Araweelo News Network

Washington(ANN)-“Doorashadii Madaxweynenimada Donald Trump ayaa saamayn weyn ku yeelatay sida adduunku u arko dalka Maraykanka.” Sida waxa lagu bilaabay daraasad ballaadhan oo laga sameeyey heerka isbeddelka ku yimi aragtiyihii beesha caalamku ka qabeen USA doorashadiisii kadib.
Daraasaddan waxa sameeyay xarunta cilmi-baadhista ee lagu magacaabo Pew Research Center oo waraysi la yeelatay sannadkan in ka badan 40,000 ruux oo ku kala nool 37 dal oo adduunka ah.
Waxay ku soo gabogabaysay in siyaasadaha madaxweyne Trump aanay shacbiyad wayn ka lahayn caalamka.
Sahankan oo laga sameeyay 37 dal oo daafaha adduunka ku kala yaal, laba keli ah – Ruushka iyo Israa’iil – ayaa argti fiican ka qaba Trump marka loo eego middii ay ka haysteen madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. Barack Obama.
Hase ahaatee, daraasaddu waxay bidhaaminaysaa in in badan oo dadkaas ka mid ah ay dareensan yihiin in aannu wax isbeddel ah ku imanayn sannadaha soo socda calaaqaadka dalalkoodu la leeyihiin Maraykanka.
Waxyaabaha ugu doorka roon ee ka soo baxay sahankan oo la qaaday intii u dhexayasay 16 February ilaa 8 May 2017 waxa ka mid ah:
Kalsoonida dadku ka qabaan Trump way ka yartay tii Obama:
Sahankan ayaa dadka lagu sameeyay markii uu Obama dhammaystay siddeeddii sanno ee uu xilka hayay, iyadoo Trump-na uu markaas uun xilka la wareegay – waxa dadka la waydiiyay inay kalsooni ku qabaan in madaxeynuhu si wanaagsan u maarayn doono arrimaha caalamka.
Waatan jawaabihii ay bixiyeen xulafada Maraykanka iyo Ruushku:

Madaxweyne Trump ayey waqti yar ku qaadatay in uu sunto arrimaha caalamka – wuxuuna si cad u sheegay in dalalka ku jira Gaashaan-buurta NATO ay bixitaan saami caddaaladda waafaqsan, isaga oo ula jeeda inay dhaqaale dheeri ah bixiyaan, sidoo kalena toddobaadyadii la soo dhaafay wuxuu dhiirrigaliyay in waddamada Khaliijku go’doomiyaan dalka Qadar.
Madaxweynenimadiisu waxay ruxday saaxiibbadii hore ee Jarmarka:
Waxa ka mid ahayd markii hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel ay sheegtay in Yurub aanay si buuxda ugu tiirsanaan karin saaxiibkeedii hore, iyada oo hadalkaas sheegtay markii ay kulan la qaadatay Trump oo ku martiqaaday Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo.
Xaqiiqdu waxay tahay in dalalka kalsoonida ugu badan ka yaaraatay ay yihiin xulafadii soo jireenka ahaa ee Maraykanku lahaa. Sida ay muujinayso daraasaddani 86% dadka Jarmalku waxay kalsooni ku qabeen Obama, halka tusaale ahaan 11% keliya kalsooni ka qabaan Trump.
Xayiraddii socdaalku waxay wax u dhintay sawirkii Maraykanka:
Daraasaddan ayaa la baahiyay saacado uun kadib markii Maxkamadda Sare ee Maraykanku ay qayb ahaan fasaxday xayiraadihii socdaalka ee madaxweyne Trump uu saaray dadka ka imanaya lix dal oo Muslimiintu aqlabiyad yihiin.
Xayiraaddaas ayaan shacbiyad ku lahayn 62% dadka wax laga waydiiyay ee ku kala sugan 37 dal oo caalamka ah. Saddex dal oo kali ah ayey aqlabiyadda dadkoodu taageereen go’aankaas, kuwaas oo kala ah Israa’iil, Hungary iyo Ruushka.
Waxaas oo dhan midkoodna dan lagama laha:
Dadka daraasaddan lagu sameeyay oo gaadhaya 40,447 qof oo xarunta cilmi-baadhista ee PEW su’aalo waydiisay ayey jawaabahoodu sidaas u dhadhameen.
Dadka ayaa laga yaabaa in ay ka walaacsan yihiin waxa Trump uu uga dhigan yahay dalkooda, badankooduna waxay u arkaan nin qallafsan oo halis ah, laakiin aanay taasi ka dhignayn in ay u malaynayaan in madaxwenenimadiisu ay saamayn ku yeelan doonto.
Inkastoo 15% oo kali ah ay qabaan in cilaaqaadku uu hagaagi doono, haddana waxa jira dalal rajo wayn qaba, gaar ahaan kuwo qaaradda Afrika ku yaalla. 54% dadka Nigeria iyo 51% ka mid ah bulshada reer Ghana waxay u arkaan inuu wanaagsanaan doono xidhiidhka dalalkoodu la leeyihiin maamulka Maraykanka ee Madaxweyne Trump.
Marka la eego dadka Ruushkana 53% waxay qabaan in xaaladda adduunku hagaagi doonto inta uu Aqalka Cad ka talinayo Trump, sida daraasaddani muujisay.