alshabaab1Somalia: Janaale(ANN) Xarakada Al-shabaab eek a dagaalanta Somalia, ayaa shacisay inay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah Askarta Ciidanka Uganda ee AMISOM, kuwaas oo ay sheegeen in lagu qabtay weerarkii Todobaadkii hore ay ku qaadeen xero ku taal Janaale oo khasaare ba’an loogu geystay ciidanka Uganda.

Sidaana waxa shaaciyay Afhayeenka Al-shabaab ee arrimaha ciidanka Sh. Cabdicasiis Abu Muscab oo Qoraal uu ku saxeexanyahay lagu baahiyay Idaacada Isaamiga ah ee Andalus ayaa sidoo kale lagu sheegay in askartu ay caafimaad qabaan, Islamarkaana ay ku jiraan xabsi ay leeyihiin Al-shabaab.

Al-shabaab ma sheegin tirada Ciidamada AMISOM ee Uganda ay maxaabiis uga qabteen, balse waxa lagu xusay warkaa in magacyada maxaabiista iyo tafaasiishooda dib laga soo sheegayo.

Xarakada AlShabaab ayaa todobaadkii hore weerar ku qaaday xerada ciidamada Uganda ee Janaale, waxayna sheegeen inay ku dileen ku dhowaad 60 askari, isla markaana ay qabteen maxaabiis aanay tiradooda sheegin oo ay ka kaxaysteen halkaa, iyagoo sidoo kale hubkii iyo saanadii ciidanka ka rartay halkaa. Laakiin Uganda ayaa beenisay in laga dilay askarteed tirada intaa leeg, isla markaana waxay meesha ka saareen in laga qabtay maxaabiis, waxayna qirteen 12 ka mid ah askartooda oo maydadkooda loo qaaday dhinaca Uganda.
Laakiin warar madaxbanaan oo ka waramay dhacdadaa ayaa sheegay in ugu yaraan 50 ka mid ahaa Askarta Uganda lagaga dilay xerada weerarku ka dhacay. Kadib markii ay ku waaberiisteen halkaa koox ay Al-shabaab sheegtay in loogu magacdaray Amiirkii hore Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Abu Zubeyr, iyadoo weerarkaa lagu beegay sanad guuradii kasoo wareegtay weerarkii maraykanku ku khaarajiyay ee sababay geeridiisa, kadib markii gaadhi ay saarnaayeen Abu Zubayr iyo saraakiil kale la beegsaday gantaal deegaanka Koonfurta Somalia.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews