Araweelo News Network

Alt: Araweelo News
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka degey Washington, 14March 2022

Saamaynta Balaadhan ee Siyaasadeed ee
SOMALILAND ku Talaabsatay Bilihii Ina Soo Dhaafay
Kaddib saamaynta siyaasadeed ee aan hore loo arag intii ay SOMALILAND jirtay ee ay ku yeelatay
caalamka iyo is-beddelka balaadhan ee siyaasadii arrimaha dibadda Somaliland oo kor u sii kacay
awgeed, ayaa nacaybkii Iyo xumaantii SOMALILAND loo qabayna cirka isku sii shareeray kaddib markii silsilado isdaba socda oo dublamaasiyadeed ay Iska soo daba dhaceen, waxaa sidii caaddadaahayd kuwii SOMALILAND necbaa ay halkoodii hawsha ka sii libinlaabeen hawlahoodii isugu jiray
kicinta bulsho Iyo xasadka Guulaha is daba jooga ee jiif iyo joogba dadkaa wanaaga SOMALILAND neceb u diiday ayaa waxaa laga xusi karaa.


Dhawaan markii wafti heer sare ah Iyo dublamaasiyiin Somaliland ahi booqasho ku tageen dalka
Taiwan, halkaas oo weftigii Somaliland ka socday ay la kulmeen Madaxweyne Tsai Ing-wen. Waxaa
xigtay doodii parliamentka ingiriiska Iyo imaatinkoodii xildhibaanada ingiriiska ay in yar kaddib ku
yimaadeen SOMALILAND, waxaa xigay waftigii dawlada maraykan ay ku yimaadeen SOMALILAND iyo
safarkan daba socday la dib safarkaa waftiga maraykan ee imika uu madaxweynaha Somaliland Iyo
xubno xukuumaddiisa ka mid ahi ay ku joogaan cariga maraykanka ama USA, ka dib isbadaladaa
siyaasadeed ee waaweyn ee usoo kordhay SOMALILAND ayaa sidii caadada ahayd ay sii labanlaabtay nacaybkii Iyo xumaantii SOMALILAND loo qabay, isla markaana la bilaabay sidii caadada ahayd in la bilaabo sidii bulshada la isaga hor keeni lahaa, sida aynu afartii habeen ee u danbeeyay ku arkaynay
qalabka warbaahinta kala ee duwan, siiba Facebook oo aad moodo in intii marka horeba kubada la hor dhigi jiray ay si indho la,aan ah sidii caadada ahayd u laagayaan iyagoo markaa iska Indho tiray
ama arki waayay danta laga leeyahay oo ah isku day in bulshada la Iska hor keeno, sidaa awgeed waxa muhiim ah laba shay, kuwaaas oo kala ah:

  1. Hay’adaha amniga qaranka gaar ahaan booliska waa in ay waajibaadkooda ilaalinta qaranka u
    gutaan si waafaqsan sharciga wadanka, waa inaanay marnaba dhicin in qof wax sameeyay ama danbi galay suuqa la eryan ama wax lagu yeelin.
  2. Shacbigu waa in ay ka digtoonaadaan oo ay ilaashadaan ammaankooda, waa inay ay ka
    fogaadaan in ay sii buunbuuniyaan wax kasta oo dhaca, ha yaraado ama ha batee, Waa in si wada jir ah la isaga ilaaliyo waxyaaalaha loo arki karo in ay tahay kicin bulsho ama Iska hor keen.
    English version
    Recently, Due to Somaliland’s unprecedented global influences and geopolitical succession is on the rise following a chain of diplomatic successful outcomes and an uplift to its democratic credentials where high profile ministerial and diplomats of Somaliland visited Taiwan, where the SOMALILAND delegation met President Tsai Ing-wen of Taiwan, followed by the recent British high profile parliamentary visit to SOMALILAND and the current SOMALILAND president and his government’s different institutions visit to the USA, after this milestone geopolitical achievements, SOMALILAND haters worldwide are swiftly engaging to create internal problems in SOMALILAND as they usually do

Polite notice to all SOMALILAND government and nationwide

  1. The national security institutions, specifically the police should and must do their duties to
    safeguard and preserve the nation in accordance’s of the rule of law
  2. The general public must be vigilant and safeguard their security and must abstain from kicking the
    incited and heinous and balls that is placed towards them

  • Written by Ahmed Yasin contributor to the Araweelo News Network.