Araweelo News Network

 

Maydadka Dadkii lagu Xasuuqay Hawadaay Oo Jigjiga la keenay

Jigjiga(ANN)- Maydadka dadkii lagu Xasuuqay todobaadkan magaalada Hawadaay ee deegaanka Oromada ee dalka Ethiopia, ayaa la keentay Magaalada Jigjiga ee xaruunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, iyadoo  maanta aas qaran loogu sameeyay 28 ka mid ah dadkii dhawaan lagu dilay deegaanka Hawadaay.

 

Aaska qaran ee loo sameeyay, waxa Ka qayb galay Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Hoggaamiyayaal kale Oo Isugu Jira kuwa dhaqanka Iyo Diimaha.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,  ayaa ugu horayntii dhamaan shacabwaynaha Deegaanka Iyo Soomaalida kaleba meel kasta  oo ay joogaan ka tacsiyeeyay falkaa lagu laayay  shacabkii aan waxba galabsan ee sida akhmuqnimada ah looga xusuuqey magaalada hawadaay iyagoo waxaba galabsan guryahooda laga la soo baxay ee kaliya lagu dilay magaca somalinimada.

 

Madaxweynaha  DDSI, ayaa  sheegay in goobta uu ka socday xasuuqu ay si deg deg ah u tageen ciidmada qaranka iyo federaal booliska oo si muwaadinimo leh u soo bad baadiyey 300 oo qof oo in la xasuuqo larabay, kuwaas oo sida uu sheegay ku dhex  noola Oromada.

 

Muuqaalka Masuuliyinta hoggaamiyayaasha dhaqanka Iyo Diimaha Iyo Bulshada kale ee Ka qaybgalay Aaska loo sameeyay Dadkii lagu laayay Hawadaay

wuxuu sheegay  in ay dadkan lagu xasuuqey meel ay goob jog ka ahayeen qaabdhimeedka nabadgliyada maamul ka bariga Harargee ee Oromada,  balse waxaa jiray qaar kamid ah shacabka Oromada  oo dadka Soomaalida  ah guryahoda ku qariyey, si aan loo xasuuqin inta kale. Madaxwaynaha ayaa sheegay in loo bahan yahay in dadka aan waxba galabsan ee inagu dhexnool in aan waxba layeelin si aynaan u fulin ujeedadii uu cadawgu lahaa .

 

madaxwaynaha ayaa sheegay in dadkii  dhintay aanay soo noolaanayn sidaa darteed  loo bahanyahay in aynu ka shaqaysano nabada iyo xasiloonida ma aha geesinimo iyo sharaf in la laga aargoosto, laakiin  geesinimo iyo sharaftu waxay tahay  in aan la kala aargoosan.

 

Sidaa awgeed, wuxuu  sheegay in dadkii gaystay falkan arxan darnada ah lagaga aargoosan doono sharciga dalka, isagoo xusay in  ahmiyada iyo faa’iidooyinka ay leedahay adkaynta nabadgalyadu, islamarkaana ay tahay  furaha horumarka , isagoo ku amaanay shacabka deegaanka sida sharafnimada iyo geesinamadu ku jirto ee ay u ilaaliyeen xuquuqaha shaqsiga iyo mida qoomiyadeed, wuxuuna ku dhawaaqday in tacsi qaran maamulku galay iyada oo calankana hoos loo dhigay.

 

Sidoo kale Madaxweynaha dawlad deegaanka Ethiopia Cabdi Maxamuud, ayaa sheegay in Xukuumadiisu dadkii lagu laayay halkaa ay siinayso qoyskiiba 120 halaad.

Ilaa  hada lama hayo tirada rasmiga ah ee Dadka lagu laalay halkaa, balse dadka la filayay in maydadkooda la keeno maanta magaalada Jigjiga, ayaa gaadhay Ilaa 50 qof, kuwaas oo 28 Ka mid ah maanta la aasay.

Maydadka la sugayo in lasoo gaadhsiiyo halkaa, ayaa la sheegayaa in ay yihiin kuwo hilbohooda lasoo ururinayo, kadib markii la googooyay.

 

Dhinaca kale xukuumadda Jigjiga, ayaa uga digtay Dadka Soomaalida ah ee u socda Adis Ababa in ay ku safraan jidka Waddada isku xidha Jigjiga Iyo Herer, waxayna u soo jeediyeen Dadka in ay maraan Wadooyinka kale Ilaa inta Xaalada wax iska bedelayaan.