Araweelo News Network

Ummadda Somaliland waxaa ka xoog-batay riyaaq iyo jacayl Somaliweyn markii inta ay ka xorowday Ingiriiska 1960 markiiba ku biirtay Somalia oo iyaduna ka xorowday Talyaaniga si loo horseedo dawlad Somaliyeed oo xoog leh oo ka kooban Shantaba kana dhalata Geeska Afrika. Nasiib-darro, deeqsinimadaas ay ummadda Somaliland u hibaysay dawladnimadeedii cusbayd Somaliweyn awgeed waxay ka dhaxashay duudsi, dulmi, boob, dhac, tacadiyo, gummaad, burbur iyo barakicin.

In badan oo ahaa dadweynihii Somaliland ee lahaa mid weyn iyo mid yarba ee ubaxa soo dhaweynta iyaga oo faraxsan lulayay kuna dabbaaldegayay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyaga oo soo dhaweynayay midnimadii lagu hoogay ee 1960 iyo Afgembigii gummaadka ee Kelitaliye Siyaad Barre dalka ku qabsaday 1969 waa la gawracay, waa la gummaaday iyaga oo aan waxba galabsan lana burburiyay magaalooyinkoodii waaweynaa iyada oo la adeegsanayo hubka noockasta. Xasuuqa, gummaadka, burburinta, boobka, dhaca iyo barakicinta waxay dhaceen intii u dhaxaysay 1984-1989. Jiritaanka dad iyo dhulba waxay galeen halis lagu talo galay.

Bogga Internetka ee Caanka ah oo lagu magacaabo WIKIPEDIA ayaa iyaga oo soo xiganaya Hay’adaha Xuquul Insaanka iyo dadka degaanka ee goob-jooga ahaa wuxuu warbixin dheer oo xaqiiq ah ka qoray gummaadkii iyo burburintii ka dhacday Somaliland.

Warbixintaas oo uu bogu ugu magacdaray: Gummaadkii Isaaqa ama Halaagii Hargeisa [ISAAQ GENOCIDE OR HARGEISA HOLOCAUST]. Warbixintu waxay cadaynaysaa in ciidamadii Taliskii Siyaad Barre gummaadeen 50,000-200,000 qof, lagu barakiciyay 500, 000 qof, dadkaas oo magansaday dalka Itoobiya halka 400, 000 qof ku barakaceen dalka gudhiisa. Magaalada Hargeisa waxaa la dumiyay 90% halka Burco la dumiyay 70%. Warbixintu waxay sheegaysaa in cadaymaha la helay muujinayaa in Xukuumadii Siyaad Barre diyaarisay, qorshaysay isla markaana fulisay gummaadka dadka Isaaqa intii u dhaxaysay 1984-1989.

QAYB KA MID AH FIIDYOWYADII GUMMAADKA IYO BURBURINTA

1. https://www.facebook.com/mohamudismail.farah/videos/897439374768996/

2. pic.twitter.com/7uTHf7qhrV pic.twitter.com/QU4SmdJTs5

3. https://youtu.be/KpSMrCQDs1Q

Su’aasha meydka: Maxaa la laygu dilay magaca qabiilkayga? Waa Afrika! Hoyga qabyaaladda, Kelitalisnimada iyo musuqmaasuqa. Qofna ma oga qeybka ama waxa mustaqbalku u soo sido. Allaah (SWT) oo qudha ayaa og qeybka ama waxa innaga qarsoon. Malaa’iigtu ma oga waxa Allaah (SWT) ogyahay, Aadamuhu ma oga waxa Malaa’iigtu ogtahay, xayawaankuna ma oga waxa Aadamuhu ogyahay, sidaasuna waa sida Allaah (SWT) u abuuray makhluuqa. Aqoonta ama ogaanshaha makhluuqu waa koobantahay, waana sababta ay dadka Somaliland u ogaankariwaayeen masiibadii ku soo socotay.

Dagaal qadhaadh kadib oo qaatay sideed sano ku dhawaad (8 sano), waxay ummadda Somaliland jebisay Taliskii Siyaad Barre iyo ciidamadiisii ka soo duulay Somalia waxayna Bishii May 18, 1991 soo ceshatay qaranimadeedii iyo dawladnimadeedii ay qaadatay June 26, 1960. Taliskii Siyaad Barre waxaa uu isku diray oo hub iskugu dhiibay Beelaha Somaliland si uu u badbaadiyo xukunkiisii kelitaliska ahaa. Sababtaas awgeed, ayaa Beelaha walaalaha ah ee ummadda Somaliland is-wada cafiyeen 1991 iyaga oo raacaya Shuruucda Diinta Islaamka. Maya midnimo dambe oo dhexmarta Somaliland iyo Somalia oo misna laga dhaxlo gummaad iyo burbur.

[Qormadan waa kayd taariikheed ku saabsan dagaalkii sokeeye ee lagu baaba’ay ee Somaliland. Loolama jeedo cadaawad ama xumaan. Waa xusuus naxdin leh oo qudha si jiilalka soo socda ee Somaliland uga hortagaan argagaxa dagaallada sokeeye].

The views expressed in this article belong to the author and do not necessarily reflect the editorial policy of Araweelo News Network.

By. Ibrahim Hassan Gagale

ibrahim_hg@yahoo.com.