Araweelo News Network

Kooxda Baanbayda Qaranka Somaliland

Kooxda Baanbayda Qaranka Somaliland

Bulshada Soomaalida, ayaa kaalinta 4aad ka galay mujtamaca adduunka ugu soo dhowaynta badan dhinaca caawinta dadka ajnebiga ah, iyadoo waliba muddooyin aad u badan ay ka jireen khilaaf, falal argagixiso iyo dagaallo aan nasasho lahayn.
Cilmi-baadhistii ugu dambaysay ee ay samayso hay’adda CAF World Giving oo 2016, ayaa lagu sheegay Soomaalidu ka mid yihiin dadka ugu naxariista badan caalamka.
Hay’adda CAF World Giving Index waxyaabaha ay inta badan cabbirto waxa ka mid ah sida dadku lacagta ugu deeqaan, sida ay mutadawacnimo ugu shaqeeyaan. Sannadkan waxa xog-ururinta laga qaaday 140 dal.
Waxa aynu haddaba ka soo qaadan doonaa 10 dal ee ugu horreeya oo afar ka mid ah yihiin waddamo xaalado colaadeed oo ba’an ka jiraan. Waxaanay kala yihiin dalalka dadkoodu ugu deeqda iyo naxariista badan yihiin:

1. Ciraaq 81%
2. Libiya 79%
3. Kuwayd 78%
4. Soomaaliya/Somaliland 77%
5. Imaraadka Carabta (UAE) 75%
6. Malawi 74%
7. Botswana 73%
8. Sierra Leone 73%
9. Maraykanka (USA) 73%
10. Sucuudiga 73%.