Muuqaalka Diyaarada Ruushka ee Turkigu soo riday oo gubanay

Muuqaalka Diyaarada Ruushka ee Turkigu soo riday oo gubanay

Ankara(ANN)Mid ka mid ah duuliyayaashii diyaarad kuwa Dagaalka ah oo Ruushku lahaa, isla markaana Ciidamada Turkigu soo rideen shalay, ayaa la helay kadib hawlgal qaatay 12 saacadood.

Safiirka xukuumadda Moscow ee dalka faransiiska Alexander Orlov iyo ilo ku dhow dowladda Suuriya waxa ay sheegayaan in duuliyaha ay qaadeen xoogagga dowladda Suuriya.

Mudadii uu socday howl galka lagu bad baadinayay Duuliyihii diyaaradaas, waxa ku dhintay askari ka tirsan Ciidamada Marines-ka Ruushka, iyadoo ay bur burtay diyaarad Helicopter uu Ruushka lahaa, taasoo baadigoobeysay duuliyeyaasha.

Xoogag hubeysan oo ka dagaalama gudaha Suuriya, asal ahaana ka soo jeeda Turkiga, ayaa toogtay mid ka mid ah duuliyeyaashii, xilli uu baarashuut ku degayay dhulka Buuralayda dhinaca Turkiga xiga, waxaana ay soo bandhigeen meydka askariga.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Suuriya ay soo bad baadiyeen duuliyaha labaad, waxaana la geeyay Xarunta Ciidamada Cirka Ruushka ku leeyihiin Suuriya ee lagu magcaabo Latakia.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa xaqiijiyay in duuliyaha labaad ee diyaarada in la helay, isla markaana nool yahay, waxaana uu xusay in bilad-geesi la guddoonsiin doono isaga iyo duuliyihii kale ee dhintay.
Saraakiisha difaaca Ruushka ayaa ku eedeynaya Turkiga inay si qalad ah u soo rideen diyaaradooda, isla markaana aanay jirin wax digniin ah, ama xidhiidh toos ah oo dhex maray duuliyeyaasha diyaarada iyo duuliyihii diyaarada Turkiga ee F16 ee soo riday diyaaradii Ruushka.
Arrintan, ayaa xiisad ka dhex abuurtay Turkiga iyo Ruushka, wuxuuna Ruushku durba geeyay xarunta uu ku leeyahay Suuriya gantaalada lidka diyaaradaha ee difaaca ah, kadib markii shalay mid ka mid ah diyaaradooda la soo riday. Xiisada ka dhex taagan Ruushka iyo Turkiga ayaa ah mid aad u sii xoogeysanaya, iyadoo Mas’uuliyiinta labada dhinac ay hadalo kala duwan isaga weydaarsanayaan qalabka warbaahinta.

Dhinaca kale Madaxweyne Obama oo ka hadlay arrintan, ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa uu taageersan yahay xaqa uu Turkiga u leeyahay inuu dhulkiisa difaacdo, kaddib markii ay ciidammada dalkaasi diyaarad dagaal oo uu Ruushka leeyahay kusoo rideen soohdinta uu la leeyahay dalka Suuriya.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Obama iyo dhigiisa Recep Tayyip Erdogan oo telefoonka ku wadahadlay ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in xiisadda taagan la qaboojiyo.

Qaramada Midoobay iyo gaashaanbuurta NATO ayaa sidoo kale ku baaqay in Ruushka iyo Turkiga ay xaaladda dejiyaan.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380