Hargeysa(ANN)-Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland, Axned Xasan Carwo, ayaa sheegay in aanay Baan aahaan awoodin inay wax ka qabtaan dadka weli qiimaha 10,000 sh/sl ku sarifaya dollarka marka laga iibsanayo baddeecadaha.

Agaasimaha, ayaa sheegay inay wax baddan la taacaaleen in hoos loo dhigo qiimaha sarifka dollarka, balse waxa uu sheegay in mushkiladaha qiimaha badeecadaha ee aanay waxba iska bedelin waxba ka qaban karin.

Axmed Xasan Carwo, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay maanta Tafaftiraha Telefishanka Badacas24 oo ka mid ah Telefushanada ka hawlgala Somaliland.

Warasigaa halkan ka Daawo.