Wakhtiga oo ku beegnaa hillaadii 1985 ayaa xabsiga loo taxaabay 15jir jaad wale ka ah magaalada Hargeysa oo xiligaasi dowladii kacaantu ka mamnuucday dalka.

Maxabiista jeelka oo intooda badani arrimo siyaasadeed ku xidhnaa ayaa kusoo dhaweeyay hees fanaanka qaadi jiray islamarkaana isaga Sanadka lagu xukumay uu curiyay kana baxay maalmo ka hor.

Waxay noqotay heesta kaliya ee ay maxaabiis isku madaddaaliyaan, kuna luuqeeyaan iyada oo aanu jirin fanaan hore u qaaday oo ay ka daba jiibinayaan laxan uu sameeyay.

Markaasi 15 jir la xidhay Hargeysa kula kulmay Sangub oo madax ka ahaa kooxdii Waaberi ee caanka ku ahayd heesihii dhexe, Tijaabo ayaa laga qaaday si fanka loogu daro, balse kama mid noqon oo wuxuu xiiseynayay iibinta jaadka iyo inuu qoyskiisa u raadiyo masaariifka.

Abwaanka maalmo ka hor ka baxay jeelka oo heesta u sameeyay gabadhiisa oo wakhtigaasi uu caad u jeclaa kuna maqan qurbaha iyo midhaha uu huwiyay baahida caashaqa ee kala dheer ayaa dareen gaar ah ku abuurtay.

Maalmo markii ay maxaabiista is wada barteen waxaa uu noqday qof kaliya ee laga dhageysan jiray xabsiga marka uu heesta qaadayo, Hore fanaan uma noqon, masrax aroos iyo mid gaar ahba kama heesin, balse marka qayilaada la iskugu yimaado ayuu fanaanniinta uu markaasi jaadka ka iibiyo u tumi jireen Kamanka.

Waayahaasi jeelku waxaa uu dhaxalsiiyay inuu si fiican u xafido heesta abwaanku u tiriyay jaceylkiisa ka fog ee ka xidhan islamarkaana aanu gaadhi karin.

Xasan Jaamac Qodax (Xasan Gacan) waxaa uu markii uu soo baxay bilaabay inuu heestaasi qaado, ma waydiisan abwaankii heesta sameeyay oo wakhtiga uu jeelka ku jiray ayuu Dhintay Cabdi Iidaan oo heesta u sameeyay Jaceylkiisa ka fog.

Heesta Marwo ee uu qaado Xasan Gacan halkaasi ayay kaga soo baxday jeelkii maxaabiistu ku qaadi jireen islamarkaana ay ku dhageystaan mid xor ah iyo mid xidhanba.

Xasan Gacan noloshii inta ugu badan waxaa uu ku qaatay iibinta jaadka Muddo dheer oo lagu qiyaaso soddon sano ahna waxaa uu ka mid ahaa bahda fanaaniinta Soomaaliyeed.

Hadda muddo sanado laga joogo ayuu iska daayay ka ganacsiga jaadka waxaa uu ka mid yahay fanaaniinta dhexe kuwa loogu jecelyahay marka ay dhalinyaradan dambe la heesayaan.

Heesta uu curiyay abwaan Cabdi Iidaan Faarax waxaa ereyadeeda ka mid ahaa.

Arageena kala maqan

Muuqeena kala dheer

Maan keena wada jira

Isku muhashadeenee

Hadda mala dhabbey noqon

Ninka Faalka soo baxay

Milayga iyo dabeyshu

Fidno meerta weeyaan

Intuu marinku xidhanyahay

Musna Oodda laga gurin

Mar uun ila sug Caashaqa

Amba way igu maranyahee.

Ilyaas Cabdi Cali

Hargeysa Somaliland.