Araweelo News Network.

Warbixin Sanadeeda Denbiyada Ee Boolisku Soo Bandhigay Maxay Muujinaysaa marka Loo Eego Sanadkii Hore

Booliska Jamhuuriyadda Somaliland,  waxay sannad walba soo bandhigaan warbixin sannadeed lagu muujiyo denbiyadii dhacay sannadkaa.

Sannadkan 2022, maxay kaga duwantahay warbixinta ay Boolisku soo bandhigeen sannadkii hore 2021.

Maqaalkan ayaynu kaga hadlayaa, innagoo is-barbar dhig ku samaynaya.

 

Warbixin sanadeedkii Booliska  ee 2021 Warbixin sanadeedkii Boolis ee 2022 faraqa
Tirada guud ee dambiyada 19,230 Tirada guud ee dambiyada 27,801 8,571
Kiisaska beenoobay 4,400 Kiisaska beenoobay 5,565 1,165
Kiisaska heshiis ku dhamaday 6,085 Kiisaska beenoobay

 11,320

5,535
Baadhis ku jira 1,077 kiis Baadhis ku jira 540 -537
Kiisaska maxkamada galay 7,668 Kiisaska maxkamada galay 10,916 3,248
Dilalka dhacay  89 Dilalka dhacay  60 -29
Kufsi  232 Kufsi  266 34
Shilalka gaadiidka 5,581 Shilalka gaadiidka 5,829 248
Dadka ku dhintay shilalka 212 Dadka ku dhintay shilalka 148 -64
Falalka abaabulan 27 qof Falalka abaabulan 12 -12 qof
Mukhadaradka la qabtay 41,000 ltr khamr

 

Mukhadaraadka la qabtay

71,000 ltr

29,000 ltr
Xashiishad

5,110 kg

Xashiishad

75 kg

-5035kg
Khasaaraha gaadiidka ku burburay shilalka

5,581

Khasaaraha gaadiidka ku burburay shilalka

5,829

 

248 gaadiid ah

 

 

Warbixin sanadeedkii ciidamada Booliska ka jamhuuriyadda Somaliland ay sameeyeen labadii sanadood ee u dambayeey,  ayaa waxa aan ku sameeyay is barbar dhig si aynu u ogaano bal xaalada dhabta ah ee dalka , waxa is bedalay mudadaasi sanadka ah .

Sidoo kale,  waxa aan soo jeedinayaa in qaabka loo soo bandhigo warbixinta sanadeedka Booliska jamhuuriyadda Somaliland aannay ahayn mid ku haboon , sababtuna waxa ay tahay si xil la isaga saaro waa in warbixin walba lagu xusaa dambiyada ugu badani halka ay ka dhacaan oo la helaa warbixinta oo gobolaysan , degmaysan ama ilaa heer tuulo ay ku muujisan tahay .

Arrintaasi waa mid innaga caawinayaa in xoogga la saaro hadba halka dhibtu ka taagan tahay,  isla markaana la oggaado waxa sababaya fal dambiyeedyada faraha baddan ee ka dhacay gobolkaa, ama degmadaa ee ay  dheer tahay dalka intiisa kale.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W/Q. Mohamed Abdi Jama

(Mohamed dhimbiil)