Madaxwayne kasta oo maanta dunnida la doorto waxa la soo dersa caqabaddo kala gedisan. Muddada ugu horeysa wuxuu dareemaa culuseyka hoggaamiye in la noqdo. Muuse Biixi isaga iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici waxa 21 bishii November loo doortey in ay noqdaan hoggaanka ugu sarreeya ee bulshadan majaraha u hayn doona 5-ta sanno ee soo socota.

Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici maanta odhan mayno way guuleysteen mana odhaneyno way guuldarysteen, keliya waxa aynu guushooda iyo guuldaradoodaba si cad u kala sheegi karnaa marka ay ka soo baxaan waajibaadka ka saran bulshadan iyo sidoo kale marka ay ka gudbaan gidaaradda gawaanta ah ee maanta hor yaala.

Muuse Biixi waa madaxwayne la doortey ee Somaliland maanta se waxa sugaya oo diyaar u ah hawlo baxaaddooda leh. Ninba ceesaantii ceel keentay Muuse maanta wuxuu noqon laba mid un; hoggaamiye hoggaanka u daacad ah, oo halaag ka badbaadsha bulshadiisa, oo horaadka u dhiija, oo haraadka ka biiya, danyartaa halwanaysa. Ama Suldaan ri’ ugub ah duhur cad maaley. Taasi oo ka dhigan hoggaamiyihii lagu hungoobey.

Qofkastaa wuxuu maanta xoggogaal u yahay xaalada uu dalku maraayo. Madaxwayne Muuse Biixina looga warami mayo. In badan wakhtigii olalaha Muuse wuxuu ku cel-celin jirey dhibta wuxuuna raacin jirey in uu wax badan ka qaban doono, horumar badan iyo barwaaqo uu umaddan u horseedi doono se waa laga dhur-sugayaa. Halkan waxaynu ku xusi doonaa insha’Allaah qodobbo dhowr ah iyo faahfaahintooda oo maanta laga sugaayo in uu wax badan ka qabto madaxwaynaha la doortey ee Somaliland.

Qodobka ugu horeeya ee maanta bulshada Somaliland in badan isha ku hayso ee ay ka sugeyso in uu maanta wax badan ka qabto madaxwaynaha ay doorteen ayaa ah “Sicir bararka”. Waxaynu ka war haynaa in maanta sicir barar xadhkaa goostey uu waddanka ka jiro, dadka danyarta ah maanta waxay ku nool yihiin nolol xaalkeedu yahay Allow sahal. Sicir bararka jira ayaa sabab u noqdey in maciishadii iyo dhammaan waxyabaaha nolosha u aasaasiga ah ay kor u kacaan. Lacagta SH SL ayaa maanta faraha ka sii baxeysa isticmaalkeedu. Waddana haddii ay lacagtiisu qiimo dhacdo wuxuu halis ugu jiraa mar walba in uu soo wajaho dhaqaalo burbur ba’an. Tusaale; Waddanka Zimbabwe waxa ku dhacey dhaqaalo burbur xooggan dhowrkii sanno ee ugu danbeeyey, waxa ugu wayn ee loo sababeeyo dhaqaalo burburta waddankaasi ayaa ah in hoos u dhac ku yimid isticmaalka iyo awoodii lacagtii waddanka. Somaliland maanta waxay ku sii siqeysaa in uu soo wajaho dhaqaalo burbur badan haddiiba aan loo xil qaban isticmaalka lacagta SH SL.

Qodobka labaad ayaa ah; BIYAHA. Baahiyaadka aas-aasiga ah ee nolosha ayey ka mid yihiin biyuhu. Inta badan bulshada ku dhaqan Somaliland celcelis ahaan 35% waxay ku nool yihiin biyo suququl ah, halka 60%kia soo hadheyna ay cabaan biyo wisikhaysan oo aan la hubin caafimaadkooda. In wax laga qabto biyo la’aanta baahsan iyo in ay shacabku helaan biyo ku fillan waa qodobada aas-aasiga ah ee maanta looga fadhiyo madaxwaynaha la doortey.

Waxa la yidhi; geel ninkii lahaa dhacaayo lama dhici karo. Maanta musuqmaasuq aan xawaare yar ku soconeyn ayaa jira. “Waxaan la dagaalami doonaa oo aan wax ka qaban doonaa musuqmaasuqa” waa hadaladii Muuse Biixi wakhtigii olalaha, waana ballan-qaadayadii uu bulshadan hor dhigey kuwo badana ku doorteen. Madaxwayne ha ilaawin in maanta masuuliyiin badan oo ku garab yaacayaa ay yihiin kuwii bulshadan raafaha ka jebiyey, waxba maanta iyagoo shaley shacabookda si cad u musuqmaasuqey ku odhan waxaanu la dagaalameynaa musuqmaasuqa. Hawl ku hor tala weeyaan, adiga iyo kartidaa.

“Sharciga oo sareeya” madaxwayne waxa ay ka mid ahayd wixii lagugu doortey. Qodobkan kale oo ah in bulshaddu cirroole iyo carruurba ay sharciga u wadda sinaadaan waa waxa ugu wayn eek u hor yaala. Wasiir wanaagsan oo cadaaladeed in aad raadiso waxa kaga muhiimsan in aad hesho dad ka shaqeeya oo u hiiliya kan dulman, kana hiilya ka dulmey. Waxaad noo ballan-qaadey in sharcigu sarreyn doono haddii aad ballantaasi ka beydhana oggow in adna laga baydhaayo waxaad ku taliso madaxwayne.

Waxyabaaha ugu waaweyn ee maanta madaxwayne Muuse Biixi sugaaya ee loo baahan yahay in 100ka maalmood ee ugu horeeya muddo xileedkiisa uu meel saaro waxa kale oo ka mid ah “raadin Ictiraaf buuxa”. Kuwanina waa qaar kamida qoddobada sugayaa madaxwaynaha cusub; Wax ka qabashada cabudhinta saxaafadda madaxbanaan, manhajka waxbarasho ee dalka oo laga asiibay oo laga ilaashay, hamigii, hindisihii iyo hal abuurkii, Waddankii oo wax waliba iib gariimad ah noqdeen, gaar ahaan cadaaladdii, sharcigii, garsoorkii, waxbarashadii, caafimaadkii, siyaasiyiintii (mooshin-quute) IWM. Madaxwayne waxa kale oo maanta lagagabaahan yahay in aad wax ka qabato waddanka hawadiisii oo laga macaashayo, oo siyaasiyiintiisu ku qanacsan yihiin sandareero yar oo ka soo gaadha.

Somaliland waxa ay maanta noqotay waddanka keliya ee cid quudiya isna la quudiyo se isagu aanu marnaba is quudin. Tusaale yar; 30% kiiba ku tiirsan yihiin mucaawino shisheeye, halka 65% kiibana aynu tiirsan nahay waxa laga soo waarido waddamada shisheeye. Madaxwayne maxaa kaa hortaagan in aad maanta dhiirigeliso wax soo saarta dalka.

Waxa kale oo maanta madaxwaynaha la doortey ee Muuse Biixi looga baahan yahay in uu wax ka qabto shaqo la’aanta dhallinyarta. Madaxwayn maanta waxaad ka warheysaa in maanta dhalinyarta Somaliland waxay noqdeen kuwo intooda badani rejo dhigey. Bal eeg, Waddan carruurtiisii iyo cududiisii uga tahriibeyso nolol adag, shaqo-la’aan, horuumar-la’aan, eex, qabyaalad iyo xasad. Waddan halgan umaddeed u ooman. Tusaale, maxaynu ka dhaxalnay tahriib (Ilme aan aabbe lahayn iyo cudur aan daawo lahayn). Muuse waa qoddobada hor yaaa in uu wax ka qabto shaqo la’aanta dhallinta intooda badani rejo dhigeen. Mar dhallinyarada wax laga weydiiyey madaxwayne Muuse intii aanu xilka ku guuleysan waxa uu sheegay in uu sameyn doono shaqo abuur qaran. Madaxayne farkeliya fool ma dhaqadee afarta nin ee maanta masiirka dhallinyarada madaxa ku sita ka qabo.

Gabo-gebada lama soo koobi karo waxyaabaha horyaala ee ay bulshada Somaliland uga fadhido madaxwaynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, laakiin waxa jira qoddobo muhiim ah oo loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto. Xukuumadda cusub ee uu maanta madaxwaynuhu soo dhisaayo yaaney noqon mid uu ku raali geiyo reero ee ha noqoto mid ay u riyaaqaan bulshada dooratey iyo kuwa aan dooranba oo wax ka qabata qoddobadaasi aynu ka soo waraney.


Mohmoud O Osmaan
Freelance journalist & Photographer
Hargeysa, Somaliland.
Email: mohoomer@gmail.com