CaddamiDhawaan waxaa soo baxay buug cusub oo laga qoray Somaliland iyo Puntland. Buuga waxaa la yidhaahdaa 29 Maalmood oo aan soomaaliya joogay. Waxaa qoray suxufi Masri ah oo magaciisa ku sheegay Ayman As-siisi .
Buuga wuxuu ku bilaabay inuu yimid magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Putland isaga oo dooni ka soo raacay Yamen, waxa kale oo uu sheegay inuu tegay magaalooyinka Garoowe, Gaalkacayo, Eyl iyo kuwa kale oo ka mida Soomaaliya hase ahaatee inkasta oo uu wax badan ka qoray ama uu inta badan ka hadlaayo Somaliland hadana buuga marnaba kuma uu xusin in uu tegay ama arkay magaalo qudha oo ka tirsan Somaliland sidaa daraadeed waxaa la odhan karaa Masrigu wuxuu ku riyooday isaga oo yimid Somaliland oo ka soo uruuriyey macluumaad aan hore loo maqal.
Xogaha uu sheegay in uu soo ogaaday waxaa ka mida in Somaliland ku jirto dagaal ka dhan ah carabnimada iyo in la tirtiraayo raadadkii iyo taariikhdii carabtu ku lahayd dhulka Somaliland, wuxuu ku sii daray Somaliland inay ku talo jirto in la mamnuuco ama hoos loo dhigo waxbarasahda carbeed iyo in la joojiyo macalimiinta Masaarida wax ka dhiga dugsiyada iyaga oo siyaasadaa taageero kaga helaya Marakykanka.
Qoraagu akhristayaasha buuga wuxuu xaqiiqo jirta uga dhigayaa in sirdoonada marakykanka iyo Israaiil door weyn ku leeyihiin maamulka Somaliland iyaga oo soo dhexmaraya Itoobiya oo sida uu sheegay ah dalka keliya ee aqoonsan Jamhuuriayda Somaliland. Ninka buuga qoray wuxuu aaminsan yahay in gooni isu taaga Somaliland ka mid yahay tabaha cadowgu kula dagaalamayo dalka Masar.
Dawladaha Israaiil iyo Maraykanku waxay rabaan inay keligood ku amar ku-taagleeyaan biyo mareenka Baab Al-Mandab, Itoobiyana waxay doonaysa in lagu teegero isku daygeeda ah inay Masar ka cuna-qabatayso biyaha wabiga Nile-ka. Wadaadku isaga oo riyadiisii sii wata wuxuu sheegay in ay Somaliland ka jiraan laba aragtiyood oo kala taageersan carabnimada iyo Itoobiya oo iyadu xanbaarsan istaraatijiyada iyo danaha Maraykanka iyo Israaiil ku leeyihiin Geeska Africa.
Qoraagu wuxuu sheegtay inuu naftiisa halis ku geliyey si uu u gaadho xarumaha iyo saldhigyada budhcad badeedu kaga duusho maraakiibta iyo si uu u helo xogo dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u hawl galaan, inkasta oo aanu sheegin cadaymo lagu qanci karo wuxuu yidhi waxaan soo ogaaday in Maraykanku si qarsoodi ah u maal geliyo budhcad badeeda ama gacan saar laleeyahay, la dagaalanka uu sheegtaana yahay afka baarkiisa oo keliya”
Si kastaba ha ahaatee wariyuhu wararka uu ka faafiyey Somaliland isaga oo aan dhulkaba iman waxaa lagu tilmami karaa sheekooyin mala awaala ah (Fiction) oo aan macno lahayn. Qoraalkiisa waxaa ka soo butaacaya nacayb iyo karaahiyo uu u hayo Maraykan, Israaiil, Itoobiya iyo Somaliland.
Xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland wuxuu u arkaa in uu yahay dambi laga galay Masar, wuxuu aad u taageerayaa fekradii Somali Weyn ee Masar ku danaysan jirtay. macluumaadka beenta ah ee laga qoray Somaliland waxaa si taxane ah loogu daabacaa wargeysyada Masaarida si akhristayaasha dunida carabta loogu talaalo naceybka iyo colaada Somaliland.
Ayman As-siisi khurafaadka uu riyada ku qoray wuxuu ku mutaystay amaan iyo Abaal Marinta Dubai ee warbaahinta carbeed waxaana loo aqoonsaday warfidiyeenka carbeed ee ugu fiican sanadka dhinaca xog baadhista. Hadaba muwaadin maxaa kaaga baxay dareenka qoraaga ee kacsan iyo aragtida buugu xanbaarsan yahay ?
In nacaybka loo hayo Somaliland aanu waxba ka sokayn naceybka iyo colaada loo hayo dalka Israaiil.
In xidhidhka wanaagsan iyo iskaashiga Somaliland la leedahay wadamada jaarka ah iyo xasiloonida gobolku ka horimanaayo danaha Masaarida.
In dawladaha carabtu si adag uga soo horjeedaan madaxbaanida Jamhuuriayda Somaliland.
Hadaba marka aynu ka shiidaal qaadano sida ay warbaahinta carabtu u buunbuunisay ama u qiimaysay xogantan been abuurka ah ee Somaliland laga qoray shaki kuma jiro in Somaliland dagaal hoose ku socdo iyo in laga takooro beesha caalamka.
Cabdiraxmaan Cadami
Abdirahmanadami@yahoo.com