Muslimiinta Yurub ku nool waxa lagu qiyaasaa ilaa 60 milyan oo qof. Musliinta Maraykana degan waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba sadex in ay yihiin Jermalkana boqolkiiba waa 4. Sidaas oo ay u badan yihiin hadana kama qaybgalaan nidaamka siyaasada ee wadamada ay degen yihiin ka jira, tusaale ahaan wadanka aan degenahay ee Kanada 46% ayuun baa codeeyay doorashiiyinkii ugu danbeeyay ee wadankan ka dhacay. Sidaas oo ay tahay hadana siyaasada wadamada Galbeedku sanadihii ugu danbeeyay saamayn wayn ayay ku lahayd Muslimiinta degan wadamadaas. Mawduucani waa barmaamij muxaadaro ah oo aan kaga hadlayno Muslimiinta iyo ka qaybgalka siyaasada wadamada Galbeedka. Waxa aan ku eegaynaa sida ay muhiimka ugu tahay in laga qaybgalo siyaasada wadamada Galbeedka iyo mawqifka Culimada Muslimiinta.
riix halkan