Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Af-hayeenka cusub ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa si rasmi ah xilkii ugala wareegay af-hayeenkii hore ee Madaxtooyadda, Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr), waxaana xilkaas u kala wareejisay agaasimaha guud ee madaxtooyadda, marwo Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh).

Munaasibadda xil-wareejinta labada masuul oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyadda maanta, ayaa waxa ka qaybgalay agaasimaha guud ee madaxtooyadda, Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh), dhammaanba Agaasime waaxeedyada, madax-qaybeedyada madaxtooyada, af-hayeennada xilka la kala wareegay, shaqaale weynaha Madaxtooyadda iyo marti-sharaf kale, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo lagu sagootinayo af-hayeenkii hore, isla markaana lagu bogaadinayo waxyaabihii uu qabtay, laguna soo dhaweynayo af-hayeenka cusub ee madaxweynaha, mudane Maxamuud Warsame Jaamac.

Afhayeenka Madaxtooyadda Maxamuud Warsame Jaamac

Ugu horrayn agaasimaha waaxda saxaafadda ee Madaxtooyadda, Mudane Naasir Yuusuf Daahir oo halkaa ka hadlay, ayaa ku dheeraaday guud ahaanba xafiiska warbaahinta madaxtooyada iyo wada-shaqaynta xafiiskani la leeyahay af-hayeenka oo bah-wadaag yihiin, waxaana uu af-hayeenka xilka wareejinaya ku sifeeyey shakhsi hawlkar ah oo shaqo-wanaag, hufnaan karti badan lahaa.

Agaasimaha waaxda saxaafadda ee madaxtooyada, Mudane Naasir Yuusuf Daahir

Af-hayeenkii hore ee madaxtooyada Mudane, Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo madasha xil-wareejinta hadal uu ku hogo-tusaalaynayo sirta ku duugan xilalka qaranka ee cugashadooda loo kala dambaynayo goobta ka jeediyey, ayaa si mug leh u bogaadiyey madaxweynaha qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu sheegay inuu taageeradiisa la garab geli doono, waxaana uu yidhi, “Hadafka iyo himilooyinka siyaasiga ah ee aniga I hayaa kuma salaysna kursi-doon iyo kala jeclaysi xilalka qaranka aan ku kala xulanayo, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na isaga ayaa xaq distoori ah u leh inuu xilalka fulinta ee qarankeena uu qof u magacaabo, ama ka beddelo, xilka Af-hayeenka ee uu madaxweynuhu iga wareejiyeyna ma aha mid igu beertay xumaan ama madaxweynaha iga fogayn karta, madaxweynaha si dhaw baanu usoo wada-shaqaynay muddadii uu tartanka doorashooyinka ku jirey, guushiisuna waa guushayda, waxaana aan ballan qaadayaa in aan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiga KULMIYE si buuxda oo aan hagrasho lahayn ula shaqayn doono.”

Af-hayeenka cusub ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha xilka cusub ee uu u garty, waxaana uu sheegay inuu muhiimad gaar ah siin doono sidii uu xilkaas ugu gudan lahaa hab milge iyo maamuus leh, isla markaana uga soo dhalaali lahaa, una yeelan lahaa samirka iyo dulqaadka looga baahan yahay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xilka af-hayeenka madaxweynuhu waa masuuliyad weyn, waa afkii madaxweynaha qaranka, waa hagaha baahiya awaamiirta madaxweynaha, waa meel iyo mansab ay u dheg-taagayaan umaddii qasriga laga maamulayey ee indhahoodu ay halkan (madaxtooyada) soo eegayeen, in aan xilkan qabto aad baan ugu faraxsanahay, xilalka qarankana kuma cusbi, xilalka qaranku mar waa xil qaran, marna waa meesi lagu metello meel kaliya, kan aan maanta la wareegayaana waa mid mug iyo miisaan leh, aniga oo ka duulaya mudnaanta iyo miisaanka uu leeyahay, waxaan muujin doonaa masuuliyadda, maamuuska iyo milgaha uu xilkani mudan yahay, waana xil xeelad, xurmo iyo xasaanad weyn huwan, aniga oo taas hammiga ku hayana waxaan ku hagi doonaa hufnaan, hubsiimo iyo hawl-qabad.”

Agaasimaha guud ee madaxtooyada, Marwo Khadra Xaaji Geydh, ayaa iyaduna bogaadisay af-hayeenka xilka banneeyey, waxaana ay soo dhaweysay af-hayeenka cusub ee madaxweynaha oo ay sheegtay inay diyaar ula tahay wada-shaqayn wanaagsan, “Af-hayeen Xuseen waxan leeyahay waad ku mahadsan tahay sidii wanaagsanayd ee aynu usoo wada-shaqaynay, dadkuna marka ay wada-shaqeeyaan dadka kale way iska xigaan oo ay iskaga aqoon badan yihiin, marnaba maynaan kala tegin oo kala tegi mayno, si fiicanna waanu kuu sagootinaynaa, Af-hayeenka cusubna waxaan leeyahay, waanu kula shaqayn doonaa, waaxda saxaafadduna waa waax habeen iyo maalinba shaqaysa,” ayey tidhi marwo Khadar Xaaji Gaydh.

Wa-bilaahi Tawfiiq