Araweelo News Network.

W/Q.  Garyqaan Mohammed Ahmed Bacaluul

 

BAL ADBA !

Haddii ay dhacdo in Golluhu u qeybsamo laba isleeg (41: 41) oo uu xataa codeeyo Guddoomiyaha fadhigu, muxuu noqonayaa xalku?

S’aashaa kama uu jawaabin Dastuurku, xeer-hoosaadka goluhuna sidoo kale kama jawaabin.

Herrena waxa aan u keenay su’aal kale oo sharci oo ahayd, haddii xildhibaanka ugu da’da weyni noqdo mid u sharraxan Guddoonka Aqalka wakiilada, ma isaga ayaa maamuli doona fadhiga uu gudihiisa ku tartamayo oo go’aanka ku dhawaaqi doona misa ka da’ ahaan ku xiga ayaa guddoomin doona? Waa su’aal iyadana aanu dastuurku ka jawaabin, oo uu ka dhalan karo khilaaf sharci (constitutional crisis).

 

Su’aasha hore iyadu wey mutaxantahay oo tirada dhabanka ah ee xubnaha Golaha ayaa sabab u ah kakanaanteeda. Marka ay sidani dhacdana, ee xal sharci oo sugan la waayo, sida ugu macquulsan (logic) ee loo arki karo in aanay caddaaladda wax u dhimayn ayay tahay in la raaco. Xalkaasi oo aan odhan karo wuxuu noqon lahaa “qori-tuur” lagu heshiiyo, oo lagu kala reebo tartamayaashaasi uu codkoodu isleekaaday.

Tan kale waxa ka dhalanaya laba (OBJ).OBJ) doodood oo sharci, qolo ku doodda sharcinnimada uu xildhibaanka ugu da’da weyni ku guddoominayo fadhiga 1-aad, xataa haddii uu u sharraxayahay guddoominta golaha, Iyo qolo kale oo kasoo horjeedsata. Qolada hore waxay ku adkeysanaysaa (OBJ), waxa qoran ee qodobku dastuuriga ahi sheegayo (Formalist approach) waxaanay ka faa’idaysanayaan qabyada sharci ee aanu qodobku xaaladdani ku sii oddorosin. Waxaanay leeyihiin waa lagu qasbanyahay in loo hogaansamo waxa uu sheegayo qoraalka sharci oo ah waxa qudha ee aan la dafirikarin xaqiiqadiisa iyo xeernimadiisa.

 

Wixii dhaafsan waxa-dhigan ee aynu ku heshiinay in aynu isku dhaqnana, waxay noqonayaan rabitaannadeena oo isjiidha iyo in uu dhinac waliba isla saxsanaado.

Halka ay doodda kalana noqon karto fasiraad ka mugweyn intaasi oo ku salaysan mabadi’ida iyo ujeeddooyinka guud ee saldhigga u ah Xeerarka iyo Saamayntooda (Purposive Approach). Mabda’a ugu muhiimsan ee dooddooda la xidhiidhaana waa mabda’a caddaaladda dabiiciga (nutural justice principle) ee odhanaya “qofna dhex-dhexaad/garsoore kama noqdo kiis uu dhinac ka yahay”. Murrashaxa u taagan shirguddoonkuna ma maamuli karo tartanka uu ila simanyahay dhinacyada kale ee golaha kula jira. Ilaalinta mabaad’ida caddaaladduna waa ujeeddada ugu muhiimsan ee asaaska u ah Dastuurnimada iyo xeerarka ka farcama. Dastuurka iyo xeertoona lagama filayo in loola jeedo in ay caddaalad darro hor-seed u noqdaan inta ay doontaba ha leekaatee. Sidaa darteedna qabyada qoraal looma adeegsan karo si khilaafsan mabaadi’da caddaalada, maangalnimada, iyo wanaagga guud (common good).

Labadaa doodood ee sharci oo la xidhiidha su’aasha dambe, ma aha kuwa taagan xilligan, ama soo ifbiaxay, balse waxa aan jeclaystay in aan idin lasii wadaago sida uu nuxurkoogu noqon karo,

Haddii aad hayso dood sharci oo la xidhiidha arrintan iyo fekerkaaga, ama aad hayso arrin saddexaad iyo afraadna waad keeni kartaa.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W/Q.  Garyqaan Mohammed Ahmed Bacaluul