Khabiir Xalliyey Xisaab Laga Shaqayn Kari Waayey 156 Sanno iyo Abaalmarinta uu ku helay

Mid ka mid ah xisaabaha ugu muhiimsan ee xalka loo waayey adduunka oo la yidhaa The Reimann Hypothesis, ayaa aakhirkii uu ka shaqeeyey birifisoor u dhashay dalka Nijeeriya.

Ninkan khabiirka ah oo la yidhaah Dr. Opeyemi Enoch, ayaa sheegay inuu darriiqa lagu xallinayey masalo xisaabeedkan uu helay sannadkii 2010ka, kaasoo aakhirkii u fududeeyey inuu ka shaqeeyo xisaabtan qarniga iyo badhka cid xalkeeda keenta la la waayey.

Xisaabtan oo ka koobnayd toddoba masalo, waxa dugsi xisaabaadka lagu barto oo la ydihaa The Clay Matthematics Institute uu 2000 sheegay in cidda ka shaqaysa abaal-marin la siinayo, taasoo sababtay in waqtigan Dr. Enoch uu ku guulaysto $1 milyan oo doollar, maadaama uu xalka keenay.

Xisaabtan The Riemann Hypothesis waxa keenay xisaabyahan la odhan jiray Bernar Riemann sannadkii 1859kii, taasoo xusaysa in lambarada xisaabta furaha u ah la kala qaybqaybiyo (prime Numbers).
Xisaabtan waxa ay noqotay mid xalkeeda cid kastaa waydo, taasoo sal ay u tahay qaacido ah ζ(s) = 0 waxaanay u taagan tahay xisaabinta xarriiqo quman ah (Vertical) sida mac-hadka Clay Mathematics Institute sheegay.
Waxa markii ugu horraysay la tijaabay 10 bilyan oo jeer oo xalkeeda la raadiyey, balse midna laguma guulaysan, waana markii ugu horraysay ee khabiirkan u dhashay dalka Nayjeeriya (Nigeria) uu helay natiijada xalka xisaabtan adag oo hore looga shaqayn kari waayey.
Dr. Enoch oo wax ka dhiga Jaamacadda Federal University of Oye Ekiti ee dalka Nijeeriya, ayaa sheegay in xalka xisaab 156 sannadood jirtay ay ku dhiirigeliyeen ardaydiisa, waxaannu BBC u sheegay, “Waxa dhiirigelinta iska lahaa ardaydayda oo aaminay in xalkeeda aan keeni karo, sababtoo in aan ku guulaysto lacagta abaalmarinta ah ee lagu bixinaayo, taasina waa sababta aan isugu dayey in aan ka shaqeeyo markii ugu horraysayba.”
Ninkan ayaa caddayntiisa ku soo bandhigay shir caalami ah oo xisaabta iyo cilmiga kombuyuutarka ku saabsan oo lagu qabtay magaalada Vienna ee dalka Austria 11 November, sida lagu baahiyey mareegta Vanguard oo dalka Nijeeriya laga leeyahay.
Dr. Enoch ayaa hore loogu yaqaanay waxyaabo cajiib ah oo hal-abuur ah sida inuu beeralayda u sameeyey waxyaabo ay beerahooda dhuumaha saliida kaga ilaashan karaan, hab xisaabeed uu ku eegay dhalan gediska cimilada.