Araweelo News Network


Muqdisho (ANN)- Xarakada Al- Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qarax khasaare dhaliyay oo maanta gelinkii dambe ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia waxyar kadib markii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay liiska golaha Wasiiradda Xukuumadiisa.

Al -Shabaab waxay sheegtay in weerarka uu fuliyay dagaal yahan naftii hure ah oo ka tirsan ciidankooda, isla markaana lagu dilay ku dhawaad 20 ka mid ah Askarta dawladda Federaalka, kuwaas oo sida ay sheegeen xilligaa ku sugnaa goob ay ku lahaayeen kulan oo aan ka fogayn xarunta dhismaha Tiyaatarka.

Sidoo kale Al-shabaab, waxay sheegtay in saraakiil ka tirsan Nabad sugidda Dowlada Federaalka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxii maanta ay la beegsadeen goobtaa, waxayna ku hanjabeen in ay sii wadayaan weerarada ka dhanka ah Askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ee la shaqeeya ciidamada shisheeye ee AMISOM.