Araweelo News Network

Ceerigaabo(ANN)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad aad u qiimo badan oo shacabku u riyaaqeen u jeediyey kumaan kun qof oo taageerayaal isugu soo baxay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag maanta oo ay ku beegnayd maalinta lixaad ee ololaha doorashada xisbiga ee ka socota waddanka.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay in tartanka doorashada ee xisbiga KULMIYE aanay ujeeddadiisu ahayn inuu ku guulaysto kursiga madaxtinimada dalka, balse ay tahay midaynta ummada reer Somaliland iyo sidii looga midho-dhalin lahaa qaddiyadda madaxbannaanida qaranka.

Md. Biixi Biixi waxa kale oo uu sheegay in uu si gaar ah miisaanka u saari doono horumarinta iyo midaynta bulshada gobolada Sool iyo Sanaag bari, haddii uu ku guulaysto talada dalka, iyo sidii loo sugi lahaa dhamaan xuduudaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in uu murrashax ahaan dhex u yahay deegaanka reer Sanaag.

Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Doorasho ayeynu gelaynaa bishan 13-keeda, waxyaabaha aynu doorashada u galayno waxa kow ka ah in aynu Somaliland midayno oo wixii aan calooshoodu isu furnayn aynu qalbigooda isu furno oo dalku noqdo mid keliya oo midaysan oo wax wada qabsada.

Anigu murrashax ahaan waxaan miisaanka si gaar ah u saarayaa gobollada Sool iyo Sanaag bari oo muddo 28 sannadood ah aanay wali calooshooda iyo qalbiyadoodu aad ugu furnayn badhkood, qaarna ay wali ka walaacsan yihiin oo ay u qabaan dawlad ay cid gaar ahi dhisatay oo looga horreeyay, waxaannu doonaynaa inay ka mid noqdaan oo taladooda, cududooda iyo caqligoodaba ku soo biiriyaan.”

Guddoomiyaha KULMIYE isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey, “Hawlahaas dawladdaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa bilawday, shirar waawayn ayaa laga galay, shirkii Awr-boogays ayaa ka mid ahaa, kii u dambeeyayna waxa uu ahaa kii Cali Khaliif Galaydh kaga mid noqday Somaliland, sababta oo ah Somaliland jirimayso oo Somaliland ay ka maqanyihiin ama ay ka cago-jiidayaan Sool iyo Sanaag bari ma soconayso, haddii aanay qalbiga u furin, haddii aanay ka hawlgalin, haddii aanay ku qancin dastuurka, haddaanay ku qancin waxa la qabanayo, Somaliland wax baa ka maqan, taas ayaanu aaminsanahay haddaanu KULMIYE nahay, taas ayey xukuumadda Axmed Siilaanyo ka hawlgashay, taas ayaanu sii hirgelinaynaa haddii Ilaahay yidhaahdo.”

Waxa kaloo uu baaq u jeediyay bulshada ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag bari, waxaanu yidhi “Bulshada reer Sool iyo Sanaag bari waxaan leeyahay Soomaali idinkaa ugu badan, Soomaali idinkaa ugu qabwayn, taariikh ahaan dadkii talo-qabeenka ahaa ayaad ahaydeen, intaas oo dhanna Somaliland way u baahan tahay oo waanu idinku rabnaa, waxaannuna doonaynaa in aad kaalintiinii soo gashaan, wax alla iyo wixii ay ku xidhan tahay ee arrintaa lagu helayana KULMIYE ahaan intii horena waanu qabanay wixii dambena diyaar baanu u nahay.”

“Walaalayaal haddaad reer Sanaag tihiin, waxaad tihiin Ceerigaabo magaalo wayn oo taariikhi ah oo dad badani ku dhaqan yihiin, anigu murrashax ahaan haddii aan doorashada ku soo baxo reer Sanaag dhex baan u ahay oo qof ahaan reer Sanaag wax aannu isku riix-riixaynaa ma jirto, sababtoo ah dadka wada degaa inta badan wax bay kala sheegtaan oo wax bay isku riix-riixaan, markaa reer Sanaagow dhex baan idiin ahay, haddii aan cid u dhago nuglaanayana Sool iyo Sanaag bari ayaan u dhago-nuglaanayaa, waxaan arrintaa ugu dheeraaday wax innaga maqnaa 25 sannadood oo aynu doonayno in aynu dhammaystirno oo hadda bilow ahi waa arrintaa nabadgelyada iyo in aynu soo xidhno xadkeena” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo uu ka hadlay qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida uu xidhiidh waxtar leh u dhexmari karo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, isagoo xusay inuu ka mid yahay dadka aad ka ugu dheggan qaddiyada Somaliland, balse taas macnaheedu aannu ahayn inuu neceb yahay Soomaali, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu “Dad badan baa u haysta in raggii SNM ahaa ay neceb yihiin Soomaali, dadka ku dheggan qaddiyadda Somaliland ayaan ka mid ahay, taas macnaheeduna maaha in aan necebahay Soomaali, waanu ku faanaynaa, Soomaali baynu nahay, walaalo ayeynu nahay, shalay baynu midownay, dad baynu isu xignaa, dhibaatadooduna way ina dhibaysaa, laakiin waxaannu leenahay, hadday innaga duntay dawladdii aynu ku midawnay, hadday hirgeliwayday oo aynu is qabanwaynay, haddaad maanta soddon sannadood dhibaato ku jirtaan, walaalayaal waxaynu Soomaali ku dhisaynaa oo aynu wax ku qabsan karaynaa in labadii Soomaaliyeed ee midoobay mid walba gaarkeeda loo soo dhiso, siddeed iyo labaatankaa sannadood ba waxaannu lahayn, waar Soomaaliya midi way duntaye Soomaali midba gaarkeeda ha loo dhiso, markaas ayey qabsoomayaan oo ay wax istarayaane. Waynu u ducaynaynaa Soomaaliya, dhibaatada lama jeclin, waxa ku dhacay waanu ka xunahay, laakiin sidan aynu nahay waxba isma tari karno, Soomaaliya waxaynu wax u tari karaynaa Somaliland oo noqota dawlad xor ah oo caalamku aqoonsanyahay, markaas ayeynu u gurman karnaa oo aynu ceelka ka soo saari karnaa.”

Dhinaca kale, Murrashax Muuse Biixi waxa uu faahfaahiyay mashaariicda horumarineed ee ay xukuumadda KULMIYE ka fulisay gobolka Sanaag, “Xukuumadda KULMIYE ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sagaal iyo siddeetan mashruuc ayey ka fulisay gobolka Sanaag iyo Badhan, waa sagaal iyo siddeetan mashruuc, way qoran yihiin, waddada Ceerigaabo ayaa ugu wayn, cusbitaalka Ceerigaabo ayaa ka mid ah, toddobaatan iyo toddoba iskuul oo hoose/dhexe iyo sare ah ayaa ku xiga, maantana cusbitaalkii waynaa ee Ceerigaabo ayaa la furayaa, lix riig ayaa laga qoday iyo baraago, qorshahaasi ayaanu haynaa oo noo socda, waanu garanaynaa oo wixii khaldamayna waanu saxaynaa, qorshayaal cusubna waanu u haynaa Sanaag iyo dalka oo dhan, KULMIYE wuxuu codkiina ku doonayaa waxqabadkaa iyo qorshahaa soo socda iyo waayo-aragnimadaa, kuma doonayo malo-awaal iyo qabiil baan ahaye maanta ha la i siiyo, qabiil iyo reer ma hoggaamin karo dawlad, Somaliland oo isu dhan ayaa lagu socon karaa, KULMIYE-na taas ayuu higsanayaa,” ayuu yidhi.

Ugu dambayntii, Murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in ujeeddada uu u doonayo inuu madaxtinimadu aanay ahayn inuu helo ama ku guulaysto kursiga madaxweynaha oo keliya, balse ahmiyaddiisa ugu wayni ay tahay inuu qaddiyadda Somaliland gaadhsiiyo halka ay higsanayso, waxaannu yidhi “Xisbiga KULMIYE ugama jeedno kursi ku gaadh, anigu murrashax uma ihi inaan kursi helo, waxaan u socdaa qadiyaddii Somaliland ee aan intaa u soo joogay halkii ay higsanaysay in ay gaaadho, Soomaalida kalena ay wax u tarto, caalamkana ay wax u tarto, gobolka iyo mandaqadana wax ka tarto, ma doonayo meel yar oo soke walaalayaal, maaha maanta kursiga ku gaadh, waxaannu doonaynaa inuu noqdo sida xisbiyada caalamka oo kale ee labada boqol ee sanno jira ee la iska dhaxlo ee qaranka horumarka u horseeda ayaanu doonaynaa. Waxaan ku soo gabagabaynayaa, reer Sanaagow waxaannu maanta idinka codsanaynaa codkiina annaga oo wixii aannu qabanay wax ku doonayna oo qorshahayaga wax ku doonayna oo aragtidaa aannu idiin sheegnay wax ku doonayna.”