Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Xarakada  Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, ayaa beenisay Warar kasoo yeedhay saraakiisha Milaterriga ee Soomaaliya oo sheegayay in uu dhintay Hoggaamiyihii Al-shabaab Axmed Diiriye Abu Cubayda.

Sarkaalka Warkaa baahiyay oo ah Gaashaanle Sare Ismaaciil Sheekh Isxaaq oo u warramay idaacadda ku hadasha codka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Abu Cubayda uu ku dhintay degaanka Jubbada Dhexe.

Hase yeeshee mid ka mid ah shabakadaha internet-ka ee taageera Al-Shabab oo sheegtay inay la xidhiidhay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku tilmaamay hadalkaasi mid aan sal iyo raad toona alahayn, wuxuuna ku eedeeyey mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya inay warkan ay ku daboolayaan heshiiskii ay la galeen Ethiopia, sida uu hadalka u dhigay.

“Warka kasoo yeedhay kooxda Farmaajo ee ku aaddan in uu geeriyooday Sheekh Abu Cubayda ama uu xanuunsan yahay waa waxba kama jiraan, waxaa looga danleeyahay in lagu daboolo khiyaanadii ay dhowwaan ku kacday kooxda ridada ah ee uu Farmaajo hogaamiyo markii afar kamid ah dekedaha dadka Soomaaliyeed ay ku wareejisay dowladda cadowga ah ee Ethiopia Waxay doonayaan in ay bulshada Soomaaliyeed ka mashquuliyaan sida ay uga dhiidhiyeen khiyaamada ay galeen” sidaa waxaa yidhi mas’uul ka tirsan Xarakada  Al-Shabaab oo u waramay shabakada SomaliMeMo.

“Sheekh Abu Cubayda wuu noolyahay, wuuna caafimaad qabaa, waqtigii uu Allaah u qoray ayuuna dhiman doonaa, inta ka horeysana wuxuu cadowga Allaah ka hortaagnaan doonaa inay ajandayaashooda gurracan ka hirgeliyaan dhulka Soomaaliyeed ee Muslimka ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkan katirsan Al Shabaab.

 

Dhinaca kale wararka ku saabsan caafimaad darrada Abu Cubayda ayaa beryahan la isla dhexmarayey, balse ilaa hada ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya dhimashada ama caafimaad darrada la sheegay inay lasoo deristay hoggaamiyaha Al-Shabab.