Araweelo News Network

baarlamaankajarmalkaBarlamaanka dalka Jarmalka, ayaa ku eedeeyey hoggaamiyayaasha qaaradda Afrika in sannad kasta ay musuqmaasuq ku lunsadaan lacag dhan $50 bilyan oo doollar.
Sida uu sheegay Mr. Andres Lammei oo ah ka mid ah Barlamaanka Jarmalka, shirgudoonna u ah guddi baarlamaanka Federaalka ee Jarmalku u diray Afrika si ay daraasad ugu soo sameeyaan, ayaa sheegay sharci-dejinta Nayjeeriya iyo dalalka kale ee Afrika aanay ixtiraam ka helin xukuumadahooda amma waaxda fulinta (Executive).
Mr. Andres oo ka tirsan guddida la yidhaa CDU/CSU (Working Group on Afrika of the CDU/CSU0, ayaa war-murtiyeed uu soo saaray mar uu la hadlayey xildhibaanno laga soo doorto gobollo Jarmalka ah iyo xubno Barlamaanka Nayjeeriya ka tirsan Axaddii toddobaadkan, waxa uu ku sheegay in musuqmaasuq badan ka jiro dalalka Afrika.
Hadalkan waxa uu si toos ah ugu yidhi waqti weftigu ku sugnaayeen xarunta Barlamaanka Jarmalka ee Bundestag oo ku taal magaalada Berlin. Waxa uu caddeeyey inuu ogaaday in lacag dhan ilaa $50 bilyan oo doollar laga xaddo qasnadaha dawladaha Afrika sannad kasta, taasina ay keento in horumarka dalalkaas ay dib u dhacaan.
Xildhibaankan ayaa tibaaxay in aannu ka cadhaysniinayn xubnaha goleyaasha sharci-dejinta ee Afrika uga yimmi, balse uu u sheegayo in safaarado badan oo dalalka Afrikaanku ku leeyihiin dalkiisa aanay waxba ku soo kordhin Jarmalka, gaar ahaan inay aragti qurux badan ka bixiyaan qaaradda dadka madow, taasina keentay in koox uu ka tirsan yahay loo xilsaaro in ay baadhitaan ku sameeyaan, isagoo kaashanaya urur la yidhaa Konrad Adnauer Stifund oo xafiis ku leh dalka Nayjeeriya ee galbeedka Afrika.
“Nayjeeriya sannadka soo socda waxay noo tahay jid. Waxa aannu booqan doonaa Barlamaanka, sida la ogyahayna Barlamaanka Afrika aad uma fiicna; si fiican uma qalabaysna, xuquuqdooda lama ixtiraamo. Xaqiiqdii waxa dhib ka haysata in ay awood yeeshaan, xukuumadda la xisaabtamaan si arrimaha maaliyadeed aanay u musuqmaasuqin. Adduunka cidna ma jecla in Barlamaanka laga shaqaysiiyo. Dhab ahaantii kama hinaasisiinayo Barlamaanka Afrika si ay arrimaha xukuumadda u qabtaan, nasiib darrose safiirrada Afrikaanka ee Jarmalka jooga nagama caawiyaan fahamka qaaradda, inkastoo qaar badan oo ka mid ah firfricoon yihiin. Nama soo booqdaan Barlamaan ahaan, laakiin si fiican uma shaqeeyaan,” ayuu yidhi Andres.
Waxa uu intaa ku daray in kooxda uu hoggaaminayey ogaadeen in musuqmaasuqu yahay waxa ragaadiyey horumarka meelo badan oo Afrika ah, “Sannad kasta waxa la lunsadaa $50 bilyan dalka Nijeeriya iyo Afrikada kaleba. Waxa su’aashu tahay intee in le’eg bay Afrika heshaa caawimo horumarinta ah? Hoggaamiyayaal iyo siyaasiyiin badan oo Afrikaan ah waxa ay maalgashadaan dalal kale.”
“Dalka Jarmalka musuqmaasuqu waa sharci-darro. 95% ganacsiyaga wax yar buu ka bilaabmay iyo meel dhexe. Qoysaska waxa loo oggolyahay in ay maalgashadaan meel ay ka jirto sugnaan sharci iyo aaminaad,” ayuu yidhi xildhibaanka Jarmalka ah.