Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa tababar usoo xidhay 1,000 Macallin oo ka mid ah Barayaasha ka hawl-gala Maddarasadaha lagu barto Qur’aanka Kariimka ah ee dalka.

Munaasibad loo qabtay Macalimiinta markii ay dhamysteen Tababarkaa oo lagu qabtay xarunta Wasaaaradda, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Aadan Cabdullaahi Cabdalla, saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo Culmo kale.

Tababarka oo mudadii uu socday ay bixinaysay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, waxay Macallimiintu ku qaateen casharro ku saabsan qaabka ay Ardayda ugu gudbinayaan Manhajka cusub ee Wasaaraddu u diyaarisay Madarasadaha lagu barto  Qur’aanka Kariim ah iyo Tarbiyadda Ubadka.

Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaa 20-kii July ee sannadkan 2020, waxay soo bandhigtay Manhaj loogu talo-galay in lagu mideeyo Waxbarashadda Maddarasadaha Qur’aanka Kariimka ah, kaas oo Wasaaraddu in muddo ah ku hawlanayd diyaarintiisa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Aadan Cabdullaahi Cabdalla oo ugu horayn munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey Siyaasadda Wasaaradda ee ku wejahan midaynta Manhajka Waxbarasho ee Madarasadaha Qur’aanka iyo tayaynta macalimiinta ka hawl-gala.

“Tababarkan oo in muddo ahba socday, waxa bixinayey Maxadka tababarka Macalimiinta iyo Imaamyada Masaajiddada ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo la aasaasay sannadkan, waxaana loogu talo-galay in lagu tayeeyo macalimiinta, maamulayaasha madaarista Qur’aanka iyo Imaamyada iyo Mu’addimiintaMasaajidada, maadaama oo wasaaraddu masuul ka tahay arrimaha Diinteenna suubban.

Wasaaraddu waxay tababarkan ugu talo-gashay in macalimiinta lagu tababaro qaabka ay u dhigayaan Manhajka oo ay fekrad guud ka qaataan. Waxaanu ugu talo-galnay  in 7 Kun oo Macalin oo dalka oo dhan ah la guddoonsiiyo shahaadooyin dhammeystiran oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta, taasna waxaad ka garanaysaa muhiimadda aad leedihiin macalimiin iyo maamul ahaanba.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdulaahi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu macalimiinta iyo Ardayduba u leeyahay tababarka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee ay qaataan barayaasha ka hawl-gala Madarasadaha lagu dhigo Qur’aanka Kariimka ah.

“Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaaftu waxay Madarasadaha Qur’aanka Kariimka ah u diyaarisay Manhaj tilmaamaya sidii Ilmaha yar ee gacanta lagu hayaa u noqon lahaa mid ku bar-baara Kitaabta Allah iyo sunnihii rasuulka NNKH, isla markaana la helo macalin ku habboon oo u dhigi kara ubadkaa yar yar.

“Manhajkan oo diyaarintiisu muddo badan nagu qaadatay, waxaanu ku doonaynay inaanu ku midayno Waxbarashadda Aasaasiga ah ee malcaamadaha Qur’aanka Kariimka ah oo sidii ay hore u ahayd wax iska beddelaan si Macalinka iyo Ardayguba ay fursad u helaan oo Ardaygu uu madarasad ka soo beddelan karo, halkii uu marayayna looga bilaabi karo maadaama oo aynu haysanno manhaj midaysan,” Sidaa waxa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, Sheik Khaliil, isagoo sheegay inay wasaarad ahaan ay sii wadayaan tababarka macalimiinta Madarasadaha Qur’aanka, wuxuuna ugu baaqay macalimiinta in ay dhammaantood ka faa’idaystaan tababarrada sidan oo kale ah.

Gebo-gebadii munaasibadda, waxa uu Wasiirku guddoonsiiyay Macalimiinta shahaadooyin ka tarjumaya inay tababarka dhammaysteen, iyagoo qaatay casharro iyo duruus ay bixinayeen culimo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland.

Muuqaalkan ka Daawo munaasibnada.