Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Mon, Apr 20th, 2020

#Somaliland: Xukuumadda Go’aamo Adag Kasoo Saartay Xasaradda Deegaanka Gadhi-gaab Kasoo Cusboonaatay

 Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aammo adag kasoo saartay colaadda kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag iyo dhibaatada kusoo korodhay dadweynaha deegaankaas ku dhaqan.

Go’aanka, ayaa kusoo beegmay, kadib markii deeggaankaa maalintii dorraad ka dhacday shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana qayb ka mid ah magaalada dab la qabadsiiyay.

Wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta qaranka iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga oo maanta si wada-jir ah saxaafadda ula hadlay, ayaa digniin culus u diray bulshada ku dhaqan deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in haatan wixii ka dambeeya  xukuumaddu gudan doonto waajibka ka saaran ilaalinta nabadda iyo badqabka nafaha iyo maalka shacabka.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa shaaca ka qaaday xukuumaddu go’aan ku gaadhay inay gudato waajibka ka saaran nabadda, islamarkaana la dhaafay waan-waantii iyo sabaalihii arrinta lagu daji jirey, isagoo bulshada qaybaheeda kala duwanna ugu baaqay inay taageeraan dedaalka xukuumaddu ku jirto, waxana uu yidhi, “Waxan halkan kasoo jeedinaynaa go’aan dawladeed oo ah colaaddaas maanta Fadhi-gaab kasoo cusboonaatay waxa lagu gelayaa cudud dawladeed, masuuliyadda nabaddana xukuumaddaa qaadaysa, cid Allah iyo ciddii wax ka taraysaana haku taageerto xukuumadda dedaalkeeda, laakiin maanta cid kale oo loo dirayo oo aan xukuumadda ahayni ma jirto, haddii ay wasiirro tahay, haddii ay ciidan tahay iyo  xubno kale tahayba waxa nabaddaas tuurta u ridanaya xukuumadda, taas ayaanu cid kasta ku wargelinaynaa.”

Wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa  dhibaatada iyo colaadaha kusoo noqnoqda deegaanna ku hareeraysan Ceel-Afweyn ku tilmaamay boog ku taalla Somaliland oo aan loo dulqaadan Karin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxana uu yidhi, “Markii taladii la rogrogay Aaggaas Ceel-afweyn, iyo darar-weyne iyo Fadhi-gaab iyo inihii wax ka dhacayeen wixii dhawrkii sano ee ugu dambeeyey ka dhacayey waxa ay ku noqotay boog ku taalla Somaliland, waxana ay qarankan ku noqotay dibin-daabyo, dhimasho, magac-xumo iyo khasaare naf iyo maalba ah oo maalin walba taagan.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaas ku daray in xalka kaliya ee xukuumaddu arrintaas u haysaa tahay inay gacan adag ku qabato oo ay tallaabo ka qaato cid kasta oo colaaddaas hurinteeda lagu tuhmo, “Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, haddii ay goleyaasha qaranka tahay, haddii ay waxgaradka tahaya, haddii ay culimaa’udiinkii hore u galay tahay iyo haddii ay shacabka wanaagga jecel tahay waxanu idin deeqsiinaynaa xukuumadda in la isku barbar istaago oo aan xal kale loo haynin,” ayuu yidhi wasiir Siciid Sulub Maxamed.

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp