Araweelo News Network
wiilafrikan-ah

Wiil Afrikaan ah oo da’da labaataneeyaha ku jira, ayaa noqday qofkii ugu da’da yaraa ee loo doorto gole degaan oo Maraykan ah, gaar ahaan Golaha Degaanka Inkster oo ka tirsan Gobolka Michigan.
Wiilkan yar iyo lix xubnood oo kale ayaa loo dhaariyey kuraasta golaha degaanka bishan gudaheeda. Degaanka Inkster waxa ugu badan dad Afrikaan ah, waxana ku dhaqan bulsho tiradoodu dhan tahay 25,000 qof.
Mr. Jewell Jones waxa uu golaha degaanka ugu jiraa degmada 11aad ee magaaladaas, waxa kaloo uu ku mashquulsan yahay waxbarasho uu ka dhigto Jaamacadda University of Michigan-Dearborn.
“Waxa aannu ku guulaysanay doorashada- aniga iyo adinkuba waxaan samaynay taariikh, mar labaad waxa aan ku faraxsanahay inaan idiin adeego,” ayuu ku qoray boogga uu twitter ku leeyahay, kaasoo uu ku muujiyey farxadiisa. Waxa uu Jewel helay 22,574 cod oo uu kaga guulaystay xubin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga oo la yidhaa Robert Pope oo helay cod dhan 11,563 (kow iyo toban kun, shan boqol, saddex iyo lixdan cod).