By. Musate Dheereeye

ardaydiikabaxdayArdaydii dugsiga sare 26 ka Juun ee magaalada Hargeysa sanadahii 1980 ilaa 1988 kii, ayaa munaasibad nooceedu cusub yahay oo qaadhaan ay ugu ururinayaan dugsigii ay ka aflaxeen ku qabtay magaalada London ee cariga ingiriiska.

Ardaydan oo isaga yimi daafaha adduunka ayaa munaasibad qaadhaan ururin ah ku kulmay goob ka mid ah kuwa shirarka ee magaalada London 22 Oktobar 2016.

Tan iyo markii uu dhacay burburkii dalwaynahii Somaliya ayay ardaydii dugsiyada iyo dadyowgii ku abtirsan jiray Somalidu ay u kala firdheen daafaha aduunka.

Munaasibada noocan ah ayaa dalkeena inta badan naadir ku ah, waxaanay ardaydani horseedeen oo daah fureen horumar bulshadeena ka qarsoonaa oo si baaxad leh wax loogu wada qabsan karo.

Ardaydii dugsiga guunka ahaa ee 26 ka Juun ayaa horeba ka tirsanaa labeentii iyo aqoonyahanadii dalkani lahaa, iyadoo dhamaantood lagu yaqaanay shaqsiyaad bulshada kaga jira kaalmo muuqata.

Xubnahani waxay waxay u tafo xayteen sidii ay hormood ugu noqonlahaayeen bulshadooda isla markaana ay wax weeyn ugu kordhin lahaayeen guud ahaan waxbarashada Somaliland.waxay daareen iftiin ay kagaga dayan karto bulshadeena sama kataliska ku sifowday, iyagoo rumeeyay in umadeenu ay wax wada qabsan karaan.

Golahan ardayda ayaa hore dugsigooda ku soo caawiyay qalab waxbarasho oo ardayda imika dhigata dugsigani ay mahadiyeen waxaana ka mid ahaa qalabka ay hore u keened dugsigan kombiyuutaro,buugaag iyo qalab kale.

Munaasibadan oo aad loo soo agaasimay ayaa kulansiisay weji kala baaday oo waayaha aduunku midba meel ku tuuray, waxaa iyana xusuus mudnayd macalimiintii ardaydaasi wax u dhigi jiray oo qaarkood ay xafladaasi kula jalabuteeyeen ubaxii ay cimiga ku habi jireen oo dhamaantood hana qaaday.

Waxa kaloo la daawaday filim kooban oo qalbiyada dadkii madasha ku sugnaa xusuusiyay fasalladii iyo muuqaaladii dugsigii iyagoo da’doodu yartahay ay ku soo qaateen waxbarashadooda, iyadoo muuqaladani xusuusiyeen dirayskii kaakiga iyo caddaanka ahaa ee dugsiyada lagu dhigan jiray xiligaa.

Sidoo kale, waxa iyana xusuustooda ku soo laba kacleeyay dareeno gaar gaar u ahaa ardaydaas oo la xidhiidha noloshoodii 30 meeyo sano ka hor, waxaanay isbarbar dhigayeen isbedelka u dhexeeya mudadaas aadka u dheer iyo xiligan.

Xafladahaasi kala duwan oo dhawr habeen ka socday halkaasi ayaa lagu ballamay in dugsigan gacan balaadhan laga gaysto, waxaanay xubno ardaydaas ka mid ahi ii sheegeen in dayactir iyo agab waxbarsho ay u soo wadaan dugsiga 26 ka Juun.

Dhinaca kale, waxa iyaguna munaasibaddan deeq isugu jirta kombutaro iyo lacagba halkaasi kaga dhawaaqay ardaydii dugisgii Gacan Libaax ee xilliyadaasi ee dhigooda ahaa.

Isku soo wada duuboo guushan ayaa ah mid wax weyn ka tari doonta waxbarashada dalkeena Somaliland, taariikhdaana qori doonta ardayda haldoorka ah ee ka fikiray horumarkan midhaha dhalay ee la mahadin doono, taas oo haddii ay hirgasho keeni doonta in lagaga daydo wanaagaas.

Mustafe Maxamed Nuur Dhereye
mdhereye1@gmail.com

qaar Ka mid ahaa ardaydii dugsiga 26 June ee siddeetamaadkii.