Araweelo News Network

moibrahimIIAG waa warbixin sannad le ah oo lagu qiimeeyo tayada hab maamul ee dalalka Afrika. IIAG waxaa maalgeliya Mo Ibrahim Foundation oo la aas-aasay sannadkii 2006, waxaa aas-aasay, isla markaana maalgaliya Dr. Mohammed Ibrahim oo u dhashay dalka Sudan.
Mo Ibrahim Foundation wuxuu u aasaasay si uu u dhiirigeliyo hab-maamul wanaagsan oo ka hirgala Afrika, wuxuu sidoo kale hirgaliyay Mo Ibrahim Index oo qiimeeya waxqabadka maamul ee qaramada Afrika. Mohammed Ibrahim, waa xubin ka tirsan Golaha Sare ee ka taliya arrimaha Afrika ee London Business School.
Sannadkii 2007 ayuu bilaabay mashruuca abaalmarinta hoggaamiyayaasha hoggaanka fiican ee Afrika oo la yidhaahdo Mo Ibrahim Prize for Achievement in African Leadership oo siiya $5 Milyan oo hore iyo $200,000 oo sannadkasta la siinayo inta uu nool yahay. Waa hogaamiye kasta oo Afrikaan ah dalkiisana si wanaagsan uga hirgeliya adeegyada Amniga, Caafimaadka, Waxbarashada iyo horumar dhaqaale, isla markaanna si nabad ah awoodda ugu wareejiya hogaamiyaha ku xiga. 2008, jariirada TIME ayaa u xulatay 100 ka qof ee dunida ugu saamaaynta badan.
Taariikhdu markii ay ahayd 03 October, 2016 ayaa Mo Ibrahim Foundation wuxuu soo saaray warbixin shaaca ka qaadaysa sidii ay Afrika isku maamushay 10 kii sanno ee la soo dhaafay (2006 – 2015). Ujeedada warbixinta IIAG ayaa ha in muwaadiniinta, dawladaha, hay’adaha & shirkadaha gaar ka loo leeyahay ba inay si sax ah u qiimeeyaan qabashada adeegyada bulshada iyo siyaasadaha ka soo baxaya qabashada adeegyadaasi qaarrad ahaan iyo dal kasta oo ka mid ah 54 dal ee qaarada. IIAG waa warbixin siinaysa xoggo dhallinaya doodo ka yimaad dawladdaha oo ku wajahan go’aan qaadashada iyo hab maamulka dawladdahaasi.
IIAG wuxu qiimeyn ku sammeeyaa afar qodob oo muhiim u ah dawlad wannaaga; Amniga & ku dhaqanka sharciga, ka qayb qaadashada arrimaha dawladnimo iyo xuquuqal iinsaanka, Fursadaha dhaqaalaha ee la joogtayn karo iyo Arrimaha la xidhiidha horumarka dadka. Mohammed Ibrahim oo warbixinta ka hadlayay ayaa wuxu yidhi: “10 sanno ee u dambeeyey horumar ayaa la sameeyey, ma ahan horumar weyn oo loo riyaaqo.”
Warbixintu waxay sheegtay in guud ahaan hab maamulka qaarradda Afrika uu horumar sameeyey hal darajo marka loo eego sannadkii hore. Laga soo bilaabo 2006-kii, 37 waddan oo ay ku nool yihiin 70% dadka Afrika ayaa horumarkaasi sameeyey.
10 kii sanno ee u dambeeyey waxaa horumarkaas maamul sameeyey Cote D’Ivoire, Togo, Zimbabwe, Libeeriya iyo Rwanda. Haddii Ghana iyo South Africa ay sannakdii 2015 ku jireen 10 ka dal ee horumarka maamul wanaagsan samaynayay, hadda, warbixinta 10 kan sanno waxay ku jiraan liiska siddeedaad iyo tobnaad dalalka maamul wanaagoodu uu hoos u sii dhacayo.
Arrinta ay warbixintu walaaca weyn ka muujisay waxay tahay amniga iyo isku xukunka sharciga oo guud ahaan qaarrada aad hoos ugu dhacay. Waxaa dalka Soomaaliya ka liita Libya iyo Central African Republic marka laga hadlayo amniga iyo isku xukunka sharciga, sidda warbixintu xustay.
Warbixinta IIAG waxay leedahay Afrika, 10kii sanno ee u dambeeyey waxaa yaraaday isku xukunka sharciga, la xisaabtanka, amniga shakhsiyeed iyo ammaanka qarran. Waxaa kordhay dambiyada, barakaca, shacabka qulqulatooyinka ku dhimanaya, iska hor imaadyada dagaallada sababaya, dadka dallalkooda ku barakacaya iyo si fudud u helida hubka yar yar iyo ka fududba, arrimahaasi oo wax u dhimaya amniga dalalka Afrika.
10 kii sanno ee u dambeeyey, marka laga hadlayo Musuqa iyo hawlaha xafiisyada dawlanimada oo dheer, warbixintu waxay sheegtay in 33 waddan ay xaaladoodu ka sii darayso halka 24 dal ay hoos u dhaaftay halkii ay maraysay 2015 kii. 70% muwaadiniinta Afrika waxay ku nool yihiin dal ay xuquuqda muwaadinka ee ka qayb galka hawlaha maamul iyo arrimaha xuquuqal-iinsaanku ay wanaagsan yihiin, Soomaaliduse halka ugu hoosaysa ayey kaga jiraan.
10 kii sanno ee u dambeeyey, dallalka Niger, Rwanda Cote D’Ivoire, Togo iyo Kenya ayaa warbixintu xustay in ay horumar ka sameeyeen dhanka abuurida deegaan nabdoon oo lagu ganacsan karo. 43 Dal oo Afrikan ah, oo ay ku nool yihiin 87% bulshada Afrika ayaa horrumar ka sameeyey horrumarinta dadka. IIAG waxay sheegtay in guud ahaan 54 dal ee Afrika ay horumar ka sameeyeen dhinaca xakamaynta dhimashada caruurta yar yar 10 kii sanno ee u dambeeyey.
10 kii sanno ee u dambeeyey, saddex meelood Laba ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku nool yihiin 67% dadka Afrika waxay ku jiraan xaalad ka sii daraysa marka laga hadlayo dhanka Xoriyadda hadalka.
Warbixintu waxay sheegtay in Soomaaliya iyo South Sudan ay yihiin labbada dal ee hab maamulkoodu ugu hooseey qaaradda, labadaas dal waxaa ku nool 2% bulshada ku nool qaaradda Afrika.
Sannadkii 2015 kii, dalalka Angola, Burundi, Chad, Congo, DRC Congo, Equatorial Guidea, Cuinea, Guinea-Bissau, Malawi, Soomaaliya, South Sudan, Sudan iyo Zimbabwe, arrinta la xisaabtanka (Accountability) iyo musuqa dawladda dhexdeeda ee ay madaxdu ku kacaan xaaladoodu way xumayd. Warbixinta IIAG ee 10 kii sanno ee u dambeeyey 11 waddan oo ka mid ah dalalkaasi ayaa horumar ka sameeyey arrintaasi.
Warbixinta IIAG waxay sheegtay in 43% dalalka Afrika ay horrumar ka samaynayaan dhanka horumarka bani’aadamka. Soomaalida iyo Koonfurta Sudan waxay liiska kaga jiraan halka u hooseysa.
Guud ahaan warbixintu waxay sheegtay in dalalka bariga Afrika oo Soomaalidu ka mid tahay hoos u dhac badan ku yimmi dhanka hab maamulka wanaagsan.
Ugu dambayntii, warbixinta oo u riyaaqday horumarka ay dhanka maamulka ka sameeyeen Rwanda iyo Ethiopia ayaa waxaa dood ka keenay ka qayb galayaashii shirka – Jendaye Frazer oo arrintaasi ka jawaabaysa ayaa sheegtay in aysan warbixintu cabirayn dhanka dimuquraadiyada balse hab maamulka dalalka ay diirrada saaraysay. Waxay sheegtay in dimuquraadiyada dal waliba dariiq gaar ah u maro.
Kaddib markii Mohammed Ibrahim uu soo afjaray warbixintiisii IIAG ayaa suaal la waydiiyay Madaxweynihii hore ee Botswana, Festus Mogae oo dooda ku jiray, habkee ayay Afrika hab maamul wanaagsan ku hir gelin kartaa. Festus Mogae, wuxuu yidhi ugu horeyn in ay la dagaalamaan Musuqa, in ay xoojiyaan la xisaabtan ka iyo in madaxda dawladda suaalo la waydiin karo, in ay daah furnaan ku shaqeeyaan iyo in ay xoojiyaan ku dhaqanka sharciga & caddaaladda.
Somaliland ahaan, warbixinaha caalamiga ah ee kuwan oo kale ah waa kuwo aynu ka faa’iidaysan karno, si horumarka dalka iyo dadkaba kor loogu sii qaado.