W/Q. Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Barnaamijka shaqo qaran ee shalay bilaabmay waa dhaq-dhaqaaqii ugu horreeyay inta aan garanaayo ee ka soo horjeeda fikirka uu ku dhisan yahay maamulka Somaliland ilaa bilawgiisii, taasoo mustaqbalka dhaw abuurisa is-diido weyn laakiin dan u ah bulshada Somaliland.

Sawirkan aan soo qaatay waa mid u dhigma kumanaan erayo ah, laakiin dhawr sannadood ka dib wuxuu la qiimo noqonayaa malaayiin erayo ah haddaanay noqon balaayiin, iyadoo sawirkani uu noqon doono ka ugu xasuusta badan ee ku hadha xasuusta madaxweyne Muuse iyo sidoo kale dhalinyarada Somaliland.

Is-diidada abuurmaysaa waxay tahay in madaxweyne Muuse uu doonaayo inuu dhalinyaradan xiniyaha ka siibo oo uu ka dhigo kuwo taageersan tusaalaha qalloocan ee uu isagu astaanta u yahay, taasoo nuxurkeedu yahay been, musuq-maasuq, qabyaalad iyo adeegsiga muquuninta, halka dhalinyaradani oo wali ah curdin aan faraha la galin xumaan fara badan ay rumaysan yihiin waxa afka looga sheegaayo ee ah inay xoogooda u adeegsan doonaan sidii ay dalkooda iyo naftooda u anfici lahaayeen isla markaana waxa keliya ee ay diyaarka u yihiin ee ay maqli karaan uu yahay hawlgalin wanaag iyo daacadnimo ku salaysan.

Dhalinyaradani waxay xukuumadu ku dooratay qaab qofka dhalinayarada ah siinaysa isku-kalsoonaan iyo fikir xor ah taasoo ah qaabka u-qalnaashaha (Merit), anigoo aan galayn dooda ah in imtixaanadii laga qaaday ay ahaayeen kuwo xalaal ah iyo in kale, laakiin waxa keliya ee halkan inagu filan in dhalinyaradani ay dhammaantood yihiin kuwo jaamacadaha ka soo baxay, taasina ay qofka dhalinyarada ah siinayso kalsooni uu luqunta kor ugu taagi karo oo uu ku dareemi karo isku-kalsoonaan, taasina waa is-beddalka ugu weyn ee barnaamijkani abuuray.

Muddada saddexda bilood ah ee ay dhalinyaradani ku jiri doonaan dugsiga darar-weyne ma siin doono dhalinyaradaasi aqoon dheeraad ah laakiin wuxuu maskaxdooda ku furayaa su’aalo badan iyo tashuush, kuwaasoo arki doona tayo hoosaynta xogta iyo aqoonta ay u soo gudbin doonaan tababarayaashoodu. Arrintani waa mid ku adag inay fahmaan jiilka weyn, sababtoo ah waxaanay ogayn in dhalinyarada maanta jiraa siiba kuwa reer-magaalku ay xog aad u badan ka hayaan waxyaabo badan oo ay dadka waawayn moodayaan in iyaguun ay garanayaan.

Laakiin kala-tagsanaantu waxay soo if-baxaysaa marka dhalinyaradan markoodii hore jaamacadaha ka soo baxay (hanka sare leh) isla markaana arkay caqli yaraanta haysata dawladda ay yimaadaan xafiisyada dawladda, waxay markiiba dhalinyaradani sii xaqiiqsan doonaa muuqaalka naxdinta leh ee ay markii hore sheeko uun ku maqli jireen, waxay arki doonaan xatooyada iyo boobka hantida dadweynaha oo hadhka cad la samaynaayo, waxay arki doonaan iyadoo booska iyo maamuuska laga horraysiinaayo kuwo aad uga meeqaam hooseeya qabyaalad iyo garasho darteed…iwm.

Markay dhalinyaradu muuqaalkan arkaan waxay noqon doonaan laba midkood: 1. Inay ku biiraan isbahaysiga xatooyada oo ay doonaan in qayb laga siiyo, 2. Inay ka soo horjeestaan xatooyada guud ahaan oo ay u halgamaan sidii maamul wanaag loo abuuri lahaa.

Labada arrin ka ay doonaan ha qaataan dhalinyaradu, laakiin waxa hubaal ah inuu abuuri doono is-beddal weyn, oo haddii ay dhalinyaradani tuugta ku biiraan waxa taasi ka dhalan doona inay tuuganimadu ay sal-ballaadh noqoto oo khayraadkeedu dad badan gaadho, taasina waxay dhali doontaa muddada dheer inay abuuranto dabaqada dhexe ee iyadu ah udub-dhexaadka is-beddalka. Mana dhici karto in dhalinyaradani ay tuuganimo hoose ku qancaan sida askarta oo kale maadaama ay isku-kalsoonaan badan qabaan.

Haddii ay dhacdana inay dhalinyaradu ka soo horjeestaan tuuganimada shaadhka dawladnimo loo xidho waxa taasi iyadana ka dhalan doona is-beddal laakiin ka dhakhso badan kii hore.

Si walba xaaladu ha ahaatee, kalsoonida xad-dhaafka ah ee uu isku qabo Madaxweyne Muuse Biixi iyo qabkiisu waxay ka indho tireen in barnaamijkani uu wakhti dhaw noqon doono caqabada ugu weyn ee hortaala xukunkiisa, iyadoo aan rajaynaayo inuu madaxweynuhu muddo dheer ku sii jiro qabkaasi si uu muddo dhawr sannadood oo kale u sii wado barnaamijkan oo ay dufcado kale uga soo baxaan, kaasoo dhab ahaan noqon doona qof xabaashiisii gacantiisa ku qoday.

Wakhtigu waa macalinka ugu weyn ee nolosha, sidaa daraadeed ka dhur-sugida wuxuu ku dambayn doono barnaamijkan aadka u fiican waxaan u arkaa inuu ka mid yahay arrimaha ugu muhiimsan Somaliland dhexdeeda, kaasoo aynu ka helayno casharo aad u badan.

Nuxurka fikrada maqaalkan waxaan kaga hadlay buugga aan qoray ee magaciisu yahay (Dawladnimada iyo Horumarka Maxaa Soomaalida ka hortaagan?), kaasoo koobistiisa iyo qaabka iibsigiisa aad ka heli kartid qormada uu kuu soo saaraayo badhinkan hoose:

https://mxamdi.files.wordpress.com/2019/02/koobidda-buugga-xor-ma-tahay-ilaahay-keliya-addoon-u-noqoxamdi.pdf?fbclid=IwAR0Sz3-NZbfyQDrFYaff3dNeIeHrO0Kqc95If6R4NQ8sq9xBuaci7TpI3SM