Telesom Dahabshiil
Published On: Thu, Jan 28th, 2021

Warqad Furan Oo Ku Socota Guddomiyaha Xisbiga Waddani

Araweelo News Network.

Warqad  Ku Socota Guddomiyaha Xisbiga Waddani

W/Q  Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Waddani waa xisbiga ugu waqtiga yar marka la eego xisbiyadda imika dalka ka jira ee Kulmiye iyo Ucid, waxaana la asaasay sannadii 2012, xiligaas oo uu ka soo gudbay marxaladii ururnimada  oo uu ka qaybgalay dorashooyinka gollayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday.

Xisbigu waxaa uu fursad weyn ka helay bulshada reer Somaliland heer uu gaadhay inay u codeeyaan boqolkiiba afartan 40%  dadkii wax dooranayay doorashadii madaxtooyadda ee dalka ka dhacaday dabayaaqadii Sannadkii 2017, wallow aanu ku guulaysan haddana wuxuu ka cod badnaa xisbiyo ka da’a weynaa ee UCID.

Waddani waqtigan aynu joogno waa Xisbi mucaarid ah wuxuuna uu haystaa fursadii ugu weynayd ee wax  ku mucaaridi lahaa lakiin kama uu faa,iidaysan waayo sababtoo ah waxa uu la  kulmay xukuumaddii ugu waxqabdka jilicsanayd uguna nugaylka badnayd, taas oo meeshii la eegaba ku fashilantay, hadday noqoto wax kaqabashada Caafimaadka, Waddooyinka Biyaha iyo Waxbarshadda, marka la eego xagga xidhiidka arrimaha dibada, ictiraafi raadinta iyo galista heshiisyadda caalimiga ah waatii ugu gaabiska badnayd iyada oo heshiisyadii ay la gashay qaarka mid ah waddamo uu booqday Madaxweynah imika talada hayee Muuse Biixi ay noqodeen qaar dhicisoobay oo aan waxba ka hirgalin taas oo ay ugu danbaysay kii la lahaa basaboorka Somaliland ayaa lagu tagayaa waddanka imaaradka carabta.

Fursado badan oo laga faa,idaysan karayay way  soo mareen Xisbiga Waddani taas oo lagu ku dhisi karayaayay awoodna loogu  yeeli lahaa mucaaridnimada xisbigu  uu ku dhaliilayo Adeeg la,aanta ay  la  tiicayaan bulshadii dalka, Maamul Xumada iyo musuq maasuqa xadhkaha goostay ee imika dalku ku suganayahay si uu u kasbado quluub ta dadweynaha hadhow doorashada marka la gaadhàna codkooda ugu meelmaro.

Guddomiyaha Xisbiga waddani waa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ah Musharixii doorashadii Madaxtooyada ee 2017 laga guulaystay, waa nin Ilaahay Edeb iyo Akhlaaq ku karaameeyay Aadmuhuna Af iyo Adinba ka nabgaleen, muddo 12 Sanno ah ayuu ahaa Guddomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo ah Masuulka saddexaad ee dalka u sareeya, Odeygu waxa uu la qabsaday nolosha muxaafidnimada markii uu dibada uga soo baxay ee baneeyay Xilkii Guddomiyanimada iyo xildhibaanimada mucaaridnimadii waxay ku yeeltay waji kale oo u baahan inuu waqti galiyo si uu ula qabsado, Mucaaridnimadiisii ugu horeysayna waxay noqotay inuu Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee Doorashadii uu ku guuldaraystay qabtay uu kalsoonidii kala noqoday iyagoo aanu dhamaan waqtigii sharcigu u ogaalaa talabdaas ayaa ay dadka falanqeeya siyaasada ay ku tilmaameen il duuf siyaasadeed  oo uu Guddomiyuhu ku dhacay, isla markaana  mudada ugu kordhiyay  Golayaashii sharci darada ku fadhiyay.

Ninka kaliyaate maanta Somaliland lagaga dayan karo xagga mucaaridnimada waa Madaxweynaha imika xilka haya Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas oo sidii madaxbaanaanid dalka loogu dhawaaqay ahaa Mucaarid isagoo oo xataa xisbigiisii uu ka tirsanaa ee Kulmiye oo talada dalaka gacanata ku haya uu mucaarid ku ahaa  waana macalinka kaliyaate laga barankaro habaka waxa loo mucaarido loona gilgilsho dawladdaha.

Madaama uu Madaxweyne Muuse Khibrad weyn uleeyahay habka wax loo mucaarido si aan xukuumadiisa jilicsan ee lagu masaalo sida keega aan loo mucaaridin dhamaan xisbiyadii dalka oo dhan waxa uu ka saaray awooddii ay wax ku mucaaridi lahayeen kaas oo markii uu arkay in xisbiyadu awodoodu isa soo tarayso ugu hanjabay in uu furayo Ururadii iyo asaxaabtii badnayd taasina waxay lafjab ku noqotay xisbiyadii dalka ka jiray oo iyaguna awood sidaa u badan ku lahayn bulshada dhexdeeda oo laga aaminsanaa inaanay xisbiyo qarana ahayn ee ay yihiin Ururo Niman Ama Reero leeyihiin, ugu danbayntii qodobkaa uu Madaxweynuhu sheegay waxay xisbiyadii  dalka u horseeday inay noqdaan Wasaarad ka mid ah Wasaaradaha uu madaxweynuhu soo magaacabo isla markaana aan sheegi Karin  dhaliisha xukuumada iyo wax qabad la’aanta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo jira dagaalo kale oo uu madaxweynuhu ku la jiro Xisbiyada Mucaaridka gaar ahaan Xisbiga Waddani waxaa ka mid ah.

1: isku shaandahayn kasta oo uu sameeyo Madaxweyne Muuse waxaa uu magaacabaa haldoorka iyo dhalinyaradda ugu cad cad ee ku jira Xisbiga Waddani ama dad ay isku jufo yihiin Guddomiyaha Xisbiga Waddani si uu u wiiqo taageerayaasiisha.

2: Masuul kasta oo ka tirsan Xisbiga Waddani, isla markaana la arko inuu aad ugu dheeraynayo macaaradad xukuumadda waxaa loo soo diraa cid ugu soo hanjabta inay dilayso ama waxaa la soo baadha tariikhdiisii hore taas oo haddii uu shaqo liidata markii hore ka shaqayn jiray inta warbaahinta lala soo fadhiisto lagu caayo sharftiisana meel lagaga dhaco.

Cadooyinkaa lagu arkay xukuumada Madaxweyne Muuse waxay sababtay inuu hoos u dhaco mucaaridkiisii, isla markaana dagaalkaa uu ku hayo Xisbiga Waddani aanay ka warhaynin Madaxada sare ee xisbigu.

Maxay Tahay Fariinta Aan U Dirayo Guddomiyaha Xisbiga Waddani

1: Inuu Guddomiyaha Xisbiga waddani uu sameeyo isku shaandayn xisbiga u noqota qolof rid taas oo u badan xubanaha sarsare.

2: Inuu joojiyo magacaabistan uu samaynayo ee ubadan dhaliyarada sababtoo ah dhalinyaradu wax samayn ah kuma laha reeraha dhexdooda.

3: Inuu sharci adag ka soo saaro Inamadan yaryar ee magaca xisbiga ku hadalyee inatay shir jaraaid qabtaan haddan aan waxba laga faa’iidayn isla markaana dadka ka waaweyn caayay ama aflagaadaynaya taasina waxay hoos u dhigaysaa karaamadii xisbigu bulshada ku dhex lahaa .

4: Inuu sameeyo mucaaridad adag oo ku dhisan aqoon iyo waayo aragnimo.

5: Inuu hagaajiyo Xidhiidhka warbaahinta iyo Xisbigiisa ka dhexeeya  oo imika aad u liita.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

WA BILAAHI  TAWFIIQ

W/Q  Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp