Araweelo News Network

 

Riyaadh(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdirahman Cabdullaaahi Ismaaciil (Seylici) oo ku sugan Dalka Sucuudiga, ayaa ka mid noqday madaxda ka xajay Dalalka Islaamka ee gudanayay waajibaadka cibaadada Xajka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici iyo madaxda kale ee gudanayay waajibaadka xajka. ayaa la kulmay Boqorka Dalka Sucuudiga Amiir Salmaan Bin Cabdulcasiis iyo Amiirka leh dhaxalka Maxamed Bin Salmaan oo ah Amiirka uu dhalay ee ugu awoodda badan oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Sucuudiga.

 

Advertisements

Sidaana waxa lagu baahiyay warbaahinta Dalka Sucuudiga, iyadoo madaxda la kulantay Amiirka Dalka Sucuudiga Amiir Salmaan magacyadooda , xilalka ay hayaan iyo Dalalka ay ka socdaan la xaadiriyay, isla markaana Madaxweyne ku xigeenka Somaliland markii uu Salaamayay Amiir Salmaan la xaadiriyay magaciisa oo dhamays tiran iyo Taytalkiisa inuu yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Halkan ka Daawo Munaasibada Amiir Salmaan u qabtay madaxda gudnaysay waajibaadka Xajka ee uu la kulmay.