Araweelo News Network
xajjaajbinuyusuf
Dadka taariikhda islaamka wax ka qoray qaarkood waxay qireen guulihii ciidamadii hoos imanayey taliskii xajaaj bin yuusuf ku furteen dhul badan oo ka tirsan badhtamaha qaaradda aasiya, laakiin waxay sidoo kale xuseen dilkii uu u gaystay dad badan oo muslimiin ah oo inay dawladii Umawiyiiinta ka hor jeestaan mooyaane aan diinta ka bixin, sidoo kalena mudadii uu shaqada hayey la dilay in badan oo ka mid ahayd saxaabadii rasuulka isla markaana ciidamadii uu horkacayey ay gubeen kacabada barakaysan ee magaalada makkah al Mukarama , ka dib dagaalkii uu halkaa kula galay dawladii Ibnu Zubayr ee Makkah ka dhisnayd.dadkii maalintaa la dilayna uu ka mid ahaa cabdilahi Ibnu Zubayr oo ay dhashay Asmaa Binti abu bakar.