Araweelo News Network
wefdigawasiirkamadaxtooyadaeexuddun
Xuddun (ANN)Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa si faahfaahsan uga hadlay sida ay muhiimka u tahay in xal waara la gaadho tabashooyinka ay qabaan bulshada degaannada Sool iyo bariga Sanaag, isagoo ka xog-warramay taariikhda iyo dhaqanka ka wada dhexeeya ummadda reer Somaliland.
Md. Maxamuud Xaashi oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey dhismaha mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey degmada Xuddun ee Gobolka Sool shalay, waxa uu sheegay in aanay aanay bulshada reer Somaliland ahayn reero iyo qabiilooyin is guumaysta, balse yihiin dad ay dawladnimo iyo dal dhisan ka dhexeeyo.
“Awowyaasheen isma gumaysan, aabbayaasheenna isma gumaysan, innaguna rag is gumaysan kara ma nihin, waxa aynu nahay rag wax wada leh. Halkan maanta (shalay) dawladnimo ayaannu ku maraynaa. Geeleennu Bancadde ayuu wada daaqaa, taariikhdana ma soo marin inaynu is gumaysannay, waqtiguna ma aha waqtigii. Waxa aannu wadnaa waa dawladnimo, reero is gumaysanaya ma nihin, reero-na kama soconno annagu. Maanta geelayagii waannu ka nimi, waxa aad nagu soo dhawayseenna waa dawladnimo,” ayuu yidhi Wasiirku.
Waxa kaloo uu ka hadlay gogol nabadeed oo madaxweynaha Somaliland u fidiyey waxgaradka iyo madax-dhaqameedka degaannada Sool iyo bariga Sanaag, waxaannu yidhi; “Walaalayaal, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu waxgaradka iyo qoorweynta reer Sool iyo Sanaag bari u dhigay gogol. Ma aha go’gol been ah, waa mid run ah, waxaanuna doonaynaa in aannu idin turxaan saarno, waxaannu doonaynaa in aannu tabashadiinna bi’ino, waxaannu doonaynaa inaynu qaranka wada qaybanon waynu wada leenahay ee dhinaciina qabsada oo goosta. Ka qaybgala diiwaangalinaha iyo doorashooyinka. Rag dudi kara ma tihidin, rag wax wada leh ayeynu nahay. Ninka ku nool Xuddun, waxa Xamar uga dhow Hargeysa, Gar-adag iyo iso Caynaba. (laba Ilaahay ayaa u daawe qaada, labana iyagaa daawe qaata). Waxa aynu nahay kuwii Ilaahay u daawe, qaaday, dalka, dhulka, dhaqanka, dhalashada iyo dhiigguba waa innaga dhexeeyaa, dhismaha dawladnimaduna waa innaga dhaxeeyaa, wixii la qawadayo waxaannu qabnaa in la toosiyo.”
“Maanta dani kuma jirto in ninka dudayaa uu qori qaato oo jabhad sameeyo. Maxaad qori u qaadan oo jabhad u abuuri oo qalalaase oo aad dhibaato iyo khasaare dadkaaga u galin? Wax aynu wada leenahay ayaa miiska yaallaee, rag kala gar qaadan kara ayeynu nahay, ri’ gaar ahna cidna laguma sandulayn karo. Waxaan adkaynayaa inaynu nabadda iyo horumarka ka wada shaqayno dhammaanteen,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Waxa uu intaa ku daray, “Waxa aynu nahay dad walaalo ah, dad waddan leh ayeynu nahay, dad dhaqan soo jireen ah leh ayeynu nahay, waa waxa aynu kaga duwan nahay qoomiyadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika ku dhaqan bulsho dhaqan ab iyo isir leh ayeynu nahay. Dhaqankeenna way ku jirtay wax kala tirsiga iyo is-qabashadu. Waxa kaloo ku jirtay sida aynu u kala baxno iyo wax aynu ku kala baxno, dabaro iyo xeerar ayey lahayd.
Walaalayaal, annagu waxaannu ka soconnaa xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka madaxda yahay, xukuumaddaas aannu ka midka nahayna siyaasaddeeda waxa u bud-dhig ah inay horumariso Gobolka Sool, inay nabad waarta ka abuurto Gobolka Sool, degmada Xuddun waa degmooyinka ugu waaweyn gobolkan.

Sool waa gobol ka mid ah gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, waa gobol u baahan in la horumariyo oo mashaariic badan laga fuliyo. Ma suurtogali karto in dalkan yar iyo dadkan aynu is nahay in qaybna ay badhaadho oo barwaaqo ku noolaato, qaybna ba’do! Wuxuun baynu wada qabi karnaa, caqliga wanaagsanna kuma jirto in inna (qayb) la dhiso ina (qaybna) dib loo dhigo. Sidaa darteed, waxa naga go’an oo aannu Madaxweynaha wakiil kaga nahay oo naga ogyahay in wiixii horumar ah aannu xoogga saarno gobollada Somaliland ee bariga ee ka hooseeyaa kuwa galbeedka.”
“Mashaariicdan aynu maanta degmadan ka furaynaa waa kuwo muhiim ah, odhan maynu wax waliba way dhammaadeen, odhanna maynno baahi ma jirto. Waa mashaariic bilow ah oo u muhiim ah maamulka iyo nabadgalyada. Haddii aanay halkan nabad ka jirin oo aanay saldhig boolis yeelan magaalada bulshada ku nool nabad kuma noolaan karto, sababtaas ayaanuna saldhigan u dhisnay. Sidoo kale, maanta (shalay) waxaannu furnay xaruntii maamulka degmada iyo garoon loogu talogalay inay dhallinyaradu kubbadda ku ciyaarto. Baahiyaha kale ee laga waramayna wiixii suurtogal ah waanu qabanaynaa. Waxa kaloo aannu ka hawlgalaynaa sidii maxkamad loogu dhisi lahaa degmada Xuddun.
Waxaan halkan ka markhaati kacaynaa in dareenka dadweynaha Xudun uu shalay (waqtigii hore) iyo maanta (waqtigan) kala duwan yahay, odhan mayno wuu qabyo-tiran yahay, oo saxar la’yahay, hasa yeeshee aad ayuu u fiican yahay, shalayna wuu ka duwan yahay,” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Wasiir Maxamuud Xaashi.