Jamal Cali XuseenHargeysa(ANN)Murrashaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland qolka marti-sharafta (VIP-da) ee Madaarka Hargeysa ku qaabilaan masuuliyiinta dawladda Soomaaliya, halka madaxda axsaabta mucaaradka Somalilan-na laga horjoogsado, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid nasiib-darro ah.
Mr. Jamaal Cali Xuseen oo Madaarka Hargeysa ka dhoofay maanta, ayaa sheegay in masuuliiyinta Wasaaradda Duulistu isku dayeen inay ka joojiyaan garoonka caasimadda, halka uu ku dooday in qolka nasashada ee madaarka lagu qaabilo madaxda dawladda Soomaaliya oo uu xusay inuu ugu dambeeyey Ra’iisal-wasaaraha dalkaas.

“Run ahaantii waa nasiib-darro in mar walba madaxda dalkan iyo ehlu-sharafka ummadda in laga horjoogsado qolka nasashada ee madaarrada dalka, waxaanay taasi caddaynaysaa heerka ay taagan tahay kartida iyo kalsooni-darrada masuuliyiinta xukuumadda KULMIYE.

Waxa wax lala yaabo ah in nalaga horjoogsado haddii aannu nahay madaxda mucaaridka madaarka Hargeysa, iyadoo aynnu ognahay in qolka VIP-da ah loo furo madaxda Soomaaliya iyo kuwa kale oo aad uga soo horjeeda jiritaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo uu ka mid yahay Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo dhawaan mar uu madaarkan marayey lagu soo dhaweeyey qolka VIP-da, halka annaga na loo diiddan yahay. Arrintaas waxa ka qarnaqi doona bulshada sharafta leh ee Somaliland. Madaarkii Hargeysa wuxuu noqday Caabudla (goob dadku si dhib ah uga gudbi jireen markii Hargeysa laga qaxay 1988kii). Waxa na loo diidaa mucaaridka dalka, iyadoo cadawga Somaliland-na loo oggolaado inay ku nastaan oo ay ku kifaaxaan madaarrada Somaliland.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in xukuumadda KULMIYE ku dhaqanto hadda waxyaabihii ay ka caban jireen xilligii mucaaridka, “Waxa marag ma doon ah in dhammaan wixii ay xukuumaddani ka qaylin jirtay markii ay mucaaridka ay ahayd ee ay aadka ugu dhaliili jireen inay sameeyaan oo ay barro dhaafiyeenba waliba, markaa anigu wuxuun baan u arkaa in dhacdooyinkan yihiin kuwii soo dedejin lahaa xukuumadda Siilaanyo oo dadkii waa kuwaa nacay iyadoo aanay waqtigeedii u dhammaan.”

Murrashaxa UCID oo wax laga weydiiyey sida uu u arko xukun Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku ridday wasiir-ku-xigeenkii hore ee amniga Cabdillaahi Abokor Cismaan shalay, waxa uu yidhi; “Run ahaantii muddadii xukuumaddan waxa dalkan ka dhacay xad-gudubyo sharci oo qayrul-caadi ah run ahaantii waannu cambaaraynaynaa xukunkaas dedgega ah oo aannu u aragno xadgudub qayrul-sharci ah, iyadoo aynu ognahay in wixii lagu xidhay Cabdillaahi Abokor ee gurigiisa lagu burburiyey, isla markaana carruurtiisa iyo ooridiisa xabbadda loola dhacay.

Waxaan qabaa ninkaasi inuu ahaa nin wax badan og, maadaama uu ahaa masuul ka tirsan xukuumadda KULMIYE, walibana ka mid ahaa masuuliyiinta amniga dalka, markaa waxaan leeyahay waar sharciga iyo garsoorka waddanka ee marka horeba naafadda ahaa ee la sii burburinayo ha laga daayo oo faro-galinta iyo xadgudubka ha laga daayo sharciga dalkan oo u naxa oo u tuddda dadkii idin soo doortay ayaad xaggaad wax uga qaban lahaydeen aad cabudhinaysaane,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com