Araweelo News Network

Marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed

Marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed


Dubai(ANN)Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed) oo caan ka ahaa geyiga Soomaalida, ayaa goordhowayd ku geeriyooday Magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta.

Abwaanka oo muddo xaalad Caafimaad u jiifay Cusbitaal ku yaal Magaalada Dubai, waxa geeridiisa xaqiijiyay Safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Mr. Baashe Cawil Cumar oo shaaca ka qaaday in marxuum Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed) ku geeryooday magaalada Dubai, isla markaana ku dedaalayaan in meydka marxuumka maalinta Arbacada la keeno Hargeysa, si aas qaran loogu sameeyo.

Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo ka dhamaan hawl-wadeenada safaarada Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta uu tacsi u dirayo dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo ummada Somaliland iyo guud ahaan bulshada ku hadasha af-soomaaliga geerida ku timi marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed”.

Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inay bilaabeen qorshahii meydka marxuum Cali Sugule lagu keeni Hargeysa maalinta Arbacada, waxaanu, isagoo ka hadlaya geerida marxuumka yidhi,

“Inaa-lilaahi wa Inaa ilayhi raajicuun, waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan ummada Somaliland, ehelkii, iyo qaraabdii uu kabaxay marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed” oo mar dhoweyd ku geeryooday magaalada Dubai.”
“waxaan qorshaynayaa inaan maalinta Arbacada, meydka marxuumka la keeno magaalada Hargeysa, si loogu aaso. Annigoo ku hadlaya magaca safaarada Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta iyo dhamaan hawl-wadeenada waxaan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii geerida ku timi marxuum Abwaan Cali Sugule “Dun-carbeed).

Madaxweynaha JSL Md. Axmed maxamed Siilanyo ayaa horaantii bishii Oktoobar ee sannadkii hore 2015, ku booqday marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed), cusbitaalka uu ku jiray, wuxuuna waqtigaa amray in la bixiyo kharashaadka ku baxaya daaweyntiisa iyo cusbitaalka.

Inaa lilaahi wa Inaa ilayhi raajicuun.

Dhinaca kale Bahda shebekadda Araweelo News Network, waxay Bulshada Soomaalida, qoyskii iyo qaraabadii ka tacsiyaynaysaa geerida Marxuumka, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu janatul Fardawsa ka waraanbiyo inaga samir iyo Iimaan inaga siiyo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380