mohfarahqoti
Boqorkii ugu xikmadda badnaa Boqoradii ka soo taliyey aduunka qarnigii 18-aad ee aynu soo dhaafnay, inkastoo boqorkaasi uu lahaa xikmaddo wanaagsan, haddana waxa caado u ahaan jirtay isagoo is qarinaaya, soo dhego-dhegeeyo wararka la isla dhex-marayo ee ka jira goobaha bulshada caasimadda ku nooli ay ku kulmaan.
Waxaanu inta badan jeclaa oo uu ku taami jiray, wax ka ogaanshaha fikraddaha ay dadkiisu ka aaminsan yihiin xukunkiisa, taasoo ahayd dariiqa kaliyaata ee ka caawin jirtay dib u sixidda khaladdaadka xukumaddiisu ay sameyso.
Boqorku waxa uu aaminsanaa in ay ahaato Boqortooyo ku dhisan xukun cadliya iyo maamul wanaag, oo ay sinnaan iyo caddaaladi xeer u tahay, in taasi lagu gaadhi karro guusha himiladda la hiigsanayo, isla-markaana ay bulshadiisu noqon doonto bulsho caafimaad qabta oo ka fayow dhamaan xanuunnadda xassadka iyo xiqdiga, oo ay xeer u tahay isjeclaysi iyo isku tudhid.
Wakhtigaas waxa caasimadda ku noollaa, Nin tuug ah oo Affar tuug oo ay saaxiib ahaayeen nidar ugu marray in aanu waligii been sheegi doonin inta ka hadhay cimrigiisa, habeen habeenada ka mid ah, waxa ay shantii tuug qorsheysteen in dhacaan dahab ku jiray sanduuqa keydka maalliyadda Boqortooyadda.
Goor caweys ahayd ayey ku kulmeen barxad banaan oo dhanka galbeed kaga toosnayd boqortooyadda, shantii tuug iyo Boqorkii, salaan ka dibna, waxa uu Boqorku ku yidhi;- Waa kuwama?.
Tuugii daacadda ahaa, ayaa ugu jawaabay;- waxaanu nahay tuug, taasoo Boqorka ku noqotay fajac iyo amakaag, waxaanu mar-labaad weydiiyey, ;- Xageebaad ku socoteen? .
Waxaanu doonaynaa in aanu soo dhacno dahabka ku jira sanduuqa keydka maalliyadda ee Boqortooyadda, ayuu ugu jawaabay:- Tuugii daacadda ahaa.
Boqorku, waxoogaa ayuu ka fikiray, oo maskaxdiisu is weydiinaysay, in ninkani uu u eegyahay, oo uu noqon karo shaqsi naxariis leh oo wanaagsan, waayo, marnaba lagama yaabo, in erayaddan oo kale uu ka soo yeedho tuugta dhabta ah, waxaanu markiiba go’aansaday, oo uu yidhi;- Anniguba waxaan ahay tuug xariif ah, ee inna mariya si wada jir ah aynu u soo dhacno dahabkaas.
Markii ay gaadheen, kadinkii hore ee dayrka Boqortooyadda, ciidankii illaaladda ayaa joojiyey, oo ku yidhi, ;- Waa kuwama,? Tuugii daacadda ahaa ayaa ugu jawaanbay;- Waxaanu nahay Tuugg.
Illaaladdii waxa ay maskaxdoodu is weydiisay, in aanay ahayn kuwani Tuugg, waayo, suuro-gal maaha, horena ummay dhicin, in niman tuug ah oo doonaaya in ay wax dhacaan ay u soo mari-lahaayeen dariiqan oo kale, sidoo kalena, may-sheegteen tuugonimadda, laakiinse, waxa laga yaabaa, in ay dadkani ay yihiin qaar war-bixino u sida Boqortooyadda.
Markii ay dhaafeen illaaladda, waxa ay weydiiyey mid ka mid ahaa illaaladdii ku sugnayd guddaha Boqortooyadda, furre ka mid ah furrayaasha kadinka xafiisyadda, gacantaana laga galiyey furayaashaas.
waxaanay jabiyeen qasnaddii oo ay jireen 10-dhagax oo dahab ah, waxaanay ka qaateen 6-dhagax oo ka mid ahaa 10-kii dhagax ee dahabka ahaa, dabadeedna, sideedii bay u xidheen qasnaddii, ka dibna, way ka baxeen xaruntii boqortooyadda, Boqorku markii uu u raacay gurigii ay seexanayeen shanta Tuug, waxa uu ku soo laabtay hoygiisii uu seexanayey.
Markii ay soo baxday libidhadu, Taliyihii illaaladdii Boqortooyadda ayaa sameeyey baadhid ku taxa-luqday, inuu ogaado kuwa ay ahaayeen, wasiiraddii soo galay madax-tooyadda xallay, markii uu ku guuleysan waayey, waxa uu ku qancay in ay arrintaasi ay ahayd arrin khiyaamo ahayd, waxaanu go’aansaday in uu war-bixintaasi u gudbiyo Boqorka.
Isla-wakhtigaasi, waxa uu Boqorku ammar ku siiyey Dhuwan, oo ahaa wasiirkiisa maaliyadda in uu soo hello waxa ay nimankaasi ay ka qaateen Boqortooyadda, wasiirku waxa uu baadhis ku sameeyey qasnaddii kaydka maaliyadda oo ay ku jireen 10-ban dhagax oo dahab ah, waxaanu ugu tagay 4-dhagax oo kaliya, ka dib, markii uu ku soo noqday boqorka, waxa uu u sheegay in la qaatay 10-kii dhaqax ee dahabka ahaa ee ku jiray qasnadda kaydka maalliyadda, isagoo isla-markaas qorshaystay in uu isagunna inta ku hadhay qasnadda kala baxo oo uu qaato, markii uu la baxay 4-tii dhagaxna, waxa uu dhigtay gurrigiisii.
Inkastoo, Boqorku uu ammar ku siiyey wasiirka in uu soo hello shaqsiyaaddkii fuliyey xaddida dahabka kaydka maalliyadda boqortooyadda ku jiray, may suuro-galin in wasiirku ku guuleysto arrintaasi.
Muddo ka dib, waxa uu Boqorku uu iclaamiyey, kuna sheegay shir jaraa’id, shaqsiyaadkii xadday dahabkii ku jiray qasnadda kaydka maalliyadda ay iska soo xaadiriyaan boqortooyadda barritoole saacaddu marka ay tahay 12:00 Duhurnimo.
Wakhtigii ay ballanku ahaa, ayuu u yimid Tuugii daacadda ahaa, Boqorkii oo la shiraya Gollihii wasiirada oo badnaa kuwo leh hab-dhaqanka musuqmaasuqa ee khiyaamadda badan, waxaanu boqorku ku yidhi Ninkii Tuuga ahaa;- waxaynu ahayn Lix-tuug oo halkan u yimid in ay xaddaan wax la xafiday” markaas waxaan ku weydiiyey, Imisa dhagax oo dahab ah ayaad qaadatay? waxaanu ugu jawaabay Tuugii daacadda ahaa , mudane:- waxaanu qaadanay Lix-dhagax, ka dibna Boqorku waxa uu ku yidhi;- wasiirkiisii maalliyadda ee la odhan jiray, Dhuwad, halkee bay mareen 4-tii dhagax ee dahabka ahaa?

Waxaanu kaga jawaabay wasiirku su’aashaasi;-” Mudane, Tuugani waa beenaale, haddaba, maadaama uu ogaa Boqorku oo uu la socday shanta tuug, waa uu ogaa intii ay qaateen, waxaanu ciidankii illaaladiisa amar ku siiyey in hadda la soo baadho gurriga uu degan yahay wasiirka maalliyaddu, markii lagu sameeyey baadhitaan qaatay dhowr saacadood ayaa lagu guulaystay in laga hello 4-tii dhagax ee dahabka ahaa gurigii uu deganaa wasiirka maalliyaddu, taasoo wasiirka ku keentay in uu ku dhaco qalbi gariir.
Boqorku waxa uu ku yidhi;- “ Addigu waxa aad tahay tuuga dhabta ah, laakiin, tuugani runtii waa daacad, waxaanu ku baaqay, in uu tuuga daacadda ah iyo Dhuwanba uu ku ridi doono jeel gaboobay.
Isagoo haddalkiisii sii wata, waxa uu yidhi;- Dadka ku nool, nollol leh akhlaaq iyo daacadnimo, waxa ay Alle agtiisa ka helli doonaan abaal marrin-weyn, kuwa khiyaamadda badan iyo hawl-wadeenadda khiyaamadda badan ee sida Dhuwan oo kalena, waxa ay Alle agtiisa ka yihiin kuwo khasaaray.

Maxamed Faarax Qoti