay kala tageen 1991 markii kelitalisnimo qabiil tacadiyo waaweyn u geysatay Somaliland. Maantana la arkayo waxa ka taagan Muqdisho oo asalkeedu yahay qabyaalad marlabaad laga dhaxlo burbur iyo halaag.

Mr. Buubaa waxaa uu ula jeedaa waraysigii uu bixiyay February 27, 2021 in midnimada Somaliweyn ee uu aaminsanyahay ay tahay Somaliland iyo Somalia oo qudha oo isku noqda, dabadeedna ay 4ta kale ee Somaliyeed u soo xukun iyo boob doontaan Somaliland sidii dhacday 30 sano ee Is-raaca (1960-1990).

Waxaa uu rabaa Ismaaciil Buubaa in marlabaad Somaaliweyn oo aan wax wada lahayn waxna isku darsan ay liqdo Somaliland, marka laga horyimaadana loogu abaal-gudo gummaad, burbur iyo barakicin sidii hore u dhacday (1984-1990).

Somalida maanta joogta ayaa aad uga xun Somalidii 1960 marka laga eego xagga qabyaaladda, xukun jacaylka iyo musuqmaasuqa, waxayna u adeegsataa Baraha Bulshada qabyaalad, is-nacayb, munaafaqnimo, aflagaado, kala fogaansho iwm.

Halkii samanku isku soo dhaweyn lahaa ayay damiir-xumo awgeed sii kala fogaatay, hirgelintii Somaliweyna sii rajo-dhigtay. Sidaas daraadeed, la isma aaminikaro, midnimo dambana looma badheedhi karo waayo waxaa ku duugan halis si fudud lagu burburinkaro xukun kasta iyo dastuurkasta oo lagu heshiiyo. Somalidu weli uma bisla dawladnimo. Waxay u bisishahay qabyaald iyo xukun-jacayl oo ah wedka dawladnimo iyo raadinta Somaliweyn.

Dadka Somaliland laguma hodayo mar labaad jacayl iyo xiiso Somaliweyn aan jirin. Somaliweyn ma jirto maanta sida aanay u jirin Carabweyn.

Somaliland maanta waa dawlad dhisan oo haysata dad iyo dalba. Waa in shuruuc adag laga soo saaraa, tallaabo adagna laga qaadaa kuwa la iibsadayaasha ah ama maangaabka ah ee maanta raba inay Somaliland u loogaan Somaliweyn aan jirin.

Somali intii isku dal, dad iyo xuduud ah ayaa isfahmikarta ee aayaheeda haka tashado hana suuliso qabyaaladda oo ah wedka dawladnimada iyo midnimada. Waxaa muhiim ah in 5ta Somaliyeed ay dhexmarto walaalnimo iyo iskaashi sokeeye.

Mr. Ismaaciil Buubaa waxaa uu raadinayaa Somaliweyn malaa laga helo Xiddiga Mariikh (Mars) oo Dhulka u jira 140 milyan oo mile, ahna meel aan lahayn biyo, hawo iyo geedo oo xataa aanay Somaliweyn ku hirgalayn. Reer u guura meel aan loo sahamin waa khasaaraa.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Ibrahim Hassan Gagale

ibrahim_hg@yahoo.com

Published by  Araweelo News Network. February 28, 2021,