Araweelo News Network

Najat BelkacemParis(ANN)Haweenayda magaceedu yahay Marwo Najat Belkacem, ayaa noqotay gabadhii ugu horraysay ee muslim ah oo xil wasiirnimo ka qabata dalka Faransiiska, iyadoo loo magacaabay xilka Wasiirka Tacliinta ee dalkaas.
Dadweynaha ku dhaqan waddanka Faransiiska, ayaa muddooyinkii u dambeeyey doonayey in dalkooda laga mamnuuco dadka muslimiinta ah, gaar ahaan dadka ka soo jeeda waddanka Morooko (Morocco) ee waqooyiga Qaaradda Afrika.
Hasa yeeshee, gabadha da’da yar ee la yidhaah Najat Belkacem ayaa si toos ah ugu sheegtay dadweynaha dalkeeda in bulshooyinka muslimiinta ah yihiin dad faa’iido leh, waxtarna ka gaysan kara waddanka Faransiiska, iyadoo rumaysan in waliba xuquuqo iyo tacliin la siiyo, wax xadidayaana aanay jirin.
Gabadhan wasiirka ah oo lagu tiriyo siyaasiyiinta guusha gaadhay ee dhinaca siyaasadda ku horumaray, waxaanay ka sheekaysaa inta badan sida qofkii soo kaxeeyey u soo dhaweeyey, kaasoo sidoo kale kaxaystay qaar badan oo ka mid ah riyo amma adhi reerkoodu lahaa, dad badana u malaynaayeen inuu adoon ahaan u kaxaystay amma in ay guriga uga shaqayso.
Taariikhda gabadhan da’da yar ee wasiirka ah
Gabadha la yidhaah Najat Vallaud-Belkacem waxa ay dhalatay 4 October 1977, waqtigana waa siyaasiyad Faransiis ah, waxaanay 25 August 2014 noqotay gabadhii ugu horraysay ee loo magacaabo Wasiirka Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Cilmi-baadhista ee dalka Faransiiska.
Tariikhdeedii hore ee ay soo martay waxay ahayd mid aad u cajiib ah, waxay hore u ahaan jirtay Wasiirka Arrimaha Haweenka oo ay xilkaas haysay intii u dhaxaysay 16 May 2012 ilaa 25 August 2014, Wasiirka Arrimaha Caasimadda, halka ay sidoo kale noqotay Wasiirka Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo waliba Afhayeen xukuumadda Faransiiska ah.
Hadda, waxa ay wada joogaan saygeedii labaad, waxaanay leedahay toddoba carruur ah. Asal ahaan Najat Belkacem waxa ay ku dhalatay baadiyaha dalka Morocco ee Qaaradda Afrika sannadkii 1977kii, gaar ahaan meel la yidhaa Bni Chiker oo ka tirsan tuulada Nador ee Gobolka Rif. Waalidka qoyskeedu ka soo tafiirmeen waxay haysteen dhalasho Spanish iyo Algeria ah, qoys aad loo ixtiraamana way ka soo jeeday.

Sannadkii 1982kii waxa ay u tagtay qoyskeeda oo ganacsi ay leeyihiin abuurtay iyo waliba hooyadeed iyo walaasheeda ka weyn ee Fatiha oo ku barbaaray duleedka tuulada Ameins. Qoyska soo korsaday waxa ay ku dareen dugsiga amma mac-hadka Institute d’études politiques de Paris (Paris Institute of the Political Studies) oo ah mac-had lagu barto siyaasadda oo ay gashay sannadkii 2002. Waxa ay mac-hadkaas kula kulantay Boris Vallaud oo ay is guursadeen 25 August 2005kii.
Dedaalka tacliinta iyo halganka ay gashay, kadib waxa ay ku biirtay sannadkii 2002 Xisbiga Socialist Party iyo koox la yidhaah Lyon oo uu maayir la yidhaa Gerard Collombo hoggaaminayey 2003, kuwaasoo hormood ka ahaa tallaabooyin lagu xoojinayo dimuqraadiyadda gudaha, laguna dagaalamayey midab-takoorka, korna loogu qaadayey xuquuqda muwaadiniinta iyo in ay shaqooyin iyo guryo helaan.
Markii la doortay Golaha Gobolka Rhone-Alpes ee dalka Faransiiska sannadkii 2004, waxa ay hoggaamiye u ahayd Guddida Dhaqanka oo ay iska casishay sannadkii 2008, halka ay sidoo kale 2005 noqotay La-taliyaha Gaarka ah ee Xisbiga Shuuciga (Socialist Party). Sannadihii 2005 iyo 2006 waxay qoraallo ku qori jirtay barnaamij la odhan jiray programme C’est tout vu on Télé Lyon oo laga hadli jiray arrimaha golaha degaanka.
Taariikhda cajiibka ah iyo horumarkaas ay samaysay waxa u dheeraa in sannadkii 2007 ay ku biirtay ololihii Royal Campaign la odhan jiray, iyadoo afhayeenba u ahayd, waxaanay halkaas ka gashay jaran jarada in ay Golaha Wasiirrada muddooyin aad u badan ka mid noqoto.
Asal ahaan nolosheedu waxay ka soo bilaabantay raacista adhi oo ay ku raaci jirtay baadiyaha dalka Morocco oo Faransiisku guumaystay, iyadoo aakhirkiina noqotay wasiirrada ugu awoodda badan Faransiiska, waxa lagu tilmaamaa amma ay iyadu isku tilmaantaa in aanay cibaada Islaamka gudan, balse ay Muslim tahay. Dhammaad.
W/T: Ibraahim Khadar
xiggasho: Jamhuuriya.