Mr. Donald TrumpBaarlamaanka Britain Oo La Filayo inuu ka Doodo in Xayiraad La Saaro Socdaalka Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka Booqashadiisa Ku Waajahan London
London (ANN) Muwaaddiniin u dhashay Boqortooyada UK oo tiradoodu kor u dhaaftay 200,000 qof (laba boqol oo kun), ayaa saxeexay codsi ay ku dalbanayaan in msharaxa Xisbiga Jamhuuriga (Republican Party) ee dalka Maraykanka Mr. Donald Trump laga mamnuuco inuu wax safar ah ku yimaado gudaha dalka Ingiriiska, codsigaas oo sida sharcigu dhigayo lagaga doodi doono Baarlamaanka Ingiriiska.
Shuruucda dalka Ingiriiska ayaa waajibinaya in Baarlamaanku ka doodo codsi ama dalab (Petition) ay saxeexeen muwaaddin gaadhaya 100 kun oo qof, balse, dad tiradoodu ka baddan tahay Afar boqol iyo Konton kun (450,000) ayaa hadda saxeexay codsigan oo ah in siyaasiga Maraykanka ah laga joojiyo inuu wax safar ah ku tago Ingiriiska, kaas oo lagu eedeeyey inuu ku kacay hadalo isir-nacayb ah, kadib markii uu soo jeediyey in dadka muslimiinta ah loo diido inay galaan dalka Maraykanka, arrintaas oo si weyn looga cambaareeyey meelo baddan oo caalamka ah, balse waxa jira dad baddan oo gudaha Maraykanka soo dhoweeyay hadalka Mr. Donald trump oo ah maalqabeen ganacsi kala duwan ku leh meelo baddan oo dunida ah.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka, ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan xaafado ku yaal magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay ku nool yihiin muslimiin xag-jir ah, degaannadaas oo uu xusay in aanay ciidanka boolisku mari karin cabsi darteed, balse maayirka caasimadda Ingiriiska ee London, ayaa arrintaas beeniyey, kuna tilmaamay hadal aan run ahayn.
Hasayeeshee, sida lagu baahiyey wargeyska Dailymail ee ka soo baxa Ingiriiska oo soo xigtay xalay, saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska, ayaa taageeray hadalka ka soo baxay siyaasiga caddaadiska xoogan saaran yahay ee Maraykanka, kuwaas oo qiray inay jiraan xaafado ku yaal magaalada London oo aanay cabsi darteed u mari karin.
“Waxa jira meelo ay dadka muslimiinta ah ku nool yihiin xaafadda Preston ee magaalada London oo aannu cabsi u mari kari wayno, meelahaas oo haddii aanu doono in aannu roondo ku marno aannu codsi fasax weydiisano hoggaamiyeyaasha muslimiinta.” Sidaa waxa yidhi saraal boolis ah oo magaciisa qariyey.
Waxa kaloo saraakiisha Boolisku tilmaameen inay dirayska iska bixiyaan si aanay dhibaato ula kulmin marka ay marayaan xaafadaha muslimiintu ku badan yihiin ee magaalada London, mar kastana khatar ugu jiraan in lagu weeraro meelaha khatarta ah, waxayna xuseen inay adagtahay in si dhibyar Boolisku ku tago degaanno ku yaal London.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380