Mohamed Ali Bileh

Mohamed Ali Bileh


Wuxuu yidhi Mawliidku Nabigu maaha wax diintu waajibisey. Waxa an ku idhi, balse haddana haddii uu yahay xus niyad wanaag loo sameynayo waxba kuma jabna oo waa saacad amma laba saacadood oo la duceysanayo, dadkuna kulmayaan, masaakiintuna bariis ka cuneyso, dadna isku soo ururayaan khasaare maaha. Wuxuu yidhi sacaddaasi adoo Qur’aan akhrista ayaa laguu qaatay.
Hadda qofkan saacad ayaan makhaayad wada fadhinaa oo sheeko dhanaan aan wax faa’iido ah laheyn ayaannu wadnaa, balse uma muuqato taasi ee Mawliidka ayuunbaa u muuqda. Si aan u tuso in ninkan ila doodayaa xawilanyahay ayaan sheekadii u beddeley oo waxa aan ka sheekeysanney ciyaaraha iyo internetka iyo hawlo kale oo aan ogaan u yara hor dhigdhigey. Wuxuu ii sheegey in aannu TV xoog u daawan oo uu maalintii waxyar daawado, gaar ahaan marka ay ciyaaruhu socdaan iyo wararka. Waxa kaloo uu ii sheegey inu isku celcelin maalintii ilaa saacad iyo badh internet ka galo oo u badan Facebook iyo woxoogaa youtube ah iyo wararka oo uu ka akhriyo. Waxa aan ku idhi, bal aan in yar ku tuso in wax kaa qaldanyihiin oo la inoo diiday inaan adeegsado maskaxda yar ee dhowrka Gramm ah.
Sannadkii waxa aad internet-ka ku jirtaa 547 sacadood. Wax ku dhow 365 sacadood oo kalena TV ayaad daawataa. Waxaasi oo dhami kuuma muuqdaan, balse saacad Nabi Muxammad (NNKH) la xusayo ayaa mashruuc kugu noqotay.
Qof ayaa maalintii 5 saacadood jaad u fadhiya oo sannadkii ay noqoneyso 1,825 sacadood, haddana dhib kuguma heyso oo waadigan oo kama hadleysid. Qaarkeen ayaa ka qeybgelaya shir beeleedyo oo aan cidina Qur’aan ku akhriyeyn, haddana mar keliya ma sheegeysid inay diintu banneysay shir-beeleedka iyo in kale. Waa tan oo maanta oo dhan siyaasiyiin ayeynu badh ammaaneynaa, qaarna dhaliileynaa oo weliba xan noqon karta oo haddana aanay dhib kula aheyn.
Maxaa saacadda aan Nebiga (SCW) xusayaa kUu dhibeysaa? Intaa siyaasadda laga hadlayo ee la murmayo mar keli ah la sheegi maayo diinta halka ay kaga jirto. Inta reer hebel laga sheekeynayo mar keli ah la sheegi maayo waxa diintu ka qabto. Anigu Mawliidka Nebiga (NNKH) waan xusayaa. Dhowr masaakiin ahna sadaqo ayaan siinayaa, woxoogaa bariis ah wey ila cunayaan. Waanan duceysan oo in Ilaahay mustaqbal wanaagsan na siiyo ayaan ku duceysan.
Asxaab iyo dad kaloo aanaan muddo is aragna waanu kulmi. Dhibaato yey qof kale ku noqon. Haddii aanay saacaddaasi adiga kaa go’in iska daa oo wax mawliidka dhaama ku mashquul, amaba Facebook ga iskaga jir.
Kumanaan dhibaato oo waaweyn ayaa dadkeenna maanta heysta, waxana xalkeeda laga sugayaa in dhallinyarada maanta kacday ee wax baratay ay xalkeento.
Waa dhallinyarada malaayiinta reer miyiga ah rajada ka qabaan inay harraadka ka bi’in doonaan oo ay biyo u qodi doonaan. Waa dhallinyarada laga sugayo iney hooyooyinka bacadku dilay u abuuri doonaan nolol tan dhaanta. Maalinta dhibaatooyinka badan ee ina horyaal. Maaha in dhallinyaradu ku mashquusho wax aan waxba ka anfaceyn. AAN KU SALINNO NABIGA (SCW).