W/Q. Mustafe Adam

 

Colaadda cusub ee dhexmartay qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromadu waa arrin u baahan in aan la fududaysan ee degdeg loo xalliyo. Sababta oo ah labadan qoomiyadood waxa ka dhexeeya taariikh soo jireen ah iyo jaarnimo dhinaca dhulka ah.

 

Marka laga yimaado aragtida odhanaysa Oromadu waxa ay duullaan ku yihiin dhulka Soomaalida oo u baahan in si cilmiyaysan loo darso, haddii ay jirtana u baahan in qorshe laga yeesho sidii looga hortagi lahaa oo aan dagaal ahayn, waxa aan halkan ku soo bandhigayaa aragtidayda oo ka kooban todoban qodob oo aanay Soomaali iyo Oromado u kala maarmayn.

 

1. Labada Qoomiyadood waxa ay wadaagaan xuduudda ugu dheer gobolka oo lagu qiyaaso 1,400km, taas oo haddii deegaan ka mid ah colaadi ka aloosanto ku baahaysa.

2. Maadaama oo ganacsiga Soomaalidu furfuran yahay suuqyada ugu waaweyn ee ay badeecadahooda u iib-geeyaan waa gobolka Oromada.

3. Xoolaha loo Iib-geeyo dalalka khaliijka, tiro badan oo xoolaha Oromada ah ayaa ku jira, gaar ahaan lo’da.

4. Maadaamaa oo Soomaalidu tahay xoolo-dhaqato, Oromaduna waxa ay u badan tahay beerallay, sidaas awgeed, calafka xoolaha, khudaarta iyo Jaadkaba waxa laga keena dhulkooda. Sidoo kale, xilliyadda abaarta Soomaali badan ayaa xoolahooda u tallaabiya dhulka Oromada.

5. Soomaalidu marka ay Itoobiyada kale, gaar ahaan caasimadda Addis Ababa oo hawlo badan kaga xidhan yihiin u safrayaan waxa ay sii maraan dhulka Oromada.

6. Oromadu marka ay culays dhaqaale iyo abaaro la kulmaan waxa ay gabbaad ka dhigtaan dhulka Soomaalida. Haddii ay tahriibayaanna waxay maraan dhulka Soomaalida.

7. Waxa jira Soomaali badan oo xaasas Oromo ah leh, sidoo kale, waxa jira Oromo badan oo xaasas Soomali ah leh.

8. Geeska Afrika waxa uu noqday deegaan ay colaadaha iyo abaartu ku soo noqnoqdaan, taas oo dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan iyo aqoon ahaabba diciifisay qoomiyadaha degan.

9. Waxa kale oo ay labada qoomiyadoodba wadagaan ‘diinta Islaamka’, maadamaa oo ay Oromadu u badan yihiin dad muslimiin sunni ah, Soomaaliduna ay dhammaantood yihiin Muslim sunni ah.

10. Dalalka Khaliijka oo ah meelaha ganacsigeena aynu ka keensanno ama soo marino waxa ka jira khilaaf siyaasadeed sida khilaafka xulafada Sucuudiga iyo Qadar iyo dagaalka Yemen. Sidaas awgeed, haddii collaad cusub ka bilaabanto dhinaca Itoobiya saamayn weyn ayay ku yeelanaysaa qoomiyadahan gaar ahaan Soomaalida.

Qodobaas iyo qodobo kale oo badan waxa ay aragtidayda muujinayaan in aa xilligan loo baahanhayn collaad horleh oo ka bilaabanta gobolka. Sababta oo ah khilaaf iyo dagaal ka dhex qarxa qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromadu waxa uu keeni karaa Isir nacayb, xasuuq iyo barkokac baaxad leh. Waxa tusaale inoogu filan shaqaaqada ka dhacday magaalada Hawaday ee lagu xasuuqay Soomaalida aan waxba galafsan waxa ay sababtay in ay ku barokacaan 30,000 oo qof oo u badan Oromo, kuwaas oo xerooyin looga sameeyay garoonka kubadda cagta ee magaalada Harar.

Gobobadii dawladda Itoobiya oo kaashanaysaa maamulada dawlad goboleedyada, waxgaradka iyo odoyaasha labada qoomiyadood waxa la gudboon in ay deg-deg u xalliyaan khilaafkaas.

Mustafe Adam
kibaaro@gmail.com