Hargeysa, (ANN)-Maxmuud Xaashi Cabdi oo ahaa Wasiirkii horre ee Madaxtooyadda Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa si kooban uga hadlay doodaha ka dhashay qaybo ka mid ah Buugga uu dhowaan soo saaray Wasiirkii horre ee Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan ee “Miyiga ilaa Madaxtooyadda”.

Buuggaa oo Qoraaga soo saaray Xisri Cali Xaaji Xasan, ku sheegay in Madaxweyne Siilaanyo soo bandhigay in uu is casilo, muddo yar kadib markii uu xilka la wareegay dabayaaqadii 2010, isagoo qoraagu sabab uga dhigay arrintaa, kadib markii sida uu ku sheegay Buugga, Madaxweynaha ay soo waajahday xaalad caafimaad.

Hase yeeshee Wasiirkii ugu danbeeyay ee Madaxtooyadda Xukuumadda Siilaanyo, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa so kooban uga bixiyay jawaab arrinta caafimadka Madaxweyne Siilaanyo ee xiligaa iyo soo jeedinta is casilaada ee lagu qoray Buuggaa, wuxuuna qoraal uu bartiisa Facebook, ku qoray Maxamuud Xaashi ku yidhi sidan, “ Ma jecli inaan faah-faahin ka bixiyo buugga uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadu qoray, waxaan jecelahay inaan gor-fayntiisa u daayo shacabka Somaliland,waa ta koowaade annigu goob-joog iyo makhraati midna kamaan ahayn kulanka xirsi sheegay in marwadu noogu yeedhay ee ku saab-sanaa in madaxweyne Silaanyo is-casili gaadhay, warkaasi maaha war xaqiiqo ah.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Silaanyo waxaan ahaa gacan-yarihiisii wakhtigii uu ahaa murrashaxa xisbiga KULMIYE,waxaan ahaa todoba sannadood wasiir xukuumadiisa ka tirsan, labadii sanno ee u danbeeyayna waxaan ahaa gacan-yarihiisii gaarka sidaas awgeed caafimaadka madaxweyne Silaanyo waxa uu ahaa mid wanaagsan,caqligiisa iyo maskaxdiisuna waxay ahayd taam taasina waa ta suurta gelisay in Axmed Silaanyo todobadii sanno ee uu ahaa Madaxweynaha uu dalkani kala soo dabaashay duruufo addag oo kala duwan, hadii caafimaadka madaxweynuhu khaldanaa dal-na muu maamuleen,guulna ma gaadheen,Axmed Silaanyo muu ahayn maxbuus ay kawarmi karaan xaaladiisa koox kooban,waxa uu ahaa nin ballaadhan oo aanay waxba u qarsoonayn.

Marwada 1aad ee Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Maxamed Jirde waxay ahayd sida uu Xirsi-ba buugiisa ku xusay haweenay waxbaratay,kana danbaysa ninkeeda iskana dhawrta fara-gelinta maamulka dawladda, sidaas darteed haddii uu Xirsi buugiisa ku xusay inay 5-tii sano ee uu wasiirka Madaxtooyadda ahaa ay ahayd marwo gurigeeda ku kooban,labadii sanno ee danbena sidii uun bay ahayd, Xirsina kama warami karo meel aanu joogin.” Ayuu yidhi, Maxamuud Xaashi.