Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Guddi Ka tirsan xildhibaanada Soomaaliya oo Golaha Baarlamaanku  u saaray  13-kii September 2017 Inay soo baadhaataan Qaraarkii Golaha Wasiirada ee 6-dii September 2017 dalka Ethiopia loogu  dhiibay Cabdikariim Qalbi dhagax oo ku eedaysnaa inuu Ka mid yahay Jabhada ONLF, ayaa soo saaray warbixinooda wixii uga soo baxay baadhistaa.

Guddida oo ka koobnaa 15 xubnood, ayaa maanta 18/11/17 Baarlamaanka dawladda Federaalka ah dib ugu soo celiyay natiijadii baadhistooda, taas oo nuxurka ay soo gudbiyen ahaa sidan:-

1. In dhiibista Qalbi-dhagax aan loo marin hab sharci ah, lagana tala galin hey’addaha garsoorka, taas darteed ay sharci-darro aheyd.

2.In Kiiska ay maareysay Hey’adda nabadsugidda (NISA), laguna saleeyey dhiibistiisa Qalbi-dhagax go’aan ku dhisan xog aan sugnayn oo la siiyey madaxda qaranka. halkaana waxaa ku cad in madaxda dalku ay go’aanka dhiibista lahaayeen, Hey’adda NISA-na xogta ay laheyd.

3. Ururka ONLF aanu ku jirin kooxaha caalamku u yaqaan argagixisada, taas awgeedna aanu ahayn koox argagixiso ah.

Guddida, ayaa wax kama jiraan ka dhigay dhammaan qodobadii go’aankii shirka golaha wasiirada ee dhacay 06-dii September 2017 ee la xidhiidhay dhiibistii Qalbi-dhagax Iyo Sidoo kale heshiisyadii  ay cuskadeen iyo ku tilmaamidii ONLF in ay tahay argagixiso. Sida ay Guddidu Baarlamaanka ka sheegtay.