Araweelo News Network.

 

Dubai(ANN)-Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ka hadlay geerida Allah haw naxariistee Siyaaasi Cumar Carte Qaalib iyo Aqoonyahan halgamaa Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo ku kala geeriyooday Dalka Turkiga  iyo Somaliland 18 November 2020,  iyadoo Marxuum Cumar Carte oo Hargeysa ku geeriyooday19 November 2020 loo sameeyay aas qaran.

Dhanbaalka Tacsida ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo kaga hadlay labada maruum, waxay qoyskiisa iyo dhamaan caruurtiisu tacsi u dirayaan waxgaradka, waayeelka, qoysaskii, eheladii, qaraabadii, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland geeerida ku timi labada marxuum Allaha u naxariistee Cumar Carte Qaalib iyo  Dr Adan Yuusuf Abokor oo ku kala geeriyooday maanta (shalay) 18 Nov, 2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa & Dalka Turkiga.

Axmed Siilaanyo ayaa ku sifeeyey marxuum Cumar Carte siyaasi taariikh ku leh dadka af Soomaaliga ku hadla, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii hore Soomaaliya, sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay nabadeyntii iyo dib-u-dhiskii Somaliland. Sidoo kale Marxuum Dr Adan ayuu ku tilmaamay aqoonyahan noloshiisii hore ugu huray wax-u-qabadka bulshadiisa, uguna mutay xabsi darteed laga soo bilaabo xilligii xukuumadihii hore Soomaaliya, ka dibna u guntaday dib-u-dhiska iyo nabadeyntiisa dalka iyo dadka Somaliland.

Waxuuna labada marxuum Allah SW  uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, caruurtoodii, qoysaskoodii, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo, aamiin. Aamiin. Aamiin. Aamiin.