Qormo Muhiim ah: Soomka iyo caafimaadka
W/Q: Cabdirashiid Cabdi Xuseen Libaax

Soomku waa cibaado qiimo badan oo Eebbe u jideeyay xikmado badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Ximadahaas waxa ka mida kuwo cibaado, caafimaad, bulsheed, nafeed iyokuwo kale.
Qormadani waxa ay ku saabsan tahay wax ka mid ah xikmadaha caafimaad ee soomka ku jira. Haa, waa run oo waa cibaado loogu talo-galay daahirinta nafta, xoojinta ruuxda iyo cilaaqada Eebbe qofku la leeyahay.
Xikmadaha caafimaad se waa kuwo aan la hilmaami karin oo culimadu oggol yihiin. Aynu u kala qaadno dhinacyada caafimaad ee soomku wax ka taro, laba qaybood oo waaweyn;
1. Caafimaadka jidhka (Physical Health)
2. Caafimaadka nafsiga ah (Psychological health) Caafimaadka jidheed iyo soomka:
Caafimaadka jidheed waxa looga jeedaa midka ku saabsan oogada jidhka ammaba la arki karo saammaynta jidheed ee ka dhalata kolka wax is ka dhimaan; ha ahaado isbeddel gudeed amma mid duleedba’e. Faa’iidooyinka caafimaadka jidheed ee soomka waxa ka mid ah;
1. Burburinta duxda iyo baruurta kaydka ah (fat break down and obesity decrease). Aadanaha dunida ku uumman maanta waxa dhib weyn ku haya cayilka amma buurnida (Obesity), oo loo tix-galiyayba, dhib-dhaliye (Risk factor) aad u xun, kaasoo keena xannuuno halis ah oo ay ka mid yihiin, Macaanka (Diebetic Millutus), Dhiig-karka (Hypertention), xannuunada wadnaha (Cardiovascular diseases), Faaligga (Stroke), Beer-subagga (Hypercholestrelemia), kansarrada qaar (Some cancers) iyo dhibaatooyin kale oo caafimaad.
Haddaba, dadka mushkiladdan buurnidu haysato soomku waxa uu siiyaa faa’iido caafimaad oo mug weyn; Waxa uu siyaadiyaa burburinta kaydka duxda; Marka koowaad Glucose-ta jidhku isticmaalo waa mida dhexmaraysa qul-qulka dhiigga (blood stream), haddii taasi dhammaato jidhku waxa uu isticmaalaa Glucos-ta ku kaydsan beerka iyo muruqyada (liver and muscle stored glucose), haddii taasi idlaatana jidhku waxa uu adeegsadaa duxda (Fat), haddii intaasiba la waayana waxa loo gudbaa isticmaalka borotiinnada kaydka ah, waa se xaaladda ay jirto macaluusha darani (Starvation), inta badan xaaladdan u danbaysa jidhku ma gaadho marka la soomman yahay oo waxa uu ku joogsadaa isticmaalka duxda.
Isticmaalka duxdu (fat usage), waxa uu keenaa miisaanka oo is dhima (Weight loss), sidoo kalena, waxa uu yareeyaa xaddiga subagga ah ee xididada dhiigga dhexmaraya, taasoo ka hortagta in cudurradaas aan kor ku soo xusnay ay soo deg-degaan. o Xaddiga subagga dhiigga dhex maraya oo kordhaa waxa uu keeni karaa khataro caafimaad oo uu ka mid yahay beer subaggu (Hypercholestrolemia),kaas oo kayimaadda korodhka maaddada loo yaqaan”Low density Lipoprotein”ama “LDH”, hadaba soomku waxa uu yareeyaa is la maaddadan, sida lagu xusay cilmi baadhis caafimaad”Medical Study”sanadkii 1997-dii ay sameeyeen “Annals of nutrition Metabolism”, taas oo xustay in soomku duxda kayda ah ku sameeyo saddex wax ka bedel oo waaweyn; I. Wax uu yareeyaa maaddada “LDH” ilaa 8%, maaddadan waxa loo yaqaan caafimaadahaan “Duxdiixumayd”( Bad fat). II. Waxa uu yareeyaa maaddada kaydka duxda jidhka ee loo yaqaan” Triglyceride” ilaa 30%. III. Waxa uu kordhiyaa maaddada “High density Lipoprotein” ama “HDL”ilaa 14.5%, maaddadanoo loo yaqaan “duxdafiican”(Good fat). Sidaa darted yarayn ta iyo kordhin ta maadooyinkani waxa jidhka ay kadhawrtaa beer subagga (Hypercholestrelemia) iyoxanuunnada wadnaha. 2. Jidhku waxa uu qaataa jimicsi saa’ida (Adequate level of physical activity); Suubbanuhu (SCW), waxauuyidhi “Qofka istaaga (tukada taraawiixda iyo taha-jjudka), isaga oo rumaysan Alle na kaga ajar dalbaya waxa loo dhaafaa danbigiisii hore oo idil”. Kolka qofku afuro sida badan cunto dheeraada ayaa jidhka gasha, haddii cuntadaasi aan u jidhku gubin waxa ay keeni kartaa xanuuno uu ka mid yahay sonkorowga ama Macaanku. Si arrintaasi looga hortago tukashada taraawiixdu waxa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo lagu dhimayo xaddiga cunto ee jidhka kujirta. Sidoo kale waxa ay wax u taraysaa dadka leh xanuunnada wadnaha, Dhiig-karka iyo kuwo kale.Sidaa darted dadka xanuunnadan leh waa in ay ku dedaalaan tukashada Taraawiixda iyo Tahajjud-ka, iyagaoo u niyaysanaya cibaadoAlle, oo aan ujeedkoodu ahayn oo kaliya Caafimaadraadin. 3. Waxa uu qof ku goynkaraa caadooyinka xun-xun ee jidhku qabatimay”Addiction problems”. Cabbidda sigaarku waa caado liidata oo keenta haliso caafimaad oo tira badan oo aan halkan lagu soo koobi karin, aan se laba tusaale uun keeno, waxa uu xannuun dadejiye (Risk factor) u yahay kansarka, sida ka ku dhaca sanbabka (Lung Cancer), iyo boog –calooleedka (Peptic Ulcer)—taas oo sababi karta kansarka caloosha.
Bishan Ramadaan, qofku waxa uu fursad u haystaa in uu gebi ahaanba joojiyo cabbista sigaarka iyo maan-dooriyayaasha kale sida Qaadka, Khamriga, Xashiishadda IWM. 4. Dejinta maskaxda; Xilliga qofku soomanyahay waxa jidhku uu soo daayaa maaddo maskaxda dejisa, firfircooni dheeraad ah nasiisa oo la dhaho “Indoorfiin (Endorphin)”, taasoo qabata shaqooyin ay ka mid yihiin I. Fir-fircoonisiinta maskaxda “Giving Alertness” II. Dajinta dareenka maskaxda (Mental wellbeing). Afartaa qodob haddii aan ka soo qaato faa’iidooyinka caafimaad ee jidheed ee soomka, aan u gudbo kuwa nafsiyadeed (Psychological health benefits)
W/Q: Cabdirashiid Cabdi Xuseen Libaax
Eimal: Rashiid447@gmail.com
Facebook: Cabdirashiid Libaax